HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |
 

 

Maxamed Dheere ayaa shalay xabsiga dhigay taliye kuxigeenkii ciidamadiisa
 
Octaber,31.2005,Muqdisho,Soomaaliya' Waxaa lagu soo waramayaa in shalay xabsiga la dhigay taliye kuxigeenka ciidamada maamulka Gobalka/Shabeelaha dhexe xiraga lagu xiray taliyaha uu ku amray Maxamed Dheere
 
Taliye xigeenkan oo la yiraahdo Ciise Maxamed ayaa sababta loo xiray waxaa lagu Sheegay  inuu  Dhawaan damiintay wiil dhalinyaro ah oo Xabsiga ku jiray mudo dheer kadibna la waayey Wiilkii uu Damiintay sidaasina Xabsiga lagu dhigay Mas,uulkaasi.
 
Warar ku dhawdhaw Maamulka Sh/dhexe ayaa sheegaya iney Socdaan dadaal lagu doonayo in lagusii Daayo Sarkaalkaasi iyadoo ay Maxamed dheere ilaa shalay wadahadal kula jireen Odayaasha Beesha uu kasoo jeedo Taliyaha xiran.
 
Ma aha Markii ugu horeysay ee sidan oo kale uu Maxamed dheere xabsiga ugu taxaabo Mas,uul ka Tirsan Maamulkiisa balse dhawr jeer ayeyt sidaan oo kale dhacday waxaana ugu danbeeyey Xarigii Wakiilkiisii Warfaafinta Xasan Cali dhagey  oo mudo laba todobaad kadib xabsiga loogasii daayey Wadahadal dhexmaray odayaasha Beeshiisa iyo Maxamed Dheere.
Cabdiraxman Yuusuf-Muqdisho,Soomaaliya ''Dulmane Online''
 
 
Dowlada kenya oo go'aan ka gaartay Xerista Garoomada Dayniile & Ceel Axmed


 Octaber,31.2005,Muqdisho,Soomaaliya'Wararka Qaar ayaa sheegaya in Iyadoo dowlada KMG ah ee Soomaaliya garabkeeda Jowhar ay soo saartay amarro laguxirayo garoomada Dayniile iyo Ceel Axmed ayaa dowladda Kenya iyadana maanta lagaugayaa inay soo saarto go’aanka kama dambeysta ah ee ay ka qaadanayaan xayiraaddaa sheegay in lagu soo rogay qaar ka mid ah Garoomada Koonfurta Soomaaliya.

Cali Max’ed Geeddi ra’iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ku dhawaaqayin la xiray garoomada Dayniile iyo Ceel- Axmed ayna kala kaashadeen arrintaaswasaaradda socdaalka Kenya ayaa marka uu soo baxay hadalkaas waxaa ka hadlaywasiirka Arrimaha dibadda Kenya Cali Mukawiri.

Xubno ka kala socda wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo socdaalka ee Kenya ayaa maantala filayaa inay yeeshaan kulan, isla markaana ay iskula soo qaadaan xayiraaddaGaroomadaas, waxaana la filayaa inay go’aan rasmi ah ay soo saartaydowladda Kenyaiyadoo ay jiraan cabashooyin badan oo laga muujiyey xayiraadda garoomadaas waxaanaaragti soo baxeysa ay sheegeysaa in aysan dhici doonin in xayiraada garomadaasi ay sii socdaan.
Cabdiraxman Yuusuf-Muqdisho,Soomaaliya
Cade2044@yahoo.com
Xidigaone@hotmail.com
Wasiirka warfaafinta “Maareeye” ayaa ku tilmaamey wax kama jiraan wararka sheegaya in dowlada ay soo daabacdey lacago cusub oo Shiling Soomaali ah

 

October 31, 2005. . Mogadishu, Somalia.Warsiirka warfaafinta Dwoladda Federaalka somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Ayaa shaaca kaqaady in ay san jirin wax lagac ah oo ay keensatay dowladda ayna tahay mid aan sal iyo raad toona laheen.

 

Wuxuu inta ku darey Mr. Maareeye iney suurta gal tahay mustaqbalka haddii ay dowladu ku guuleysato arrimaha dibu heshiisiinta iyo hub ka dhigista iney soo daabacato lacago cusub, mar haddii ay dhamaato oo ay baabadey lacagihii Shilling Soomaaliga ahaa ee dalka laga isticmaalayey mudadii 15 sana aheyd, oo aysan dalka ka jirin wax dowlad ah oo awood leh.

 

Waxaa labadii Maalmood ee ugu danbeysay Magaalada Jowhar laga hadal hayey lacag Cusub oo Shilin Soomaali ah oo lasoo geliyey Suuqa Magaalada Jowhar oo imika Xarun KMG ah ay utahay Dawlada KMG ah Garabka uu Hogaamiyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed.

Lacagtani ayaa dad Magaalada ku sugani waxay sheegeen iney arkeen laakiin aaney badneyn oo si Tartiibtartiib ah loosoo Geliyey Suuqa,waxaa kaloo jira dad ganacsato ah oo Jowhar Jooga oo aan Arag lacagtaasi sida uu ku waramay Abshir Cali oo ah saxafi ka shaqeeya idaacada Jowhar.

 

Warar kalena waxay sheegayaan in lacagtaasi la doonayo in Mushaar ahaan loo siiyo Ciidamada ku Xareysan Xeryaha Dawlada ee kukala yaala Magaalooyinka Jowhar iyo Waajid iyo xitaa Xubnaha B/lamaanka iyo Xukuumada ku jira ee Jowhar degen.

 

Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Maareeyey oo Xalay ka hadlay arinta Lacagahan Cusub ayaa ku Tilmaamay waxaan jirin oo layska Baahiyey isagoo balanqaaday in hadii ay lacagtaasi soo gasho Suuqa uu isagu been sheegayo,waxa uu kaloo beeniyey war uu dhawaan sheegay Maxamed Qanyare oo ahaa in Magaalada Boosaaso lagusoo sameeyey lacag cusub oo ay dawladu leedahay.

 

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo qeybo kamid ah dalka ayaa iyagu haatan waxa ay wel wel ka muujinayaan sicir bararka ku iman kara maciishada, mar haddii lasoo daabaco lacago cusub
Cabdiraxman Yuusuf-Muqdisho,Soomaaliya
Cade2044@yahoo.com
Xidigaone@hotmail.com

 
Kulan quseeya arrimaha Siyaasadda Soomaalida oo ay isla qaateen Mr. Fall iyo Daahir Riyaale Kaahin.
 
October 31, 2005. . Mogadishu, Somalia wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobey uga wakiilka ah Arimaha Soomaaliya Francio Fall ayaa Xalay Magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliland Daahir Rayaale Kaahin Iyadoo Booqashada Fall ay utahay tii ugu horeysay ee uu ku tago Magaalada Hargeysa tan iyo Markii loosoo Magacaabay Jagadan.
 
Wararku waxay sheegayaan in Wakiilku amaanay Maamulka Soomaaliland isagoo sheegay inuu si Weyn uga helay Doorashadii Golaha Wakiilada ee Dhawaan ka dhacday Gayigaasi,Waxa uu kaloo ka Warbixiyey Xaalada ka taagan soomaaliya Gaar ahaan xiisada ka dhextaagan Dawladii lagusoo Dhisay Dalka Keenya.
 
Madaxweynaha Soomaaliland ayaa isna hadal uu ka jeediyey kulankaasi waxa uu wakiilka Qaramada Midoobey  ufaahfaahiyey horumarka uu ku talaabsaday Maamulkiisa intii uu jiray isagoo ka codsaday Inuu Golaha Amaanka ka gaarsiiyo Salaan uuna uga waramo Wixii uu kusoo arkay Soomaaliland.
 
Booqashada wakiilka qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu ku tegey Magaalada Hargeysa waxay Umuuqataa mid uu kusoo jiidanayo Maamulkaasi si uu Golaha amaanka kulanka ay ku leeyihiin Magaalada Neyork uga sheego Horumarka Soomaaliland iyo dibudhaca Soomaaliya
Cabdiraxman Yuusuf-Muqdisho,Soomaaliya
Cade2044@yahoo.com
 

 

Mr.Cosoble oo uga digay dadka reer xiiraan in ay muujiyaan daganaasho

 

 

October 31, 2005. . Mogadishu, Somalia-Wasiirka wasaarada waxbarashada dowladda Fadaraalka Soomaaliya  Cali C/laahi Cosoble ayaa baaq u jeediyay dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan in ay taageeraan taageeraan dowladda FS iyo maamulka cusub ee gobolka Hiiraan ka dib shir jaraa'id uu maanta ku qabtey magaalada Jowhar oo fariisin u ah garab ka mid ah dowladda Fadaraalka Soomaaliya.

 

Waxa uu sheegay in dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan in ay muujiyaan daganaasho isla markaana ay ka fikiraan horumarka gobolka.

 

Wasiirka waxa uu ku eedeeyay XIldhibaan Cumar Xaashi in uu yahay nin aan jecleyn qaranimada Soomaaliyeed isla markaan uu yahay nin ka dhacay tareenka siyaasadda Somaliya.

 

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa beeniyay war sheegayay in ay is gacan qaadeen isaga iyo wasiir K/xigeenka G/dhigga Cumar Dheere, isagoo sheegay in Cumar Dheere uu yahay ninka kaliya ay isku dhow yihiin dowladda Fadaraalka Soomaaliya

Cade2044@yahoo.com

Xidigaone@hotmail.com

 

Qasaaro Ba'an oo u geestay Wabiga Shabelle oo ku fatahay Tuulada Mustaqbal ee degmada Kuntuwaareey

 

October 31, 2005. . Mogadishu, Somalia- Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya  In ka badan laba boqol “200” oo qoys ayaa ka bara kacey guryahoodii oo kuyaala deegaanada Kuntuwaareey iyo Mustaqbal ee gobolka Sh/Hoose, kadib markii uu sii kordhey fatahaada wabiga Shabeele ee deegaanadaasi.

 

Qoysaskan ayaa la sheegay in gabi ahaanba ay guryahoodii ay buux dhaafiyeen biyihii wabiga, oo maalinba maalinta ka danbeysa kusoo shubmaya goobaha ay dadkaasi daganayeen, iyadoo ay socdaan dadaalo looga hortagayo fatahaada oo ay iska kaashanayaan hey’adda ICRC iyo maamulka gobolka Sh/Hoose.

 

Fatahaadan oo socota muddo saddex maalmood ah ayaa loo aaneynayaa kadib markii beeraleyda muuska ay horey wabiga dhexdooda xireen, iyagoo diidan biyaha iney dhaafaan, taasoo sababtey biyihii gudbi lahaa iney deegaanada dib ugu soo laabtaan.

 

Deegaanada Mustaqbal iyo Kuntuwaareey ayaa laga dareemayaa dhibaato xoog leh oo ay fatahaadu geysatey, waxaana wali dadka halkaasi ku nool usii guurayaan oo ay qaarkood gaareen degmada Kuntuwaareey, Buulo Mareer iyo Marya Gubaay, oo ah deegaano iyagu taag saaran.

 

Waraa lagu soo waramaya in ay tahay tii ugu qasaaraha badneyd oo la soo daristay beeraleydaasi, iyadoo tuulada Mustaqbal marka loo eego ay ka mid tahay tuulooyinka ugu wax soo saarka badan dhinaca beeraha ee degmooyinka hoos yimaada Kuntuwaareey.

Ma ahan markii ugu horeysay ee degaano ka tirsan degmada Kuntuwaareey uu ku fataho wabiga, iyadoo arintaana ay ku soo beegmatay xilli beeraleyda ay isku diyaarinayaan tacbashada dalagyadooda.

Cabdiraxman Yuusuf-Muqdisho,Soomaaliya
Cade2044@yahoo.com

Xidigaone@hotmail.com

 



 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com

Hit Counter