HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

Shariif Xasan iyo C/laahi Yuusuf oo kulan ku leh Sanca


Sanca 02 Jan. 06 ( Sh.M.Network)
Gudoomiyaha baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa waxa uu maanta sheegay inuu kula kulmayo Magaalada Sanca Madaxweyne C/llaahi Yuusuf si loo afmeero khilaafka u dhaxeeya garabyada dowlada FS ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar.
Shariif Xasan Sheekh Aadan
Shariif Xasan iyo C/laahi Yuusuf


Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray maanta magaalada Sanca oo uu ku sugnaan doono muddo dhowr cisho ah oo uu kulan kula qaadan doono mas’uuliyiinta dowladda Yemen oo ay isla eegi doonaan xaaladda Soomaaliya iyo qodobo la xiriira xiriirka labada dal.

Gudoomiye Shariif Xassan oo u waramayay Wakaaladda Wararka Yemen ayaa waxa uu sheegay in booqashadiisa ay la xiriirto dadaalada dowladda Yemen ay isugu keeneyso Soomaalida ayna xal ugu raadineyso khilaafaatka ka dhex jira hey’adaha dowladda Soomaaliya .

Waxa uu carabka ku adkeeyay xushmadda iyo qadarinta uu u hayo Hogaanka dowladda Yemen Madaxweyne Cali C/lla Saalax sida uu isku howlayo isku soo dhoweynta kooxaha Soomaalida ee is maandhaafsan , taasoo ah mid u suura gelineysa dowladda la soo doortay inay ka shaqa gashao sugidda amaanka ,deganaanshaha iyo fidinta awooda sharciga oo ay ku jirto dhismaha hey’adaha dowladda .

Waxaa ku soo dhoweeyay Magaalada sanca Dr. Cali C/qawi Algafaari oo ah u qeybsanaha afrika ee wasaaradda arimaha dibadda Yemen .

Socdaalka Gudoomiye Shariif xassan uu ku tagay Yemen ayaa dadka ka faalooda arimaha siyaasadda ay u arkaan mid soo dedejinaysa xalka khilaafka dowladda oo soo taagnaa in ka badan muddo 10 bilood , waxaana rajo weyn laga muujinayaa ifafaalo iyo natiijo wanaagsan oo kulankani ka soo baxa, xilli Isgoyska Bakaaraha ee Muqdisho jidgooyo tiilay oo uu horey u qaaday dib ay u soo celiyeen taageerayaasha wasiirka amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax.

Bishii june ee sanadkii hore ayey aheyd markii uu fashilmay geedigii wadahadalsiinta Gudoomiye Shariif Xassan iyo Madaxweyne Yuusuf oo isku mari waayay kulankoodii ka dhacay Sanca qodobada qaar ee la xiriira aaya ka talinta dalka , taasoo dhexdhexaadiyaal ay ka ahaayeen Madaxweynaha Yemen Cali C/lla Saalax , R/wasaarihiisa C/qaadir Baa Jamaal iyo wasiirkiisa arimaha dibadda Dr. Abuubakar Alqurabi.

 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com