|
C/Laahi Yuusuf iyo
Shariif Xasan oo Heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan

C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo kala
saxiixanaya heshiis (Jan 5, 2006)
Khamiis Janaayo 5, 2006: Madaxweynaha
DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,
Shariif Xasan Sh. Aadan, ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan ee
dalka Yemen, heshiiskaas oo ah in ay soo afjaraan xurguftii u dhexeysey
labada garab ee Dawlada Federaalka ee Jowhar iyo Muqdisho.
Heshiiskaasi waxa ku xusan in 30 beri
gudohood uu baarlamaanka FKMG ah markii ugu horeysey ku shiro meel ka
tirsan gudaha dalka Soomaaliya.
Laakiin heshiisku ma xusin meesha ay
dawladu degi doonto.
Sida laga soo xigtey warbaahinta Yemen,
waxaa heshiiska ku cad in hoggaamiyayaasha labada dhinac ee heshiiskani
dhex maray in ay qadariyaan xeerarka u deggan dawladda Federaalka ah ee
kumeel gaarka ah iyo axdiga qaranka.
Waxa kale oo heshiiskani xubnaha dawlada
Soomaaliya ugu yeeray in ay dhinac iska dhigaan muranka iyo is qabqabsiga
u dhexeeya oo ay ku dadaalaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen wada jirka
iyo in ay danta qaranka muhiimada oo dhan siiyaan.
Waxaa heshiiska ku cad in beesha caalamka
la weydiisanayo in ay heshiiska Cadan taageeraan.
Saxiixa heshiiskan waxaa goob joog ka
ahaa madaxweynaha dalka Yemen.
Madaxweynaha Dalya Yemen, Cali Cabdallah
Saalax waxa uu dawlada Federaalka KMG ee Soomaaliya ugu baaqay in ay
dawlada u raraan magaalada Muqdisho. Waxa kale oo uu kooxaha hubaysan ugu
baaqay in ay hubkooda ku jeediyaan dhismaha dalka. Dadka Soomaaliyeedna ay
wixii hore ka dhigaan wax tegey.
Warbixin dheeraad ah ee Heshiiska Cadan
iyo qodobada heshiiska oo Af-Igiriisi ah hoos ka akhri
Isha: Yemen Observer | Sawirada: Yemen
Observer iyo Reuters |
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Jan 5, 2006
| C/laahi
Yuusuf iyo Shariif Xasan oo heshiis rasmi ah ku kala saxiixday Cadan

C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo si
wada jir ah Sanca ugu qabtay warsaxaafadeed
Jan 5, 2006: Madaxweyne C/laahi
Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan
ayaa madaxtooyada dalka Yemen ee Cadan ku kala saxiixday heshiis rasmi
ah oo lagu soo afjaro hal sano iyo lix bilood khilaaf u dhaxeeyey
xubnaha dowladda kaas oo soo bilowda 17-kii Maarso 2005-ta kaddib
markii ay xubnaha labada gole isku khilaafeen in dalka la keeno
ciidamo shisheeye iyo qodobo kale ayaa heshiiska ay shalay kala
saxiixdeen labada mas’uul ka soo shaqeeyey madaxweynaha dalka Yemen
Cali Cabdalla Saalax oo isagu shalay goob joog ka ahaa heshiiskaasi.
Qodobada lagu heshiiyey ayaa waxaa ka
mid ah in xubnaha labada gole ee dowladda ay ku shaqeeyaan caasimadda
Soomaaliya ee Muqdisho , iyadoo maadaxweynaha uu Muqdisho imaanayo
marka ay noqoto Muqdisho goob nabdoon sidoo kale waxaa qodobada ka mid
ah in muddo 30-maalmood gudahood ah ay xubnaha baarlamanka kulan ku
yeeshaan dalka gudahiisa ama meeshii nabdoon balse farta laguma fiiqin
goobta uu ka dhacayo.
Qodobada kale ee ay madaxweynaha iyo
guddoomiyaha baarlamanka ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in loo
hawl galo sidii la isaga iloobi lahaa waxyaabihii hore u dhacay ee
dhex maray xubnaha labada gole ee dowladda waxaa loogu baaqay xubnaha
labada gole in ay ka shaqeeyaan sidii ay dowladda ugu talaabsan laheyd
nabad iyo xasilooni ka dhacday guud ahaan dalka.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo ka
halday kulankaasi waxaa uu ballan qaaday in heshiiskaani uu ka
dhaadhicin doono xubnaha labda gole ee ku fikirka ah sidoo kale
guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wuxuu sheegay
in uu heshiiskani ka dhaadhicin doono xubnaha dowladda ee ku sugan
Muqdisho, sidoo kale waxaa kulankaani ka hadlay madaxweynaha dalka
Yemen Cali Cabdalla Saalax oo u soo jeediyey xubanah dowladda in ay
yeeshaan kala dambeyn waayo ayuu yiri “Madaxweynihii hore ee
Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre wuxuu ahaa nin dalka isku hayey lagana
wada dambeeyey waxaana la idinka rabaa in aad kala yeelataan kala
dambeyn iyo is tixgelin taas ayey ku imaan kartaa dowladnimo.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda
federaalka ah C/laahi Sheekh Ismaaciil iyo wasiirka Hidaha iyo
Tacliinta sare Xuseen Max’ud Sheekh Xuseen oo iyagaana ka qeyb galay
heshiiskaasi una waramayey saxaafadda ayaa waxaa ay sheegeen in
madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamanka ay daacad ka tahay fulinta
hawshaasi.
Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi oo
haatan ku sugan magaalada Jowhar ayaa si aad ah u soo dhaweeyey
heshiiskaasi kuna tilmaamay mid taariikhi ah oo isku keenaya xubnaha
dowladda waxaa kaloo heshiiskaani ka hadlay afhayeenka xubnaha labada
gole ee Muqdisho Cumar Xaashi Aadan, waxaana uu sheegay in dhinacooda
muddo ay sugayeen in la soo afjaro khilaafka xukuumadda dhinaca kale
dowladda Talyaaniga ayaa iyana si aad ah u soo dhaweysay heshiika ay
wada gaareen madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka waxaana ku
dhawaaqay wasiirka ku xigeenka arrimaha dibadda ee Talyaaniga oo
shalay soo gaaray magaalada Jawhar wuxuuna heshiiskaasi ku tilmaamay
mid Soomaaliya u horseedaaya dib u heshiisiin dhab ah.
W/D: Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com |
|