WARARKII
Khamiista::: Jan 15, 2006
Talaabadda
Wanaagsan oo Ku Dayasho Mudan.
Ururka Haweenka
Somaaliyeed ee ku Dhaqanka Dalka Talyaaniga ayaa Deeq Koobanama
Xadidan oo Lacageed ugu Deeqay Ururka Haweenka G/Sh/Dhexe Kaalmo
ahaan, Wana Talaabo wanaagsan oo ku dayasho
mudan iyo aragtida ku saleeysan Dareenka
Fiican Iyo Baahida Dalka Hooyo.
Qurba Jooga iyo Ururadda
kala duwan ee Somaaliyeed kana jirra qaaradda YurubIyo Waqooyiga
Mareykanka ayaa loo baahan in eey kordhiyaan Gacan u Fidintaama
Gacan ka Geeysashadda howlaha ama Arrimaha Bulshadda ee ka Socdda
Gudaha Dalka Hooyo, Gaar ahaan Waxbarashadda,
Caafimaadka iyo Xiliggan la Qaado Ololle gurmad deg-deg ah oo lagu
Taakuleeynaayo Dadka Abaaruhu sida Weyn u Saameeyeen ee Koonfurta
Somaaliya Gaar ahaan Gobolada Gedo,Jubada
Dhexe iyo Qeybo ka mid ah Jubadda Hoose oo sida lagu Soo Waramaayo
Xaalad Halis ahi Ka Taagan Tahay(Haweenka,
Dhalinyaradda, Odayaasha iyo Bahdda
Aqoonyahanka Somaaliyeed Ayaa Dalkii Indho Furan ku Soo Eegaayaa
Iyagoo leh Waad I dacayceen ee Sidan ii
Dhaama).
Masuuliyadda Iyo Garashadda
ayaa ina Dharaaya La Imaanshaha dadaal iyo Wax qabad dhab ah, isku
duubni iyo isu-gargaarid, waana habka eey ku Saleeysan
Tahay Shareecadda Diinteena Islaamka, iyo Habka
Wanaagsan ee Dhaqanka Dadka
Somaaliyeed(Lahaan Jireen) oo ahaa Simooyin Wanaagsan loona Baahan
Yahay in Dib loogu Noqdo, Ururka Haweenka Somaaliyeed ee Dalka
Talyaaniga Dareenka iyo Bileeyska Fiican oo
aad Muujiseen iyo Talaabadda aad Qaadeenba waa Kuwo Fiican
oo ku Dayasho Mudan, adaalkana Halkaas ka Sii Wada,
Wax Yar iyo Wax Badaniba Waa Faa,iido waana
loo baahan yahay, Ogaanshaha iyo La Socodka Duruufaha ka
jirra Dalka Hooyo ayaa ah mid Waajib ku ah Qof
Walba oo Somaaliyeed, Jaaliyadda Somaaliyeed
ee Qurbaha ku Dhaqn ayaa wax badan u qaban karta Dadkeeda iyo
Dalkeeda hadii eey la timaado-Midnimo, Masuuliyadda iyo Dadaal iyo
Daacadnimo Iyo Tawakalka Alle.
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield- England- 15/01/2006.
-