Yamyam:
Gabyaa Laqmaday!
Axmed F. Cali
“Idaajaa”
Toddobaadkii ugu dambeeyey
bishii Agoosto ee sannadkan (2005) ayaan kula kulmay Nayroobi;
isaga oo markaas u ballansan inuu, saddex maalmood dabadood, u
duulo Columbus, Ohio. Wuxuu ku guuleystey inuu ka mid
noqdo Soomaalida boqollaalka ah ee bishii ama labadii biloodba
mar halkan dayuuradaha lagaga guro; iyada oo aad mooddo in
dadkana dhulka laga xaalufinayo, ka dib markii dhirtii laga
xaalufiyey!
Waxaan kula kaftamay:
“Yamyamow, adiguna ma haddaad Maraykan u qaxaysaa?”. Suu
wuxuu ku jawaabey: “Oo sidee baan yeelaa, haddii aan 15 sano
ka dhur-sugaayey, wanaag ka soo socdaana uusan ii muuqan…laakiin,
kolley, dal shisheeye in badan kuma negaan doonee, waan ka soo
noqonayaa markaan reerka geeyo, aniguna aan ka soo helo
waraaqo lagu sodcaali karo”.
Cabdulqaadir Xirsi
Siyaad oo Yamyam ku magac dheeraa, reerkii wuu geeyey. Laakiin
isagu, wax la sheego, Maraykan kuma noolaan. Wuxuu ku
geeriyoodey isaga oo aan 2 biloodna ku negaan:
- “Waxaad Aadanow maaggan
tahay adiyo maankaagu
- Iyo meel uu Ilaahay ku
marin kala mid weeyaane!”
Markii ay qoyskiisu ugu
baahida badnaayeen ayuu ka iishay. Wiilal iyo gabdhoba,
warasadiisa oo hagiddiisa aan weli ka korin ayuu ka god-galay.
Soomaali intii tiqiin iyo intii maqli jirteyba goortii ay ugu
jeclaayeen ayuu geb yiri. Melaggii geerida ayaa baabuur
lalaaya isaga soo dhigay. Markaas buu ifka ka jiciirtay, iyada
oo aan nala ogeysiin, kansho lagu sagootiyana aan nala siin!
Qoys iyo qaraabo ka
sokow, bulshada suugaanta ayaa si weyn u tebi doonta.
Waddaniyadda haatanba dadkeenna gabaabsiga ku ah ayaa
maqnaanshihiisa u sii naafan doonta. Saaxiibbadiisii gaar
ahaaneed ka sokow, maansadiisii murtida badnayd intii ku
jeclayd ayaa sannado u ilmayn doonta.
Geeriduse kala qoob
culuse, tiisu waa khasaare ummadeed. Si dhab ah berri markii
wax loo qiimeeyo ayaa la ogaan doonaa meesha hore ee uu kaga
jirey maansoyahannadii Soomaalida u soo baxay soddonkii sano
ee qarnigii 20d u dambeeyey. Aragtidayda, wuxuu ka mid ahaa,
tiro ahaan, hal-abuurro bulshadeenna ku sii yaraanaya oo
kulansaday hibada hal-abuurnimo iyo kasmo ballaaran oo hiddaha
ummadda iyo af-soomaaliga ay u leeyihiin.
* * *
Aniga, qof ahaan, wuxuu
Yamyam ii ahaa wadeey qaali ah. Wuxuu ii ahaa saaxiib, inuu
iga hormari doono, aanan weligey soo rogin! Laba-iyo-soddon
sano ayaannu ahayn suugaan-wadaag, sheeko-wadaag iyo
maan-wadaag intaba. Bilawgii 1900 iyo toddobaatannadiina
waxaaba jirtey, dhawr sano, mar aannu Xamar degaan-wadaag ku
ahayn.
Gabaygii uu tiryo iyo heestii
uu curiyoba, waxaan ahaa qofka ugu horreeya oo uu tuso, haddii
loo baahdona la saxar-tira. Sidoo kale, isaga ayaa qoraalkii
aan curiyo iyo maansadii aan isku dayoba iiga ahaa la-taliye
aan ku kalsoonaa oo talooyinkiisa aan wax badan ku dheefay.
Sababahaas dartood ayay
dad badan oo na wada yaqiini geerida Yamyam iiga tacsiyeen.
Tacsiyayn keliyase kuma ay ekaane, waxay isla markaasba iga
durraansanayeen, af ama qoraal ahaan, inaan wax uga iraahdo
isaga qof ahaantiisii iyo, guud ahaanba, ujeeddooyinkii ugu
muuqa dheeraa ee uu maansadiisa u xanbaarin jirey. Kaasina
wuxuu ila noqday ummadda aan ku abtirsadaa codsi ay gar iigu
leedahay iyo waajib ay tahay inaan ka soo dhalaalo oo
saaxiibkayga geeriyoodey uu si walba iiga mudan yahay.
Haddaba, aniga oo
kaashanaya aqoontii aan u lahaa, isla markaasna soo koobaya
aan iraahdo: Yamyam wuxuu ahaa gabyaa hibo sheegtay oo curinta
maansadu ay dhismaha jirkiisa ku daabacnayd, maankiisana aysan
weligeed ka maqnaan. Wuxuu kaloo ahaa gabyaa dhiirran oo kolba
wixii ay la noqoto soo if-bixiya, isaga oo aan dan ka gelin,
hiif iyo hagardaamo, wixii ay u keeni karayso. Misana wuxuu
ahaa gabyaa dhaqan-yaqaan ah. Mar kale wuxuu ahaa gabyaa madax
bannaan. Mar shanaadna wuxuu ahaa gabyaa Soomaalinnimada ku
dhaata.
Intaasba wuu ahaa,
waxaase loo baahan yahay faahfaahin dheeraad ah. Haddana waxa
aan laga maarmi karin inta maansadiisa dib loo milicsado in
iyada la markhaati-gashado. Taasina wax adag ma aha.
1. Gabayaa
hibo sheegtay:
Sidaan xusuusto,
sannadkii 1973kii ayuu Xamar noogu yimid; isaga oo
waqooyi-galbeed ka socda; halkaas oo uu isagu ku soo
guuleystey tartan maanso oo heer gobol ahaa. Magaalo-madaxda
kolkuu yimidna, wuxuu ka mid noqday maansoyahanno sidiisa oo
kale gobolladii ay degganaayeen iyaguna ku soo guuleystey oo
tartan heer qaran ah la isugu keenay.
Xilligaas waxa aan ka
tirsanaa Akademiyada Dhaqanka hay’addii la oran jirey;
taasoo wax yar ka dibna u xuub-siibatey Akademiyada Cilmiga
& Fanka. Maamulka tartanka iyo tartameyaasha ayay
Akademiyadu u xil-saarrayd; halkaasoo aniga iyo Yamyam aannu
isku barannay.
* * *
Haddiiba waxaan la
ashqaraaray hibada curinta maanso oo gabayaagan da’da yari
uu ku hubaysnaa. Hadalka caadiga ahi siduu intayadii kale ugu
fududaa ayay abuurka tuducyada gabaygu isaga ugu fududaayeen!
Markiiba waxaan ogaadey inuu ‘gole-ka-fuul’ yahay:
hal-abuur halka uu joogo isaga oo aan ka dhaqaaqin soo if-bixin
kara maansadii uu doono ama ay saaxiibbadu ka doonaan!
Taasina waxay ii sii
caddaatay sannadkii 1974kii markii isaga iyo anigu aan
gudo-galnay hawlihii suugaaneed ee wadajirka aannu u qabannay
tii ugu horraysey. Waxay ahayd riwaayaddii aannu u bixinnay
“Dabkuu shiday Darwiishkii” ee ku saabsanayd waayaha
dhaqdhaqaaqii gobannimoddoonka Soomaaliyeed ee Sayid Maxamad
Cabdille Xasan uu hoggaamiyey intii u dhexaysey 1895 ilaa
1920kii.
Shaqadaas inteedii uu
isagu sida gaarka ah ugu qaybsanaa waxay ahayd inuu tiriyo
maansada ay jileyaasha riwaayaddu ku wada hadli doonaan iyo
heesaha dhawrka ah ee loogu baahnaa. Waxaan filaayey,
taxanihii sheekada haddaan dhisnay ka dib, labadayada mid
waliba hawsha laga rabo inuu la tegi doono, dabadeedna
toddobaad ama toddobaadyo dabadood, tii oo la soo ebyey aannu
isula imaan doonno.
Hase ahaatee,
qorshahaasi sidaas uma dhicin, Yamyam baana ku wacnaa. Waxaan
yaabay markuu inta qalin iyo waraaqo cadcad ii dhiibey iga soo
hor-jeestay oo igu yiri:
- “Qor !”
- “Maxaan qoraa?” ayaan
iri
- “Waxa aan kuu yeerin
doono qor”
- “Oo maxay yihiin?”
ayaan ku celiyey, aniga oo weli garan la’ waxa uu iga
rabo inaan qoro.
Markaas buu yiri:
“Waxaan kuu yeerinayaa ergooyinka shirka Baarliin gabayadii
iyo geeraarradii ay ku wada hadli lahaayeen…u horraysii
ergeyga Jarmalka ee martida loo yahay!”.
Galabtaas ayuu saacado
yar gudahood wuxuu ku dhammeeyey tixaha riwaayadda ku jira ee
aragga 1d (First Scene); tixaha ku saabsan kulankii Baarliin
ee xoogaggii Yurubta-galbeed ay 1884-1885kii Afrika ku
hooshayeen.
Markaan dib u xusuusto
galabtaas iyo dhaqsihii meerisyada gabayada uu iigu soo
tuuraayey ayaan isula ekaadaa arday damiinnimo iyo
gacan-culays isku darsaday oo macallin degdegsani uu cashar u
yeerinaayo!!
2. Gabayaa
dhiirran
Tilmaamaha wanwanaagsan
ee maansoyahanka waxaa ka mid ah geesinnimada. Isaga ayaa ku
dhiirrada wax, inta badan, aan dadka kale ku dhiirran karin.
Marar badan isaga ayaa naftiisa biimo ugu talin kara, si waxa
laabtiisa ka guuxaaya uu u soo dibed-bixiyo.
Hase ahaatee,
maansoyahannada qudhoodu taas kama wada sinna. Qaar baa halka
loo badan yahay wax uga dillaama. Qaar baa kolba kii duubku u
xiran yahay gar iyo gardarroba ku raaca; iyaga oo lafahooda
uga baqaya amaba anfaco ka jeeqaaqaya. Qaar kale, tolka ay ka
dhasheen ayay addoon u noqdaan. Gefba ha ahaatee, talada ay
qoladiisu maantaas u xaglinayso ayay ula xagliyaan, ‘maya’
inay yiraahdaanna kuma dhacaan! Qaar kale naftooda uun bay u
daneeyaan, halkii runta iyo wanaagga bulshadooda ay uga danayn
lahaayeen.
Awoodda curinta
maansaduba ha ku daabacnaatee, hal-abuurrada kuwa caynkaas ahi
dadka kama dhex-qarsoomaan. Haba qurux badnaatee, maansadoodu
ma soo dhaafto xilligii la tiriyey iyo meeshii lagu tiriyey
toona, maxaa yeelay waxaa ka maqan dareenkii runta ahaa ee
waarin lahaa. Maansadoodu ma hanaqaaddo, maxaa yeelay waxay ka
dhalatay carrabkii dalabta lahaa ee la sheegay lugaha dalabta
leh in laga garan og yahay!
Ha yeeshee, waayihiisu
sida ay inoo muujinayaan, Yamyam waa gabayaa dhiirran. Sida
aan u aqiin, waa gabayaa waxa uu rumaysan yahay aan ka
leexleexan karin, xataa hadduu ku tashado inuu isyeelyeelo ama
iscandadawlo!
Sidaas darteed, awood
siyaasadeed iyo rabitaan toleed toona weligiis uma nuglaan,
cid kale afkeedana kuma uu hadlin. Bulsho-weynta Soomaaliyeed
ayaa u sinnayd. Danaheeda ayaa weligiis uga horreeyey kuwiisa
iyo kuwa qoyskiisaba. Taana waxaa laga garan karaa maansadiisa
ballaaran iyo waayaha noloshiisa labadaba. Mar waa kii lahaa:
- Obokh iyo Hargeysiyo
- Nugaal oogadeediyo
- Ardaayada Shabeelliyo
- Ilaa beesha Enef-dii (NFD)
- Afartiisa gees iyo
- Muqdishoo unuunka ah
- Ummaddayda joogtee
- Diin iyo af keliya ah
- U eg anigu saan ahay
- Aabbiyo adeer iyo
- Eeddiyo ayeeyaba
- Oday qurihi wada dhalay
- Ee alif kordhaban iyo
- Aayadaha Quraanka ah
- Hikaad keliya ku akhriya
- Waa kala ab yaa yiri?
-
- Arraxmaan Raxiimow
- Waad iga ogsoon tahay
- Ammuuraha na haystoo
- Qoladaad albaabbada
- U furtaa ma oontoo
- Abaar iyo kulayl iyo
- Eedaadka gaajaan
- La adkaysan weynoo
- Ummaddayda baahida
- Wawga ashtakoodee;
- Arsaaqdii dhulkoodood
- Irmaanow tiraahdiyo
- Aqli aan ku garanniyo
- Addimmo aan ku maalliyo
- Xaqdigoon illowniyo
- Mid ahaanshaheenniyo
- Sabool laga adkaadaan
- Ku weyddiistey Eebbow!
Sida ay dad badani
xusuusan yihiin, bilawga 1900 iyo toddobaatannadii aad bay u
yarayd tirada Soomaalidii u bareeri kartey siyaasadihii
Golihii Sare ee Kacaanka iyo maamulkii ay iyagu hoggaaminayeen.
Cid ay daacad ka ahayd, cid wax kaga doonaysey iyo cid ka
baqayseyba, sacabka ayay bulshadu u wada garaacaysey. Waxaa
ugu darraa maansoyahannada iyo hal-abuurrada fanka oo
beryahaas si isdabajoog ah u curin jirey gabayo iyo heeso ay
madaxdii dalka ku ammaani jireen.
In kastoo beryahan loo
badan yahay madaxdii xilligaas hal-abuurradii ammaani jirey in
lagu darraabo, haddana taasi aniga waa ila gardarro, waana gef
aan maan-gaabnimo ka tagganayn! Waxaan qabaa madaxdu haddii ay
wax fiican qabato inay ammaanteenna mudan yihiin, maxaa yeelay
waa u dhiirriggelin. Haddaynu daw u leennahay markay wax
bi’iyaan inaynu ku dhalliillo, iyana waxay gar inoogu
leeyihiin kolkay wax wanaajiyaan inaynu ku hanbalyayno.
Dhinaca kale, gabayaagu
wuxuu gar u leeyahay tixihiisa inuu u adeegsado, fal iyo hadal,
kolba wixii dareenkiisa dhaqaajiya. Wuxuu xaq u leeyahay
cidduu doono inuu maansadiisa ku ammaano, mar walbase waxaa
shardi ah inay run ka tahay oo aan dad kale carrabka la lahayn,
lana kireysan!
Si kastaba ha ahaatee,
wax ugu wacnaaba, hal-abuurradii ka biyo-diidey ammaanta
madaxdii dalka ee xilligaasi waxay u qaybsameen:
--qaar iska aamusay; iyo
--qaar dan moodey inay
tiriyaan heeso sarbeeban oo dadweynuhu aanu ujeeddadooda la
bixi karin, siyaabo kala duwanna loo qaadan karo.
* * *
Sannadkii 1974kii ayuu
Yamyam caddeeyey inuu saddexdaas qoloba ka duwan yahay. Wuxuu
taariikhda gashaday geesinnimo layaab leh markii uu
falanqeeyey gefafkii siyaasadeed ee ka dhashay maamul-xumadii
isa soo taraysey, asii in kor loogu dheeraysto aan markaas
cidina ku dhici karin!
Sannadkaas ayuu tiriyey
saddexda gabay ee la kala yiraahdo: Weriye, Qaran iyo Run
Dhegeyso oo dhammaantood xanbaarsanaa dhalliilo toos ah; isaga
oo tirinaaya goldaloolo wixii maalintaas u muuqanaayey.
Madaxdii dalka ayuu ku canbaareeyey siday uga weecdeen 1969kii
waddadii ay ku ballan-qaadeen inay ummadda qaadsiin doonaan:
waddadii hufnaanta maamulka, waddadii horumarka, waddadii
daryeelka nolosha dadweynaha…
Isaga oo aan u
sarbeeban, ammaanna aan ka hormarin wuxuu ahaa gabayaagii ku
dhiirradey inuu yiraahdo:
- Lixdankii sidii loo
dhidboo, calanka loo dhaabay
- Qaar weli dhur-sugayaa
jiroon, dhaashi loo marine
- Dheeraad intoodii rag
cunay oo, ruugga sii dhuraya
- Dhaayahaygu qaar bay
arkaan, dhabarku muuqdaaye
- Dhuunyaalihii lacagtu wuu,
dhuudayaa weliye
- Masaakiinta kii dhaca
haddaan, tiirka loo dhiginnin
- Oo ayan xaqiisii dhadhamin,
kii u dhimanaayey
- Maxaad noogu dhalateen
kuwii, hore ma dhaantaane
- Maxaadse ugu dhawaaqdeen
cadlaan, laga dhabaynaynnin?
* * *
Tusaale kale oo
dhiirranaantiisa inoo muujin karaa waxa uu yahay tuduc gabay
ah oo ku beegan 1980kii. Waxay ahayd 21kii Oktoobar,
maantaasna waxaa loo dabbaaldegaayey sannadguuradii 11d ee
Kacaanka.
Allaha u naxariistee,
madaxweyne Maxamad Siyaad Barre khudbaddii uu maalintaas
ummadda u jeediyey waxa uu daaha kaga qaaday qorshe cusub oo
uu laba-kaclayn ku magcaabay. Waxaa lagu macneeyey: tallaabo,
dul iyo hoos, lagu hagaajinayo maamulkii dalka ka jirey, wixii
qaldamayna lagu turxaan-bixin doono.
Yamyam, haddiiba qorshahaas
shaki baa ka galay. Wuxuu, malaha, garan waayey, madax iyo
aragtiba, iyada oo wax waliba ay sidoodii hore yihiin sida ay
laba-kaclayni u suuraggeli karayso!
Kolkaas buu, fagaarihii
dabbaaldegga annaga oo aan wax badan ka soo fogaan, wuxuu la
soo boodey:
- “Digo-rogasho waa meel
ka wacan degelki aad tiile
- Adigoo diqdaadii fadhiya
dulinku kaa raacay
- Doobiga in loo sii cushaa
xoolo kuu darara
- Waa damac-ku-xiisood
ninkii taa danniyayow e!”
3. Gabayaa
dhaqan-yaqaan ah:
Hibo kasta ha lahaadee,
gabayaa waliba wuxuu u baahan yahay inuu wax fiican ka aqoodo
dhaqanka bulshada uu ku dhex-nool yahay iyo dadweynaha uu
tixihiisa u jeedinaayo. Inay u le’ekaatoba, waa inuu garasho
u leeyahay, guul iyo guuldarro, waayaha uu dadka degankiisu
soo maray. Waa inuu wax fiican ka yaqaan, wadar ahaan, hiddaha
uu dadkiisu ku dhaato. Waxyaabaha la wanaagsan iyo kuwa la
qalloocan. Waxa kiciya iyo waxa dejiya. Himilada joogtada ah
ee ummaddiisu ay indhaha ku hayso. Cidda ay cadawgeeda u
taqaan, iwm…
Haddaba, hiddaha
ummadeed ee gabayaagu aanu sina uga maarmi karin waxaa ugu
muhiimsan ‘dhaxalkii maanso’ ee hal-abuurradii ka
horreeyey ay ka tageen. Hormuudyadii hore gabayadoodii kolkuu
wax ka yaqaan ayay kuwiisuna culays yeeshaan. Markaas buu
tixihiisa ku qurxin karaa muuqaallo ay dadku garanayaan.
Markaas buu ku soo bandhigi karaa sawirro uu maanka kaga xadi
karo oo mar uu kaga qoslin karo, mar kale uu kaga oohin karo,
mar saddexaadna uu kaga fekarsiin karo!
* * *
Yamyam wuxuu ka mid
ahaa maansoyahannada kuwooda hiddihii hore ee Soomaalida
aqoonta dheeraadka ah u lahaa. Xilligii uu Akademiyada ka
tirsanaa, gabayaa keliya ma uu ahayne, wuxuu ku jirey
hawlwadeennada maansadii hore ururin jirey ee odayadii da’da
ahaa ka qori jirey. Taasina wax weyn ayay ugu fillaatay. Wuxuu
hoos ugu daaddegey siyaabihii hormuudyadii hore ee
maansadeennu ay wax u curin jireen iyo tabihii iyaga qudhooda
ay bulshadu ku kala saari jirtey. Markaas baa waxaa u
suuraggashay inuu tiriyo gabayo iyo heeso ay Soomaalidu ku
jeceshahay ujeeddooyinka ay taabanayaan iyo, farsamo ahaan,
muuqaallada ay garanayaan ee uu ku xiddeeyo.
Inta aan ogahay, wuxuu
ahaa ninkii ugu horreeyey ee gabayadii hore inta dhex-muquuray
ka soo miiray tuducyada halqabsiga leh ee, murtidooda darteed,
ay dadku ku maahmaahaan, sida fududna ay dusha uga qaybi
karaan. Kuwaas ayuu inta gabay walba ka soo saaray wuxuu ula
baxay hal-muceedyo ama dareen-jiiteytaal; taasoo inoo caddayn
karta xarigga adag ee isaga iyo maansadii hore isugu xirnaa.
4. Gabayaa
Soomaalinnimada ku dhaata
Da’ ahaan markii loo
eego, Yamyam wuxuu ku indho-dillaacsaday iyada oo fikradda
Soomaalinnimada uu calanku u babbanaayo. Wuxuu ku barbaaray
iyada oo himilooyinka ummadda ay ugu weyn tahay xoraynta iyo
midaynta dhulka iyo dadka Soomaaliyeed ee ay gumeysteyaashu
kala qaybsadeen, kalana qoqobeen. Wuxuu garaadsaday iyada oo
qab-wadareedkii ummaddu uusan dhulka ku dhicin oo
Soomalinnimada lagu faano. Wuxuu tabaraystay iyada oo
halgamaaga iyo khaa’inka la kala yaqaan oo uu halgamaagu
sarreeyo!
Fikradahaas ayuu ku
koray. Iyaga ayaa ku weynaadey. Iyaga ayaa maankiisa ku
gaamurey. Taana waxaad ka dhadhansan kartaa dhammaan
maansadiisa dal-jacaylka ku saabsan. Gaar ahaanse waxa aan
kuugu tilmaami lahaa gabaygiisii Gaawoon, kuwiisii guubaabada
iyo dagaal-gelinta daarranaa, kuna aaddanaa dagaalkii
Soomaaliya & Itoobiya ee 1977-‘78kii, heestiisii
Soomaali baan ahay iyo miinleydii murugada badnayd ee uu ka
mariyey shirkii dib-u-heshiisiinta ee 1993kii magaalada Addis
Ababa Soomaalida loogu qabtay...
5. Gabayaaa madax bannaan
Wuxuu Yamyam ahaa
gabayaa kuwa ay isku gedaha yihiin meelo badan kaga duwanaa.
Waxa uu ku tilmaannaa hal-abuur curinta maansada badsada.
Kolba dhacdada wax-ka-soo-qaadka lihi waa nin aanay demmani ku
dhaafi jirin. Xumo iyo wanaag, guul iyo guuldarro, jab iyo
soo-kabasho; intii uu hanaqaaday wixii uu u soo joogey oo idil
tixihiisa ayuu ku taariikheeyey.
Wuxuu iska ilaalin
jirey inay lugaha uga marmaan dabinnadii isaga oo kale ay
madaxdu u dhigi jirtey. Markaas buu wuxuu doortay inuu
madax-bannaanaado, si ay maansadiisuna u madax-bannaanaato!
Hanjabaad iyo
hunguri-gelinba, wuxuu ahaa nin lagu soo loodin waayey.
Taasina waxay sabab u noqotay gabayadiisa inay ku jiri waayaan
tuducyo uu isagu mirahooda leeyahay, hase ahaatee ay
ujeeddadoodu maan dad kale ka soo maaxatey! 1979kii, isaga oo
maansadiisa ku halqabsanaya, innagana, malaha, iskeen baraya
waa kii lahaa:
- Adigoo i doortoo
- Deexashada hikaaddiyo
- Dareen igu hoggaanshoo
- Dibnahayga hadalkiyo
- Anfacada u diidoo
- I dalbada ha joogtee
- Ninna iima kaa diro!
-
- Damac iyo fikrado kale
- Darar igama keenaan;
- Adigoo an soo dagin
- Daad soo rogmadey iyo
- Ima kiciyo duufaan!
- …………………..
- Adaan dayro kuu ahay;
- Inta daanku harag iyo
- Diir madow i leeyahay
- Dariiqaaga mooyee
- Kuma mariyo daw kale;
-
- Qabiil kuguma soo dumo
- Kuugumana dagaallamo;
- Dastuurkaagu qarankiyo
- Dadweynaha saboolka ah
- Difaacooda weeeyaan!
AASKII
MARXUUM YAMYAM | Columbus, Ohio, USA

Marxuum yamyam waxa uu ka tagay 6
caruur ah oo kan ugu wayn uu jiro 21
kan ugu yarina 7 jir ( Magacyaduudu yihiin: Raage,
qamaan , absame , ibraahim, Ayaan iyo samawada
iyo hooyadood ambiya c jamaac.) waxayna dhamaantood
joogaan Columbus Ohio. ILAAHAY SAMIR IYO IIMAAN
HANAGA SIIYO.. |
Wuxuu ahaa hal-abuur wixii uu
aammino aan ka leexleexan karin. Ma ahayn gabayaa dareenkiisa
cabburin karey oo, sababo isaga ka baxsan dartood, dib ugu
dhigan karey.
Si walba wuxuu uga duwanaa
hal-abuurro kale oo, qaran-jabkii Soomaaliya ka dib, iyagu
doortay inay ku ururaan halkii ay hortii ku dhasheen. Hal-abuurro
u nuglaadey hindisaha jilibbada ay ka soo jeedaan. Hal-abuurro
gar iyo gardarroba ku raacay waxa uu tolkood rabo. Hal-abuurro
ku kufriyey midnimadii ummadda ee, waayo hore, ay sheegan
jireen inay u taagan yihiin!
Aragtidayda,
maansoyahan waliba, isaga oo nool, wuxuu dhintaa kolkii af iyo
uur kala jira lagu barto! Sidii ruux diblomaasi ah markuu u
dhaqmo ayaa loo yaabaa! Laba-wejiile ayay bulshadiisu u
aqoonsataa. Waxaa laga wada jeestaa markuu u ranbaso
diktatooriyadda madaxda siyaasadda iyo cadaadiska xagga tolka
uga yimaada. ‘Qoor-iyo-xero-laawe’ ayaa lagu sheegaa
kolkuu oggolaado in la hoggaamiyo, halkii uu isagu wax ka
hoggaamin lahaa!
Haddaba, waayihiisa
haddii loo fiirsado, intaas oo goldaloolo ah cidina Yamyam
kuma xaman karto. Waxaa daliil kuu ah dhawr-iyo-tobankii sano
ee u dambeeyey habkii uu u noolaa, halkii uu ku dhaqnaa iyo
maansadii uu tiriyey ujeeddooyin wixii ay lahayd.
* * *
Yamyam waa gabayaa
laqmaday! Lixdan mid la’ ayuu cimrigiisii ku soo af-jarmay.
Waxaan maanka ku hayaa murtidiisii ugu weyneyd inay noo
harsanayd oo, hadduusan dhiman, uu sidiisii iyo si ka badanba
nolosheenna suugaaneed u hodmin lahaa.
Waxaase jira Soomaalida
suugaantiisa jecel wax aan ku samirsiin karo. Hadduu Eebbe
idmo, timaaddada dhow waxay heli doonaan maansadii uu tiriyey
dhammaanteed; taas oo ku urursan diiwaan baaxad weyn oo afar
mujallad ah, isaga qudhiisuna intuu noolaa uu diyaariyey.
Waxaan hubaa maansadaas
oo daabacani markay soo baxdo inay hodontooyada af-soomaaliga
wax weyn ku kordhin doonto. Mar labaad, waxaan hubaa inay wax
inaga bari doonto dhinacyo badan oo taariikhdeenna casriga ah
ku saabsan, gaar ahaan dhawr-iyo-soddonkii sano ee aynu soo
dhaafnay. Mar saddexaadna, waxaan hubaa inay noqon doonto talo
iyo ku-dayasho meel ay ugu ciirsadaan dhallinyarada iska
dareenta hibada maanso-curintu inay ku duugan tahay.
Eebbe-weyne Yamyam ha u
naxariisto, innagana dabadiis nama habaabiyo. Aamiin.
(Axmed F. Cali “Idaajaa”)
Email: idaajaa21@hotmail.com
Nayroobi, Keenya
Oktoobar 2005