HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |
 
Golaha Guurtida oo Go’aan soo saaray

Hargaysa (Jam), Guddigii Golaha Guurtida Somaliland ee ku hawlanaa dhex dhexaadinta murankii dastuuriga ahaa ee ka dhashay doorashadii xubnaha Golaha cusub ee Walkiilada 29kii bishii November, ayaa shalalay ku dhawaaqay in sideeda loo daayo oo lagu meel mariyo doorashadii xildhibaanada isbahaysiga mucaaridka ku doorteen shirgudoonka Golaha Wakiilada.

 

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan uu gudoomnayay 13ka xubnood ee gudiga guurtida ka koobnaa ayaa shalay go’aankan kaga dhawaaqay fadhi ay goob joog ka ahaayeen 82 xildhibaanka xildhibaan ee golaha wakiiladu ka kooban yahay oo lagu qabtay xarunta golaha guurtida. Mudame Saleebaan oo hadal kooban ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi, “Go’aankayagan waxaanu saldhig uga dhignay waxa weeyi inaynu hellno wada shaqayn, wada jir iyo horumar aynu ku gaadhno, horta fadhigan qoraalkii idinku siinmeyno wixii go’aankayagu yahay hadda afka ayaanu idiinka sheegaynaa go;aanku waxa weeye xulkii labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE xulkoodii in sidaa loo daayo markii aanu gudo galnay sharciyadda arrintan umaanaan raacin ee waxaanu tixgaliney oo aanu dhabarka ku qaadanay danta dadka iyo dalka iyo maslaxadda guud ee qaranka Somaliland sidaas ayaa go’aankayaga ku qaadanay.

 

Mudane Saleebaan waxa uu sheegay in Madaxweynaha JSL Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ah gudoomiyaha UDUB iyo Madaxweyne ku xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah gudoomiye ku xigeenka UDUB inay tanaasul sameeyeen oo ay ka aqbaleen go’aankoodii. Xaaji Cabdi oo isna ka hadlay fadhigaa shalay ayaa isna wuxuu yidhi, “ Wixii halkan ka dhacay waxaynu nahay Jamhuuriyad qabyo ah waxaynu nahay Jamhuuriyad cadaw badan leh waxaa loo baahanyahay distoorka aynu dhiganay in aynu ilaashano oo aan la jabinin waa inaynu diinta iyo shareecada aynu ilaashano oo aynu ku shaqayno marka aynu isqabano waxaanu galnay maslaxad iyo talo wadaag haddii gar laqaadayo waxa la odhan lahaa ma sharci bay u dhacaday? Oo dastuurka la soo qaadi lahaa maanaan soo qaadin in mar labaad lagu soo celiyo foodkii waa la odhan lahaa ha la galiyo saddexda xisbi midna ha laqadiyo maanaan odhan intaba halkaa ayaanu iska dhignay waxaanu nidhi hadhuub buuxa iyo hadhuub madhan waa la isku dhuftaa qolada kuraasta ku fadhidaa waa kuwee waa UDUB waa geel ooman iyo geel cokan, geela ooman ayaanu xagiisa ku ciirnay ayaanu nidhi, waayo UDUB waxay haysaa Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku xigeenkii “. Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu sheegay in Golaha Guurtidu aanay ahayn UDUB balse ay raacsanyihiin dhismaha Dawladdnimada.

 

Gudoomiyaha cusub ee Golaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro ayaa waxa uu u mahad naqay golaha guurtida dadaalkii ay u galeen soo afjaridda murankii distooriga ahaa ee jiray iyo go’aanka ay ka gaadheen waxa kale oo godoomiyuhu u mahad naqay 82ka xildhibaan ee golaha oo uu sheegay inay dul qaad muujiyeen mudaddii waan waantu socotay sidoo kale waxa uu u mahad celiyay saxaafada madaxa banaan oo iyanna qayb ka qaadatay arrintan laftigeeda.

 

Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde oo ah isna xildhibaan ka tirsan UDUB ayaa isna hadal uu halkaa ka jeediyay waxa uu yidhi, “Waxay ahayd gudoomiye inaanad odhan Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku xigeenkii ayaa aqbalay in aanad odhan laakiin waxay ahayd inaad afkayaga ka sugto Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka raggii aqbal siiyey waa seddex iyo soddonkan UDUB markaa libinta hanaga qaadin, waxaanu idiin soo jeedinay laba kooxood inay is arkaan waad naga diideen, in xeerarka iyo shareecada aad ku gar naqdaan waa naga diideen, imikana waxaad tidhaahdeen shirguddoon aanaan waxba ka dooran, aanaan u codayn duuduubka ku liqa waanu ku liqnay mid ayaan ku dardaarmayaa maanta kubadii dhinaca kale ayey jirtaa waxaanu idinkula shaqaynaynaa wixii aanu idinka aragno haddii aad tihiin labada xisbi iyo shirgudoonka cusub ee golaha wakiilada, jeeg faaruq ah oo waxaad doontaan ku soo qorotaan ma jiro waxaanu idinku saxeexayno ee wixii aanu idinku aragno ayaanu idinkula shaqaynaynaa”.

 

 

 



Jamhuuriya Online

 

 

 

 

 

 

 


 
 
 
 
 
 



 


 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com

Hit Counter