HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

Ra'isulwasaare Geedi oo lagu eedeeyay maleeshiyooyin isaga baxay Xerada Congo


Jowhar 02 Jan. 06 ( Sh.M.Network)
Wasiirada dowladda FS ee ku sugan magaalada Jowhar ayaa Ra’isulwasaare Geedi ku eedeeyay fal ay xerada Congo uga baxeen qaar ka mid ah maleeshiyooyinkii loo tababarayay dowladda FS.

Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaray magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyooyin tiradoodu gaareyso 100 ruux oo reer Hiiraan ah ay xeradaasi isaga baxeen, iyadoo afka saaray gobolka ay ka soo jeedaan ee Hiiraan.

Maleeshiyadaan ayaa la sheegayaa in ay ka cabanayeen balanqaad lacageed oo Ra’isulwasaare Geedi u balan qaaday in mushaarado uu siinayo, taasoo ay sheegeen in ra’isulwasaaruhu oofin balantooda, iyadoo sidoo kalena la sheegay in maleeshiyooyinka Puntland ay ku hanjabeen in ay isaga baxayaan xerada hadii aan la siin mushaaradihii loo balan qaaday.

Maleeshiyooyinka Reer Hiiraan ee ka baxay xerada Congo ayaa lagu soo waramay in ay ku gacan seyreen ergo nabadeed oo loo direy.

Gadoodka maleeshiyooyinkaan ayaa waxa ay dhalisay in wasiirada ku sugan Jowhar ay eedeeyn u soo jeediyaan Ra’isulwasaare Geedi, iyagoo ku eedeeyay qaabka uu ula dhaqmay maleeshiyooyinkaan mudada dheer ku xareysnaa xerada Congo.
 

  Shabelle Media Network, Sh/dhexe

 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com