COD AAMUSAY
A.
M. Yusuf
(1945
—2005)
CABDULQAADIR
XERSI (YAMYAM)
ayaa ku geeriyooday Columbus, Ohio — Sabti, Oktoobar 21, 2005.
Waxa la aasay Jimce, 22 Oktoobar, 2005. Eheladii iyo umadda
Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah samir ha ka siiyo, isaga
na ha u naxariisto.
Aasku, ama jenaasadu, ma ahan
"dhalasho xusuus[1]". Si kale haddii aan u iraahdo, waa saami ka mid ah nolol
cusub oo horleh. Haddeer oo aan sii dhoweynaayo — Cabdulqaadir
Xersi — awgeed ayaa ay xusuusteydu u kala qeysamaysaa labo
abbaarood: tagto hore iyo timaaddo
dambe. Waxa aan is la soo ahaan jirnay jiilkii "qabrigii
mucaawanada [2]" iyo
jiilkii keligitaliyaha. Xilliyo aad u cuslaa: dowladii Jamhuuriyadda Somaaliya iyo dowladdii Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Somaaliya, ayaan ku soo wada hoos
noolaanay. Waxa uu ahaa nin wax kasta oo kale beeli karay; hase
yeeshee, ma aan uu aheyn nin rajo
beeli karay, wax kasta oo dhaca.
Sidee
ayuu hadda ba soo ahaa halgankiisii abwaannimo? Mid aad u fudud:
in alla iyo intii karaankiisu halabuurnimo gaadhi kari karay, si
afbuuxda ah oo cad, ayuu uga doodi jiray dulmiga ama ba uu ku
dooni jiray xaqa. Cod buu ahaa u hadli jiray xaqa ummadda iyo israaca Soomaalida. Qareen aan cidi kireysan. Cabdulqaadir Xersi waa
nin sokadaadan dhow ag imaan jiray, haddii aad gacan uga baahato.
Nin lagu soo tashan karay, la isku soo halleyn karay — qof kasta
oo aadmi ah na uu ku soo hiran karay. Dhoollacaddeyntii iyo
wejigiisii furnaa: Ma wax aan dib loo arki doonin baa!
Malaha
waa tan, waxa dad badan oo naga mid ah in ay bartaan: in qof kasta
oo innaga naga mid ah uu yeesho — dareen isxilqaamitaan.
In aan la ina dirin; balse aan innagu isdirno. In aynaan isnecbaan;
balse aan isjeclaanno. Waqtigaan la joogo ee uu haatan dalkeennii
dhulka yaallo, ma ahan eedeysane
iyo ma ahan dagaal-ooge
oo qura: kuwa u sida hoggaanka — taariikhda
qarankeenna. Waa aniga iyo adiga. Waa innaga
oo dhan waxa hagitaanka laga doonayo; qof wali ba na wixii uu
qaban og yahay ha inoo qabto. Abwaan badan ee Soomaliyeed, ama ha
ahaado mid maanso cudureed ummaddiisa ku dhex fidiya ama mid maanso
caafimaad ka waraabiya ummaddiisa, mid kasta ba waxa uu ku
halbeegaa tayo ka mid ah
— aayahiisa. Haddii aan labo mid dooran lahaa, kama aanan
labalabeeyeen in aan doorto: midka caafimaadka ka warabinaya, ka
Soomaalida la doonaya —aayatiinka wacan .
Abwaan
qaran ayuu soo ahaan jiray Yamyam. Diiwaankiisu waa dhaxal iyo
dhigaal murtiyeed, taas oo ay aad u qiimeyn doonaan dadka jecel
Suugaanta Soomaalida. Nin waxa uu soo ahaa hawshiisa abwaannimo si
xilkasnimo leh u guta.
Wax
aan baroordiiq ugu sii sagootiyo, haatan ma ba jiraan. Sida kale
waa in aan ku farxaa beryaha soo socda ee foogta ah. Ma habboona
in aan dibdambe uga sii murugoodo, sidii uu u dhintay; bal se aan xusuusto
uun sidii uu u soo noolaan
jiray. Tan ayaa na mudan in dhoollaha loo caddeeyo!
Uurka ayaa
aan ka ooyayaa. Oohin qallalan. Si ayaan u dareemayaa in uu ii ag
joogo. Cod aamusan ayaan maqlayaa oo igu oran:
"Yeey
ku dhicinilmadu
Dhirabaarsatee
Isha sacabka mari [4]"!
Aan ku
gunaanado tix yar, taas oo aan ku maamuusayo halyaayga iga hoyday:
Sedka
Xabaalaha
Dhulyohow
dhismahiisa qaado
Dhiloo waaxyahiisa muudsoo,
Dhiggiis na aboor ha quutoo,
Dhoob iyo ka yeel awaaroo
Dhammaan raacsii dabeylaha.
Dhimirkiyo heddiisuse
Dhoof bay kolhore galeenoo
Dhankaas samadeey qabteenoo
Dhacantana looga jiidyoo
Dhexdeeda ayaa jannada udug —
Dhibtiyo hawshii adduunyada —
Dharaar wali looga nasiyaa.
Dheetaadii maahayn ruuxoo:
Dhaxalba uma ahayn xabaalaha.
A.M.
Yusuf
E-Mail: wayeel@operamail.com
Fure:
[1]Salvador Dali, nin asle (painter) ah, ayaa yiri.
Isaga oo uga jeeday in ay jenaasadu nagu dhalineyso xusuus, taas oo
aan xusuusaneyno noloshii: ruuxa saaran naxashka.
[2] Lixdamaadkii, ayay dunidu sidaas ku sifeyn jiray
dalka Soomaaliya.
[3]
Oraah Soomaaliyeed: Qof dhintay isaga oo aan gablan aheyn, ayaa
looga jeedaa.
[4] Ereyo ka mid ah hees uu isla abwaanku tiriyay.