HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

COD AAMUSAY

A. M. Yusuf


 

(1945 —2005)

CABDULQAADIR XERSI (YAMYAM)
ayaa ku geeriyooday Columbus, Ohio — Sabti, Oktoobar 21, 2005. Waxa la aasay Jimce, 22 Oktoobar, 2005. Eheladii iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah samir ha ka siiyo, isaga na ha u naxariisto.

 


Aasku, ama jenaasadu, ma ahan "dhalasho xusuus[1]". Si kale haddii aan u iraahdo, waa saami ka mid ah nolol cusub oo horleh. Haddeer oo aan sii dhoweynaayo — Cabdulqaadir Xersi — awgeed ayaa ay xusuusteydu u kala qeysamaysaa labo abbaarood: tagto hore iyo timaaddo dambe. Waxa aan is la soo ahaan jirnay jiilkii "qabrigii mucaawanada [2]" iyo jiilkii keligitaliyaha. Xilliyo aad u cuslaa: dowladii Jamhuuriyadda Somaaliya iyo dowladdii Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Somaaliya, ayaan ku soo wada hoos noolaanay. Waxa uu ahaa nin wax kasta oo kale beeli karay; hase yeeshee, ma aan uu aheyn nin rajo beeli karay, wax kasta oo dhaca.

     Sidee ayuu hadda ba soo ahaa halgankiisii abwaannimo? Mid aad u fudud: in alla iyo intii karaankiisu halabuurnimo gaadhi kari karay, si afbuuxda ah oo cad, ayuu uga doodi jiray dulmiga ama ba uu ku dooni jiray xaqa. Cod buu ahaa u hadli jiray xaqa ummadda iyo israaca Soomaalida. Qareen aan cidi kireysan. Cabdulqaadir Xersi waa nin sokadaadan dhow ag imaan jiray, haddii aad gacan uga baahato. Nin lagu soo tashan karay, la isku soo halleyn karay — qof kasta oo aadmi ah na uu ku soo hiran karay. Dhoollacaddeyntii iyo wejigiisii furnaa: Ma wax aan dib loo arki doonin baa!

     Malaha waa tan, waxa dad badan oo naga mid ah in ay bartaan: in qof kasta oo innaga naga mid ah uu yeesho — dareen isxilqaamitaan. In aan la ina dirin; balse aan innagu isdirno. In aynaan isnecbaan; balse aan isjeclaanno. Waqtigaan la joogo ee uu haatan dalkeennii dhulka yaallo, ma ahan eedeysane iyo ma ahan dagaal-ooge oo qura: kuwa u sida hoggaanka — taariikhda qarankeenna. Waa aniga iyo adiga. Waa innaga oo dhan waxa hagitaanka laga doonayo; qof wali ba na wixii uu qaban og yahay ha inoo qabto. Abwaan badan ee Soomaliyeed, ama ha ahaado mid maanso cudureed ummaddiisa ku dhex fidiya ama mid maanso caafimaad ka waraabiya ummaddiisa, mid kasta ba waxa uu ku halbeegaa tayo ka mid ah — aayahiisa. Haddii aan labo mid dooran lahaa, kama aanan labalabeeyeen in aan doorto: midka caafimaadka ka warabinaya, ka Soomaalida la doonaya —aayatiinka wacan .

Abwaan qaran ayuu soo ahaan jiray Yamyam. Diiwaankiisu waa dhaxal iyo dhigaal murtiyeed, taas oo ay aad u qiimeyn doonaan dadka jecel Suugaanta Soomaalida. Nin waxa uu soo ahaa hawshiisa abwaannimo si xilkasnimo leh u guta.

     Wax aan baroordiiq ugu sii sagootiyo, haatan ma ba jiraan. Sida kale waa in aan ku farxaa beryaha soo socda ee foogta ah. Ma habboona in aan dibdambe uga sii murugoodo, sidii uu u dhintay; bal se aan xusuusto uun sidii uu u soo noolaan jiray. Tan ayaa na mudan in dhoollaha loo caddeeyo!

     Uurka ayaa aan ka ooyayaa. Oohin qallalan. Si ayaan u dareemayaa in uu ii ag joogo. Cod aamusan ayaan maqlayaa oo igu oran:

"Yeey ku dhicinilmadu
Dhirabaarsatee
Isha sacabka mari [4]"!

Aan ku gunaanado tix yar, taas oo aan ku maamuusayo halyaayga iga hoyday:

Sedka Xabaalaha

Dhulyohow dhismahiisa qaado
Dhiloo waaxyahiisa muudsoo,
Dhiggiis na aboor ha quutoo,
Dhoob iyo ka yeel awaaroo
Dhammaan raacsii dabeylaha.

Dhimirkiyo heddiisuse
Dhoof bay kolhore galeenoo
Dhankaas samadeey qabteenoo
Dhacantana looga jiidyoo
Dhexdeeda ayaa jannada udug —
Dhibtiyo hawshii adduunyada —
Dharaar wali looga nasiyaa.

Dheetaadii maahayn ruuxoo:
Dhaxalba uma ahayn xabaalaha.

A.M. Yusuf

E-Mail: wayeel@operamail.com

 



Fure:

[1]Salvador Dali, nin asle (painter) ah, ayaa yiri. Isaga oo uga jeeday in ay jenaasadu nagu dhalineyso xusuus, taas oo aan xusuusaneyno noloshii: ruuxa saaran naxashka.

[2] Lixdamaadkii, ayay dunidu sidaas ku sifeyn jiray dalka Soomaaliya.

[3] Oraah Soomaaliyeed: Qof dhintay isaga oo aan gablan aheyn, ayaa looga jeedaa.

[4] Ereyo ka mid ah hees uu isla abwaanku tiriyay.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com