Munaasabadda Ciid El-Adxaa Waxaan Hambalyo Qaali ah Halkan uga
Soo
Gudbinaayaa Ummadda Somaaliyeed ee Islaamka ah ee Munaasabadn ku
Ciidaaya Farsadda iyo Maamuuska Ciideed ee Wanagsan, Waxaana
Alle Ka Rajeeyeey in uu inagu Muneeysto Kheeyrkiisa, Raxmadiisa
iyo Naxariistiisa
Qaaliga ah iyo Raalinimadiisaba.
Dalkeena Hooyo(Somaaliya) oo ah lama huraanka, Ciida, Badda
iyo
Hawadda Qaaliga ah, Calaankeena Buluuga ah ee Maamuuska iyo
Xurmada
Weyn leh, Dalka Somaaliyeed ee Wadaniyiinta ah, Garanaya Qiimaha
iyo
Ahamiyadda Dalku leeyahay, Qaran-nimadda, Qiiradda Wadaniyadeed
iyo
Jiritaanka Jamhuuriyadda, Wadda Jirka iyo Iskaashigga Walaalnimo
iyo
Helidda Nidaam Cadaalad, Sinaan, Garsoor Xaq ah iyo Midnimo Dhab
ah
oo ku Saleeysan Dheeli Tir Xaq ah iyo Hanaan
Cadaladeed,Munaasabadan
Qaaliga ah Farxadda iyo Riyaaqa leh ee Ciid El-Adxaaga Waxaan
Alle ka
Rajeeynaayaa Dalkoo Nabad ah, Dadkoo Walalo ah, Colaada iyo
Dagaalada
oo Meesha ka Baxa, Xumaanta iyo Naceeybka oo La Waayo, Dulmiga,
Dilka
iyo Tacadiyadda Muwaadiinta lagu Hayo oo Dhammaada, Xadgudubka
iyo
Xasuuqyadda Bani-aadaminimadda ka Soo Hor-jeeda oo Suula iyo in
La Helo
Hanaan Cadaalkad leh oo Lagula Xisaabto Gacan ku Dhiiglayaasha
iyo kuwa
Falal Dambiyeedka Galay Xiligii Rajiimkii Kacaanka iyo Xiliga
Burburkaba.
Munaasabadda Ciid El-Adxaaga awgeed Waxaan u Rajeeyeey
Heeshiiskii
Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Magaalada cadan ku
Gaareen
Guul iyo Hirgelid Buuxa oo ku Saleeysan Danta Ummadda iyo
Maslaxadda
Qaranka Somaaliyeed, Heshiis Qumooba kana Turjumaaya Bahida
looga Qabo
Helitaanka Dowlad Dhab ah oo leh Aragti Somaaliyeed iyo
Illaalinta Danaha iyo Sumcada Dalkeeda iyo Dadkeeda, kana Duusha
Dareenka iyo Rabitaanka
Shacabka Somaaliyeed, Heshiis sida ku haboon u soo af-jara
Khilaafka labada
Garb Muqdishi/Jowhar iyo Dhammaan Muranadda Jiraba, Inshaa Alle.
Ciid Wanaagsan Farxad iyo Kheeyr leh, Guulo Waaweyn leh,
Nabadgelyo
iyo Barwaaqo leh, Is-Caawin iyo Is-Kaalmeen Leh,Acmaal Kheeyr oo
Badan leh,
Dadka Tabaaleeysan Ogaantooda Leh Ayaan Allaheena Weyn ee
Waaxidka ah
Ka Rajeeyneey, Amiin Alloow, Aamiin Alloow, Aamiin Alloow.
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England- 10/01/2006-