HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |
 

BOQORTOOYADDA SACUUDIGGA:-

    Magaaladda Barakeeysan ee Makka El-Mukarama waxaa mudo labo

Maalmood ah ka socday shirkii hogaamiyaasha aduunka islaamka oo
Kulan aan caadi aheyn isugu yimi, gunaanadkii ayuu boqor Cabdalaha
Dalka Sacuudigu ka Jeediyeey Khudbad uu ku qeexay Dhibka iyo Qaska
eey Wadaan kuwa leh Afkaar Mintidnimadda oo Caalamka Islaamka ku
Soo Badanaaya, Nabadgelyadda iyo Deganaanshahana Dhaawac Weyn u Geeysanaaya, loona baahan iskaashi wadda jireed oo looga hor-taggo.
 
     Kulamadda Dowladaha Muslimiinta ayaan wax ahamiyad lehi ka soo
Bixin, ummadaha muslimiintuna qiimo weyn siin, loogana arko madaxda
Dunida Islaamka kuwo Awaamiirta laga siiyo Aqalka Cad ee Mareykanka.
 
 
SUURIYA:-
 
     Wakaaladda Wararka Dalka Suuriya(Suuna) ayaa Shaacisay Dagaal
Dhex maray Ciidamadda Dalkaas iyo Koox Mintid ah oo ku Dhuumanaayey
Meel Beer ah oo ku Yaala Magaalada Adlab ee Waqooyiga Dalkaas,Halkaas
lagu Dilay 8-Qof oo Kooxdaas ka mid ah, 3-ayaa iyago is qarxiyeey halka
5-kale ciidanku toogasho ku dileen.
 
     Sida Wakaaladu shegeeyso waa markii labaad oo dagaalo dhex mareen
Ciidamada Dalkaas iyo Kooxo Suniyiin ah oo lagu Tilmaamo Mintidiin ama Xad-jirayaal, Marka dib loo eeg Xiligii uu Xukunka Dalkaas Aqbsaday Xaafid
El-Sad oo ahaa Aabihii Madaxweynaha Hada Bashaar ayuu Xasuuqyo  iyo Dharbaaxooyin Waaweyn u geeystay Kooxihii Habka Islaamiga ah ee Dalka
Ka Jiri jiray, iayadoo la ogyahay heerka iyo doorkii aqoonta iyo heeybadda
Hanaanka Islaamnimadda ee Dalka Suuriya.
 
 
CIRAAQ:-
 
     Warka laga helaayo ciidamada mareykanka ee dalkaas heeysta ayaa
Sheegaaya in Dadkii reer galbeedka ahaa ee afduubka loogu heeystay
Ciraaq mid ka mid ah la dilay oo u dhasahy Dalka Maraeykanka,waana
Markii ugu Horeeysay mudo hal sano ah oo Kooxaha Wax Afduuban eey
ku kacaan Fil dil ah.
 
     Afduubayaasha ayaa codsaday in si deg deg ah loo sii daayo dhamman
Maxaabiista Ciraaqiyiinta ku jira Jeelasha Dalkaas oo eey ku Hayaan kuwa
Isku Magacaaba Xukuumada Ciraaq iyo Ciidamadda Isbaheeysiga uu
Hogaamiyo Dalka Mareykanku, Dilkan ayaa si weyn uga nixiyeey Ehelkii
Dadka Kalle ee Weli Afduubka loogu Heeysto Dalkaas Ciraaq.
 
 
KENYA:-
 
      Xubno ka mid Golihii Xukuumadeed ee Dhowaan Madaxweynaha Dalka
Kenya soo dhisay ayaa diiday in eey qaatan xilalkii loo magacaabay iyo
ka mid noqonshaha Golaha Wasiiradda ee Cusub, waana arrin dhabar jab
ku ah Madxweynaha Dalkaas Mwai Kibaki oo hore ugu Guul dareeystay Aftidii Dastuurka loo qaaday.
 
     Xaalad Jaha wareer ayaa ka jira dalaas ama qas siyaasadeed oo si
weyn u curyaaminaaya Hanaanka Dowladeed oo markii Horeba aheyd
Meel uu Musuq-maasaq hadheeyeey, waxaase ka liita kuwa hoos jooga
oo ah Somaalida iyo Dowlad ku sheega Neyroobi loogu soo dhisay oo ah
Sawirka ama mid ka sii liidata Midan Kenya ee Jaha-wareerka ku Jirtay,
Su,aasha ayaa ah Dowladda Somaaliyeed miyaanay Abaalka Garan
Maxeey ugu Gurmad iyo Talo Siin ugu Gudbin weeyday Hogaanka Dalakaas
ee Mwai Kibaki Shalay Soo Dhisay, Maxaa Helay Caqligii iyo Kartidii uu ku
Soo Dhisay Dowladda Somaaliya buu ku Xaliyo Khilaafka iyo Jaha wareerka
Maamulkiisa Heeysta, Xalna u Raadiyo Musuq-maasaqa iyo Hadhidda Hantida Dalka Kenya, Waxaan Filaayaa Madaxdda Somaaliyeed Waxeey
ka Soo Faa,iideeyn Madaxdda Kenya Habka Wanaagsan ee Loo Dhaca
Hantidda iyo Hanaanka Sarre ee Musuq-maasaqnimadda.
 
 
CIYAARAHA:-
 
     Xidiga weyn ee reer Neyjeeriya iyo kooxdda Bolton Akoocha ayaa ku
Dhawaaqay in uu Ciyaaraha Reer Caalamiga ka Fadhriisan doono Wixii
ka Dameeya Tartanka Qaramadda Afrika ee Jen,2006 ka dhici doona ama
lagu Qaban Doono Caasimada Dalka Masaaridda (Qaahira).
 
    Akoocha ayaa ka mid ah Xidigaha ugu wanaagsan Kubadda Cagta ee Ka
Soo Jeedda Qaaradda Afrika, Asluub Wanaag, Farsamo Sare iyo Ciyaar
Wanaag ayuu ku caan baxay, wuxuuna ka soo ciyaaray Dalalka-Jarnalka,
Turkiga, Faransiiska iyo Dalkan Ingiriiska, Sano badana wuxuu ka mid ahaa
Xidigaha ama Galeeyradda Dalka Neyjeeriya, Shaki kuma jiro in Akoocha ka
Dhigay Garoomadda Kubadda Cagta Wacdaro iyo Wacdaro iyo Hanaan
Wanaagsan ee Qaab Ciyaareed Xidig-nimo ah.
 
   
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England-

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com

Hit Counter