Maxaabiista Laysdhaafsaday masoo
afjaraysaa Murankiiu Dhexeeyey Puntland iyo S/land ?
LAASCAANOOD/Isniin/05/12/05
Kadib markii ay ka soo wareegtay
Sanad iyo shan iyo Sodon cisho ayaa saaka si rasmi laysu dhaafsaday
maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaalkii 29/10/04 ka dhex qarxay
Ciidamada Daraawiishta Puntland iyo Ciidamada Maamulka Somaliland ka
dib markii ay weerar Soo qaadeen.ciidamada somaliland iyagoo fooda
isku haleelay Tuulada Adhi Cadeeye oo iyadu u jirta magaalada
Laascaanood 30 km.

Maxaabiistii Puntland

Maxaabiistii Labada Dhinac
oo Isasalaamaya

Taliyayaasha Ciidamada Puntland iyo
Somaliland. |

Maxaabiistii Somaliland

Maxaabiistii somaliland

Ergo kasocota Hay'ada
Cilmibaadhista Puntland |
Isdhaafsiga maxaabiistan ayaa waxa
dhinaca Puntland hormuud ka ahaa taliyaha Ciidamada Puntland
Col.C/laahi Cali Mire (Carays) iyo wasiiro isla maamulka
puntland ah halka dhinaca Somaliland ay ka socdeen saraakiil
ciidan.
Maxaabiista lays weydaarsaday ayaa
waxa ay ahaayeen 24 ka soo jeeda ciidamada maamulka Somaliland iyo
halka kuwa Puntland yihiin 11 waxaana lagula kala wareegay goob
iyadu u dhow amase ay gacanta ku hayaan maamulka somaaliland.
Dhanka somaliland waxaa horkacayey
Taliyaha ciidanka Somaliland Nuux Taani iyo koox saraakiil ah
waxay labada dhinacba cadeeyeen in uu jiray xidhiidh joogta ah
oo ay ka yeelan jireen aaga muranku ka taagan yahay iyo
maxaabiistaba waxa kale oo ay xuseen in ay dad badani kala shaqayn
jireen sidii loo sii deyn lahaa maxaabiista labada dhinac.
Si kastaba ha ahaatee waxaa saaka
lagu guulaystay isdhaafsiga labada dhinac maxaabiis. Hase yeeshee
waxa ay indhahaygu qabanayeen tikniko badan oo ku jiray hareeraha
goobta shirka halka qaarkalena joogeenba goobta shirka tiknikadaas
oo ay lahaayeen ciidamada somaliland halka Taliyayaasha iyo
wasiirada puntland aysan ka muuqan wax tikniko ah iyo ciidanba marka
laga reebo raxan askari oo ah ilaaladii maxaabiista kuwaas oo ku
hubaysnaa hubka fudud AK.

saraakiil somaliland ah.

Tikniko somaliland oo kusugnaydgoobta Shirka |

Tikniko somaliland

Tikniko somaliland |
Arinta ciidamo iyo tikniko ee ay
soo dhoobeen somaliland goobta shirka ayaan wax dareen ah gelin
masuuliyiinta ka socday puntland