WARARKII
Khamiista::: Jan 15, 2006
| |
Munaasabad
Guriga Golaha Cuqaasha ee G/cayn lagaga dhawaaqay
Saamiqaybinta Beel |
{Buuhoodle}15.01-06
Munaasabad balaadhan oo ay fadhiyeen 28 caaqil iyo
gudoomiyaha G/cayn kayse cabdi yuusuf iyo taliyaha
ciidanka daraawiishta cor c/laahi kayse aadan iyo waxgarad
kale oo la soo agaasimay ayaa ka dhacday guriga golaha
cuqaasha ee gobolka cayn
Munaasabadan oo ay guddi 11
caaqil ah ku soo ban dhigeen saami qaybsiga beelaha
xubnaha xildhibaanada , gudidaas oo intii sanadkan cusub
bilaabmay ku hawlanaa. Qorshahan saami qaybinta beelaha ay
ku kulmiso xaruntan buuhoodle ee g/cayn
Haddaba munaasabadan oo ay ugu horayn lugu diiwaan galiyay
Cuqaasha ee kalsoonidooda beeleed ku qanacsan gudidan.
Waxaa ugu horayn hadalka furay guddoomiyaha Cuqaasha
Maxamed Nuux Maxamed (Sanwayne )oo kamid ahaa 11 kii
Xubnood, waxuu ku duceeyay illaahow Eexna hanagaga tagin
aqoon darana hanugu cadaabin, isagoo kahadlay mudadii ay
hawshan wadeen iyo caqabadihii ka hor yimid ee ay ka soo
gudbeen iyo waliba baahida loo qabo gole deegaan oo
gobolkan ka dhisma kaasoo la,aantiisu ay hortaagan tahay
horumarka gobolka hadaba iyadoo cuqaal kale uga dan baysay
hadalka marka la,isku soo wada duubo wuxuu ku salaysnaa
ahmiyadda ay u hayaan samaysinta golaha deegaanka
Sikastaba ha ahaatee munaasabadan ay kaga dhex Akhriyeen
sida iyo tirada ay beelaha gobolkani kulmiyaan uu ugu
qaybsamay 27 xildhibaan oo sidan ah :-
1.Reer caligari...................5 xildhibaan
2.Cigaal naaleeye .............1 " "
3.Barkad ...........................2 " "
4.Samakaab axmed...........1 " "
5.Fiqi shini..........................1 " "
6.yaxye..............................1 " "
7.maxamuud ugaas...........1 " "
8.hayaag............................2 " "
9.khaalid............................2 " "
10.aadan hagar..................1 " "
11.faarax hagar.................3 " "
12.wacays Aadan..............2 " "
13.maxamed muuse..........1 " "
14.hagar bah ogaadeen....1 " "
15.caraale.........................1 " "
16.Madhibaan...................1 " "
17.jaamac siyaad..............1 " "
Kaddib dhawaaqista saamigan oo ay fadhiday saxaafadu
si buuxda ayay isula qateen waxaana qudbad ka jeediyay
G.gobolka Cayn kayse cabdi yuusuf isagoo kahadlayay qodobo
dhawra oo ay kamid ahaayeen faa,iidada golaha deegaanka
iyo waxyaalaha oo uu hortaagan yahay so noolaynta tayada
mihiinka cuqaaleed iyo cida ku haboon inay kamid noqdaan
golaha deegaanka oo aqoon iyo masuuliyada lagu saleeyo
isagoo carrabka ku dhuftay wadaadada mawqifkooda fogaaday
iyo wadaad timo kalajeexday inaan midna looga baahnayn
Ugu danbayn isagoo uga mahad naqay guushan waxaa la,isla
qaatay in laba cisho lagu soo gudbiyo magacyada golaha
beel walba ugana qayb galaya oo maalinta berito ah
bilaabmi doonta waxaa goobjog ka ahaa chief maxmed yuusuf
kooreeye
== maxamed xasan dayl
== jaamac maxamed dheeg
== axmed x maxamuud xidirig
caaqil ismaaciil cali abokor
=== axmed cali dhuux
=== xasan x haruun
=== sheex xasan xuseen daahir
=== maxamuud x ibraahin cali (dhunkaal)
=== ismaaciil maxamed kooreeye
=== cisman aadan
=== xasan ciise wacays
=== axmed xasan x cumar
=== ismaaciil muuse saleebaan
=== maxamed muuse tuur
=== maxamed nuux maxamed
=== axmed cali bile
=== axmed x saleebaan gaani
=== jaamac xasan abokor
=== xuseen axmed boos
=== ismaaciil shabele
=== hindi maxamed aadan
=== maxamed jaamac biixi
=== axmed diiriye cabdile
=== ismaaciil c/laahi x cumar camay
=== maxamud maxamed xirsi (cuumbal)
faysal axmed kaarshe Buuhoodle |
|
-