XUSKA
15ka MAY EE MAALINTA DHALINYARADA SOOMAALIYEED
(Waxtar
La’aanta dhalinta Maanta & Hufnaanta Dhalintii Hore..)

Member of the Central Committee of S.Y.L Standing from Right o Left:
Ahmed Addaw, Vice President, Ahmed Shirreh Lawaha, Member: Abduullahi
Isse Mohamed, Secretary General and Osman Sheikh Ma’ow Member:-
Sitting:- Sheikh Isse Mohamed Treasurer
Officer and General Cashier
|
Sanad
walba waxaa dalka looga dabaaldegaa xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed
oo ku beegan 15ka May taasoo ka soo bilaabatay sanadkii 1943kii markii
dhidibada loo taagay ururkii dhalinyarada ee SYL, kaasoo ay aasaaseen
13 dhalinyaro Soomaali ah, iyadoo isla markiiba ay kuwada biireen dhalintii
dalka gaar ahaan goboladii uu gumeysan jiray Talyaniga.
Dhalinyradaas
oo aqoontooda ay aad uga hooseysay tan ay heystaan dhalinta maanta, isla
markaasna ku shaqeeynayeen xaalad cakiran oo gumeysi hoostiisa ah, ayaa
waxeey ku guuleeysteen, in ay xaqiijiyaan hadafkoodii ahaa in ay waddanka
ka xoreeyaan gumeystah isla markaasna ay dhisaan dowlad madax banaan oo
dunida laga aqoonsanyahay, iyagoo aan dan ka laheyn in ay ka mid noqdaan
dowladaas ay asaaseen iyo in aysan ka mid noqon. Ururkaas SYL ee ay aasaaseen
dhalinyaradaas oo markii dambana noqday xisbigii siyaaseed ee waddanka
u weynaa intii aysan xukunka la wareegin ciidamadii Melateriga ayaa wuxuu
ahaa mid kasbaday dadweynihii Soomaalida ee waqtigaasi joogay ayagoo intii
ay ku jireen halggankii gobanimo doonka ahaa lala garab taagnaa taageero
hiil iyo hooba isugu jirto.
Waxaa
si gaar ah loo xusaa dhaqaalahii ay ku shaqeynayeen oo ahaa mid ka yimaada
dadweynaha Soomaaliyeed, in haweenkii xiligaas ay gaareen heer ay sameeyaan
ilo dhaqaale oo iyaga si gaar ah ugu taakuleeyaan SYL kaasoo gaaray in
gabar kasta oo Soomaali ah ay ka qeyb gasho,kuwo ayaa waxeey lacagaha
ay bixiyaan ka keeni jireen tinaar muufo lacag ay ka shaqeeyeen iyadoo
kuwana ay iibiyin jireen dahabkooda. Kasbashada kalsoonida shacabka aya
inta badan ku timada hadba sida hoggaamiyayaasha ay ugu soo bandhigaan
barnaamijyadooda iyo qorshe howleedkooda ay ku howlgelayaan iyo Hadafkooda
ay higsanayaan. Taasoo ururkii SYL dadkooda ay ku qanceen sida ay wax
u wadaan.
Haddaba,
haddii aan qiimeyn ku sameyno waxqabadkii dhalinyaradii SYL iyagoo ku
shaqeynayey isticmaarka hoostiisa,sida ay ugu guuleysteen ujeeddooyinkooda
isla markaasna ay ugu magac yeesheen, iyo dhalinta manta ee nasiibka u
yeeshay in ay indhahooda ku arkaan sida sahlan ee ay u bur burtay dowladdii
dhismaheeda ay kusoo howshoodeen dhalinyaradii SYL, ma inoo suurta geleysaa
in aan aragno heerka uu gaarsiisanyahay waxtar la’aanta dhalinta
manta iyo waxgalka iyo hufnaanta dhalintii hore…..?
Waxaa Diyaariyey
Safiyo Abuukar Karaani