Shirweynihii
labaad ee beesha siciidkuul oo guul ku dhamaaday
Qabiil kasta oo ku nool W/America
intooda badani waxaay leeyihiin taariikh u cayiman inta lagu gudo
jiro taariikh sanadeedka ayna ka wada hadlaan dano u faa'iido ah
beeshooda ku sugan America iyo dalkii ay u dhasheen ee
soomaaliya,taas oo aynay ka jirin dawladd
dhexe oo sugta amaanka wax na ka
qabata adeega bulshada ee
nabadgalyada,caafimaadka,waxbarashada iyo dhamaan adeega guud ee
ay bulsho u baahantahay, hadaba waxaa bishan SEPTENBER 3-4
tedii 2005 ay beesha SICIIDKUUL soo abaabushay shirweyn oo ka
dhacay gobolka MINNESOTA magaalada MINNIEAPOLIS ee W/America
run ahaantii wuxuu ahaa shir aad kuu
xiiso galinaya, isla markaana ka duwan kii hore ee ka dhacay
gobolka california SEP 2004-2005,
kan oo kii hore kaga duwan xaga
jawiga iyo goobta lagu dhigay oo aheyd goob aad in dhaha u soo
jiidanaysa kuna dhex taalay HOTEL weyn oo ah kuwa lagu qabto
shirarka heerka qaran inkasta oo uu ka fogaa goobaha soomaalidu
ku badantahay,waxaa jiray oo aad iyana loo habeeyey dhalin yaro
loogu talo galay inaay dadka ka soo qadaan goobihii markii hore
lagu soo da jiyey dadka state yada kala duwan ka yimi,intaas ka
dib waxaa la guda galay bilawgii shirka oo lagu furay sida
astaanta u ah ummada Muslimka ayado quraana uuna soo jeediyey
inan aad u da'yar oo lagu magacaabo XUSEEN CUMAR ISMACIIL kana
mida ardayda wax ka barata college yada gobolka minnesota,sidaana
waxaa ku furmay shirkii,waxaa isla markiiba warbixino laga
dhageeystay gudigii hore ee fulinta oo ka koobnaa MAX'ED ADAN
XIIRAY,ABWAAN CAYDARUUS MAX'ED DHUUX, CALI CUMAR ISMACIIL IYO MAX'ED
JAAMAC CAWIL(INACUDUR)intaas kadibna waxaa bilawday xilwareejin
guud taas oo ku ekeyd sanad wakhtigediina dhamaaday,waxaa markiiba
shirguddoomiyuhu bilaabay in la doorto hogaan cusub oo sii
dhameystira hawsha qabyada ah ee beesha,
waxaana e
DEEQ
MAX'ED CUMAR GAAB
ka dib markii
uu buuxiyey
sharuudihii guddoomiye nimo isla markaana beeshu si buuxda ayey u
aqoon satay inuu hogaamiyo mudo sanada,doorashada ka bacdi waxaa
hore loo sii galay Ajandahii shirka waxaana mudo laga dooday sidii
gacanta loogu dhigi lahaa miisaaniyadii 2005-2006 hawsha lagu wadi
lahaa balse waxaay noqotay mid la xaliyey,waxaa ka loo iyana laga
wada hadlay sidii qof haweena loogu soo dari lahaa maamulka
waayo?haweenku waa laf dhabarka dhaqaalaha meel kasta,taas ka bacdi
waxaa iyana xigtay in qof matala beesha siciidkuul lagu daro Ururka
SSHDA oo ah urur ka hawl gala goboladda SOOL,SANAAG IYO GOBOLKA
CEYN ee BUUHODLE kana sameeya iskuulada,cusbitaalada iyo biyo
raadinta gobolka waxaayna

noqotay in loo doorto
MAX'ED ADAN XIRAY
oo horeba uga qayb galay shirkii lagu qabtay gobolka VIRGINIA ee
W/America dhawan,taas ka dib waxaa la gudo galay in laga wado hadlo
sidii suldaanka beesha SULDAAN DAAKIR XASAN KHALIIF uu u heli lahaa
gaadiid u sahla hawsha uu hayo ee beesha waxaay na noqotay mid
laysku raacay in loo iibiyo gaadiid sida ugu dhaqsaha badan waana
laysku af gartay,waxaa iyana mudo dheer qaadatay sidii xidhiidh keeda
loo sii adkeyn lahaa dad yowga kale ee beelaha gabooye loona heli
lahaa maamul guud oo lagu wada midaaysanyahay isla markaana leh hal
madax maamul,taas oo ay beesha siciidkuul ku war gelinayso dhamaan
beelaha gabooye inaay si dhaqso leh isku abaabulaan si loo gaadho
hadaf keena inaay la mid noqdaan beelaha kale ee AJIGA si aay ula
wax qayb sadaan, waxaa kale oo iyana madasha lagu qaybiyey buugg ka
hadlaya wax qabadkii SEP 2004-SEP2005,gaba gabadii shirka waxaa
lagu soo gaba gabeeyey suugaanta soomaalida dhaqanka u ah iyo
buraanburo,waxaana halkaa gabay qiiro leh ka mariyey abwaan
CAYDARUUS MAX'D DHUUX,ka dibna waxaa iyana ka buraanburtay xidigta
aadka ugu caanka baxday buraanburada dhinacyada xafladaha kala
duwan KHADIIJA QANBI runtiina aad looga yaqaan AFRICA IYO W/America
intaba,halkaana waxaa ku soo gaba gaboobay shir sanadeedkii beesha
siciidkuul oo laba jirsaday,
INACUDUR