HOME | ABOUT US | SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

Hargaysa oo lagu arkay  qoom Qorotooyin ah. 

Asalaamu calaykum waraxmatulaah: 

Walaalayaal sida aynu ku aragnay websiteyadda usbuucan dhexdiisa waxaa Magaaladda Hargaysa ka dhcday qiso layaab leh oo hadda ka hor aan lagu arag wadanka soomaaliya taasi oo ah ninkii la gubey isagoo dukaankiisa jooga, marka hore waxaan leenahay “Illahayow Cabdinaasir S Odowaa Dambigiisa dhaaf janaadaadana gali”waayo gacan ka xaqdaran baa dishey markii la diley isagoon cidna ka galin wax dambi haba yaraatee, Cabdinaasirna waa Shahiid dhab ah ee maaha kuwan iyagoo qabiilkooda u dagaalamaya oo gacan ku dhiiglayaala ileyn waxay la dirirayeen qolo kale oo muslimiin ahe la leeyahay waa mujaahidiin waayo rasuulka ayaa inoo sheegay in labada muslin ee dagaalaya uu mid kastaaba kan kale ku dadaalayey inuu dilo markaa laba dooduba waa ehlu naar laakin Cabdinaasir laba siyoodba waa shahiid ama mujaahid dhab ah:

1. Wuxuu dhintay isagoo difaacanaya hantidiisa waayo daliil waxaa u ah in lagu dhex diley tukaankiisii rasuulkuna(SCW) wuxuu sheegay in ninkii ku dagaalama ee ladilo isagoo maalkiisa difaacaya ama ehelkiisa inuu yahay shahiid, qisooyinka hada laga hayo dad qaraabadiisa ahna waxay sheegayaan in dadkan diley Cabdinaasir uu u diiday baad ay ka qaadi jireen markaa haddii hadalkaasi uu run yahay laba cali is waydiin mayso inuu yahay shadiid dhab ah ee uusan ahayn kan ay soomaalidu samaysatay ee marba qolada rabta iny dhiig islaan daadiso ay u adeegsato qolada kale.

2 .    Cabdi-naasir Alle ha u naxariistee wuxuu ahaa shahiid waayo   wuxuu ku dhintay dab, Rasuulkuna (SCW) wuxuu inoo sheegey in qofkii ku dhinta masiibooyinka dabiiciga ah sida daadka,dhul gariirika inuu yahay shahiid.

Hadaan hadalkayga u soo dago aan ciwaankiisa u bixiyey “Hargaysa oo lagu arkey qoom Qorotooyin ah” waxan uga jeedaa markii Nabiyu laahi Ibraahim(CS) dabka lagu tuurey ee gaaladu ay islahaayeen maantaad ka nasanaysaa Ibraahim (CS) waa tii Illaahay dabkuu ku amray iney qabow u noqoto Nabi Ibraahim (CS),islamarkaana ay nabadgliso nabiga Allaah. qisadaasi nabi Ibraahim marka ay culimadu ka waramayaan sida uu sheegey mid kamida mufasiriinta qur’aanka Qataada wuxuu yiri markii nabi Ibraahim (CS)  dabkii lagu ridey waxaa ka qayb qaatey damintiisa makhluuqa dunidda jooga oo dhan oo ka xanuunsaday wiilkaa dhalin yarada ah ee dabka lagu tuurey illaa bahalka la yiraahdo “Alwasaqa(luqada carabiga) ama Qorotadda,qalajiso sida lahjadda soomaaligu u kala duwan tahay waxaana laga yaabaa in dadkalena si kale u yaqaaniin” mooyaane oo asagu aan ka qayb galin daminta dabkaasi markaa qoyahan Hargaysa ku gubey C/naasir iyo Qorotadani waxaa ka dhexeeya waa dabkaasi lagu gubey qof biniaadam ah. Mana lihi C/naasir waa nibi Ibraahim (SC)oo kale laakin waxaan isku dayey inaan magic u radiyo qolyaahaasi ku kacay ficilkan bini’aadanimadda ka baxsan oo qofka kasta oo arka ama looga sheekeeyo qisadani uu muraaradilaacayo, qalbiguna uu I noqonayo, markaa waxaan leeyahay hada ka dib soomaalidu qolyahaasi iyo qofkasta oo ficikaasi oo kele la yimaada in loogu yeero “Qoroto”.

 

Mohamuud A  hara1000234@yahoo.com

Daabaco Boggan | Print

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com