HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

Maxkamadaha Somaliland miyay ka siman yihiin dulmiga beesha Gabooye ?


Iyada oo xukunkii ka soo baxay maxkamada gobolka Hargeisa taariikhdu markay ahayd 29 kii bishii sideedaad 2005 uu ahaa mid ka dheer caddalada iyo qawaaniinta u degsan Somaliland, adduun weynaha iyo Islaamnimadaba, kaddib markii uu si badheedh ah uu u dilay askari ka tirsan booliska Somaliland marxuum Khadar Adan Usman isaga oo aan wax dambi ah galin isla markaana maxkamada horteeda laga caddeeyay in uu askarigu si badheedh ah oo kibir ku jiro u toogtay marxuumka, ayaa maxkamadu ku xukuntay dhagar qabaha 5 sanno oo xadhig ah, xukunkaas oo ka fogaa caddaaladda.

Haddaba bisha Jan 2006 15 keeda ayaa xukunkaas maxkamada sare ay dib u eegaysaa kaddib markii eheladii marxuumku ay racfaan ka qaateen. Sidaa daradeed waxaanu ugu baaqaynaa culumaaudiinka, guurtida, xildhibaanada cusub, dhaliinyarada, iyo ururada u dooda xuquuqda aadamaha in ay dawladda Somaliland culays ku saaraan sidii gacan ku dhiiglaha dilay Khadar loogu ciqaabi lahaa dambiga uu geystay iyada oo la tixgalinayo qawaaniinta u degsan Somaliland lana xaqdhowro shareecadda Islaamka taas oo ay ku jirto
maslaxada dadka iyo dalka Somaliland.

Happy New Year To All GABOOYE

Wabillahi Tawfiiq

Allahumma la tusallid caleynaa man la yakhaafuka wala yarxamuna.

Mohammed Ciise Caabi (Saaqa)
Gudoomiyaha beesha gabooye ee qaarada Yurub iyo w/Amerika

 

 

  Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com