Walaalayaal hadaan
idiinka waranno sababta
ay madaariskan ay ku
dhismeen waxay aheyd
markii aanu aragnay inay
baahi laxaadle ay ka
jirto xagga
waxbarashada beesh
gabooye iyo wacyiga ay
ku suganyahay wadanku ,
marka la eego dhibaatada
ka heysata madaariska
iyo Iskuulaadka wadanka,
Kadib marka aanu aragnay
baahidaa waxaanu
go’aansanay inaanu u
hool galno sidii aanu .
madaaris ugu dhisi
laheyn beesha , kadibna
waxaanu qaadanay
talaabooyinkan.
1.
Odedayaashii
ayaan iskugu yeedhnay
sida Raan cilmi
2.
Shir aanu qaadanay kadib
waxaanu go’aan ku gaadhnay
inaan dhul banaanaa oo u
iibiyey mahdi cumaan buuri
inaan madarasad ka dhisano
horana waxaa uga dhisnaa
masaajid ay noo dhistay
hay’ad islaami ah.
3. Kadib
waxay odayaashii isku
qoreen seeska wax lagu
dhigo, waanu noo suura
galay.
4.
Kadib waxaan
qayladhaan gaadhsiinay
bulshada aan wada
daganahay dabadeedna
bulshadii qaarba waxbay na
siiyeen , qaar jaajuur na
siiya , qaar sibidh na
siiya iyo qaar xoogooda ku
deeqa dadka wax nagala
qabtay waxa ka mid ah
shirkada Telesom waxa kale
oo wax nagala qabtay oo
kaalin xoog leh ka gaystay
sheekha Mustafe X/Ismaaciil
Haaruun oo noo soo diray
3000$ iyo dhawr boqol
isagoo nooga soo uruuriyay
Yurub kadib markaan la
hadalnay runtii mudan in
loo duceeyo waayo aqoon uu
noo leeyahayna waxba
noogumuu qaban ee wuxuu
noogu qabtay dar ilaahay
iyo muslinimo. Waxaanan
sidaas ku dhamaynay
qaybtii kowaad.
1.
Markay madarasadii
dhamaatay xaflada
balaadhan baanu dhignay oo
aanu umada ugu sheegaynay
in loo furay xaafada,
madarasadiina umad badan
ayaa timiday meeshiina waa
la soo buuxiyay waxaanan
ku guulaysanay in arday
badan ay hagaagaan oo ay
ka raystaan dibada
wareegii, waxbarasho
la,aantii taasina waa
ilaahay mahadii wayna
buuxsantay meeshii sidaynu
rabnay, waxayna ka kooban
tahay 3 class iyo
xafiiskii iyo 2 suuli.
2.
Markay meeshii buuxsatay
wax baahi aad u weyn noo
qabatay inaanu furno
madarasad kale sababtoo ah
dadkeenii oo meelihii kale
oo dhan ka soo wada yaacay
markaan nidhi way
buuxsantayna ay
yidhaahdeen meeshan ayaan
anagu leenahay halkee kale
oo aanu gaynaaa sidaa
awgeed ninman dadkeena ah
ilaahay kheyr ha siiyee oo
jooga cariga mareykanka oo
ay ka mid yihiin mubaarik
iyo fu’aad ayaa dhul ay
hore u iibiyeen ay nagu
soo wareejiyeen odayaashii
oo uu ka mid ahaa Cabdi
waraabe iyo raan cilmi
Kadib waxaanu u tagnay
ha’yad islaami ah oo nooga
dhistay masaajid uuna
suurto gali wayday inay
noogu darto madarasad.
kadib waxaanu go’aan ku
gaadhay inaan umada u dhax
galno,umaddo fara badan
ayaanan u geysanay codsiyo,
waxaana ka mid ahaa
Dahabshiil,oo aanu daba
soconay muddo ku siman
ilaa 6 biilood , ilaahay
mahadii taas waxaa nooga
xasilay 1000$ Mulkiilaha .
1.
Shirkada sidoo kale
shaqaalihiisana 2800$
taas oo noo noqotay waxtar
aad u balaadhan.
2.
Dhinaca kalana waxaa
nooyimi dad aad u fara
badan oo dadkeena ah oo ka
mid ah qurbajooga kuwaas
oo noo sameeyay
balanqaadyo fara badan,
haseyeeshee aan waxba ka
fulin nin qudha mooyee oo
lagu magacaabo Maxamed
Nuur mooge kheyr Alla ha
siiyee sidaasayna noogu
dhamaatay dhib kastaaba
hanaga soo gaadhee,
ilaahayna uu nagu
garabgalay, waxaanay ka
kooban tahay qaybtani 4
class, xafiiskii iyo labo
suuli waana sidan
1.
Ilaa hadana waxaa naga
bilaa kuraas ah 3 fasal ,
waana Ilaahay mahadii
arintaa u noo fudeydiyey
waana arin farxad u ah qof
walba oo muslim ah oo
damiirleh gaar ahaan umada
Gabooye
10. Waxa kale oo noo suura
galay machad wayn iyo
misaajid wayn oo hada lagu
gudda jiro dhismahooda
dibna aan idiinku soo
gudbindoono taswiirahooda
, hadaba waxaan waxaas oo
dhan u qabaneynaa Ilaahay
dartii anaga oo aan cidna
waxba kaga dooneyn magac
iyo aduunba, waxa kaliya
oo aan danaynaynaa inaan
bulshadayada horomarino,
Anaga oo aan marnaba aan
ka caajisayn horomarita
bulshada xilku naga saran
yahay cidii waxtar u
gaysanaysana aanu soo
dhawaynayno cidaday dooni
ha noqotee imikana waxaan
idiin soo gudbinaynaa
sawirada ardayda qaarkood
iyo macalimiinta qaarkood.