HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

Go,aamadii kasoo baxay Aqoon is weydaarsigii cuqaasha G/sool sanaag iyo cayn 

Dowlad Goboleedka Puntland ee Somaaliya Gobolka  Sool, Magaalada Laascaanood

BAAQ 

Hordhac. 

Aqoon-is-waydaarsi ku saabsan adkaynta nabadgelyada, dhawrista xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta degaanka ayaa lagu qabtay magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood. Aqoon-isweydaarsigan oo ay maalgelisay hay’adda Danish Refugee Coucil (DRC),  waxaa ka soo qaybgalay lixdan xubnood oo ka kala socday cuqaasha,

 

 culimaa-u-diinka, aqoonyahanka, waxgaradka oo ka kala yimi degmooyinka

Xudun, Boocame, Taleex, Laas Caanood iyo Buuhoodle. Waxa kale oo ka soo qayb galay xubno ka socday maamulka degmada Laas Caanood iyo gobolka Sool.

 Aqoon isweydaarsigan waxa uu ku qabsoomay Hoolka shirirka ee Xamdi Hotel muddada u dhexaysay July18-20,2006, waxaana gacan ka geystay ururka wadaniga ah ee Haqsoor. 

  • Waxaa aqoon-isweydaarsigaa si aada loogu falanqeeyay laguna lafaguray  arrimaha la xidhiidha:

  • Sidii loo toosin lahaa xeerarka qalloocan ee u dheexaya qabaa’ilka sida dilka badheedhka ah, qarinta, fakinta iyo garab istaaga gacan ku dhiiglaha.

  • Bixinta, qaadashada iyo qiimeynta magta.

  • Dhawrista xuquuqda aadamaha, gaar ahaan, xuquuqda haweenka iyo caruurta.

  • Dadka laga tiroda badan yahay iyo dadka ajanibaga ah ee wadankeenna ku sugan.

  • Ka hortaga iyo wax ka qabashada xaalufka, jarista dhirta, dhuxulaysiga, xakameynta deeganada iyo tuulooyinka, baahida loo qabo soo celintii seerayaashii hore u jiri jiray ee dadka u dhexeeyay.

  • Wada shaqaynta maamulka, bulshada iyo cuqaasha, iyo ilaalinta hantida guud.

  • Ka qaybgalka bulshada ee dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Waxaanu dadkayaga u sheegaynaa in aanu bari’i ka nahay wax kasta oo xumaan ah oo keeni kara isku dhaca hubaysan ee beelaha dhexdooda ah.

Waxaanu ka shaqaynaynaa una hawlgelaynaa isu soo dhawaanshaha beelaha, wada noolaansha , wax wada qabsiga iyo horumarinta bulshadayada. 

Waxaanu sidoo kale cadaynaynaa inaanu barii ka nahay xeer dhaqameed kasta oo ku jira xeer Soomaaliga kana soo horjeeda shareecada Islaamka iyo xuquuqal insaanka annaga oo ku bedelaynna meeshoodii xeerar san oo waafaqsan maslaxadda guud ee beelaha, shareecada islaamka iyo xuquuqal insaanka. 

Haddaanu nahay  cuqaasha iyo waayeelka ka soo qaybgalay aqoon- iswaydaarsigan kana wada hadlay arrimaha kor ku xusan waxaanu isku raacnay oo isla qaadannay qodobadan soo socda: 

  1. Wada shaqeynta:

    1.  Cuqaasha waxay xoojinayaan wada shaqeynta Isimada, cuqaasha, waayeelka, culimaa-u-diinka, xubnaha maamulka dawladda, ururada bulshada, hayadaha wadaniga iyo kuwa caalamiga.

    2. Waxaanu cadaynaynaa in hawlaha cuqaashu yihiin socodsiinta, maareynta iyo go’aaminta hawl-maalmeedka beelaha dhexdooda, taas oo ku salaysan Alle aqoon, dhexdhexaadnimo, samo jaceyl, dadwadaal,  dhaqan-aqoon, iyagoo u wada gurmanaaya marka ay wax dhacaan gudaha reerka iyo dibadaba.

    3. Waxaanu cadaynaynaa in hawlaha isimadu yihiin toosinta, talo-siinta, ku ducaynta iyo guddoominta go’aanada ay ka soo diyaarayaan cuqaashu hawl-maalmeedka beelaha.

     

  1. Dilka Camdiga ah:

Dilka camdiga ah, garab-siinta, qarinta, u hiilinta, iyo fakinta gacan ku dhiigluhu waa gabood fal culus oo liddi ku ah shareecada islaamka iyo xuquuqda aadamaha in badanna sababta isku dhacyo beelaha dhexdooda ah oo keenta nabadgelyo darro.  

Sidaa awgeed, waxaanu go’aaminay in ninka si badheedha wax u dila, la dilo (la qisaaso) anaga oo ku salaynayna sida ay qabto diinta Islaamku. Ninka wax dila ee la waayo  

Haddii, cidda dhiiga lihi saamaxdo gacan ku dhiiglaha oo ay doorbiddo inay mag ka qaataan qofkoodii la dilay, waxaa loo mooro-duugayaa  hantidii gacan ku dhiiglaha, haddiise ay kaafiyi weydo, waxaa hadhaaga ka bixin doona eheladiisa dad ugu xigta iyo ciddii kale ee wax la bixinaysa.iyagoo ula niyoona si samofal ah. 

  1. Aanada:

Aanadu waa dil lala beegsado qof aan dembi gelin inta badanna aan dareen colaadeed qabin. Aargoosigu waa gaboodfal laga galay xuquuqdii asaasiga ahayd ee nololeed, taas oo keeni karta nacayb iyo colaad daba dheraata oo beelaha dhexdooda ah. 

Laga bilaabo maanta waxaanu joojinay ku kicista falalka aanada ah, iyada  oo aan cudurdaar  looga dhigan karin in lagu dulmiyo qof aan dembi lahayn. 

 

  1. Magta (Diyada):

Haddii aanu nahay cuqaasha iyo waxgaradka shirkan ka soo qayb-galay waxaanu wada qaadaynay in magta labku tahay 100 halaad, halka magta dhadiguna tahay 50 halaad sida ay qabto shareecada Islaamku iyada oo aan loo eegayn maqaamka uu qofku ka joogay bulshada dhexdeeda. 

 

    1. Bixinta Magta:  

1.      Gacan ku dhiiglaha camdi wax ku dila haddii ay cafiyaan cidii lahayd dhaxalka qofkii la dilay, waxaa loo mooro-duugayaa hantida gacan ku dhiiglaha, laguna bixinayaa magta wixii uu hanti leeyahay oo dhan, haddii ay gaadhi weydo waxaa baaqiga la bixinaya eheladdiisa iyo cidii kale caawinaysa si samo-fala. Sidaa awgeed ma jirayso mag ka badan tan sharcigu xadiday ee kor ku xusan. 

2.      Dilka ku yimaada sifo aan badheedh ahayn sida shilalka gaadiidka waxaa  si wada jir ah u bixinaya qabiilka uu ka dhashay qofka shilka geystay loonana dhaqmi maayo sida dilka ula kaca ah. 

    1. Qaadashada Magta:

Magta waxaa la siinayaa oo qaadanayaa cidda leh dhaxalka qofkii la dilay sida caruurtiisa, xaaskiisa, hooyadii, aabihii, iyo cidii kale ee ka dhaxal gasha. 

  1. Xuquuqda Haweenka iyo Caruurta:

Bulsho waliba  waxay ka soo unkantaa qoyska oo ah laf-dhabarta bulshada. 

Cuqaasha iyo waxgaradka shirkan ka soo qayb-galay waxay si wada jira u go’aamiyeen qodobadan soo socda: 

o       In la dhowro xuquuda haweenka iyo caruurta lana siiyo qaybta ay ku leeyihiin  dhaxalka ha ahaado mag, hanti ma guurta ah, xoolo nool, iwm.

o       Kufsigu waa denbi aad u culus oo loo gaysto dumarka. Denbiilaha gaysta kufsi waa in cadaaladda la hor keenaa laguna xukumo wixii uu mutaysto iyada oo loo eegayo shareecada islaamka. 

o       Waa in si siman loo barbaariyaa, waxna loo baraa caruurta wiil iyo gabadhba. 

Haweeynayda uu sayigeedu geeriyoodo way u madax banaan tahay guurkeeda dambe, mana banaana in dumaal lagu qasbo hadii aanay raali ka ahayn. 

o Waa in haweenayda la siiyaa meherkeeda Ilaahay u jideeyay. 

o     Waa in aynu joojinaa wax kasta oo keeni kara dayicidda iyo burburka qoyska isla markaana aabuhu hanto xilka ka saaran qoyskiisa sida quudinta, barbaarinta iyo waxbarashada carruurta. 

  1. Xuquuqda dadka laga tirada badan yahay:

Waxaanu aqoonsanahay in dadku simanyahay oo aan sinaba lagu takoorin cid ka mid ah bulshada  qabiilkooda, jinsiyadooda, diintooda, midabkooda, iwm. 

Waa in loola dhaqmaa dadka laga tirada badan yahay sida Gabooyaha, Tumaalaha, Yibraha iwm. si la mid ah sida beelaheenna kale isula dhaqanno xagga macaamilka iyo Is-dhexgalka bulshada gaar ahaan xagga guurka. 

Waxaanu bulshada iyo maamulkaba ugu baaqaynaa in loo hawl-galo sidii kor loogu qaadi lahaa heerka nololeed ee dadyowga laga tirada badan yahay dhinacyada is-dhexgelka, waxbarashada, caafimaadka, siyaasada iwm. 

 
  1. Xuquuqda Dadka Ajnebiga ah iyo hawl-wadeenada hay’adaha samofalka ah:

Sida la wada ogsoon yahay diinta Islaamku ma bananayso in la dilo dadka aan muslinka ahayn ee maganta u ah wadan muslina sida keena oo kale, kol haddii aanay dagaal kula jirin muslimiinta, gelinna dembi ay ciqaabtiisu tahay dil. 

Waxaanu ugu baaqaynaa dadkayaga in la dhawro xuquuqda dadka ajnebiga ah ee martida i noo ah, lana ilaaliyo naftooda, maalkooda iyo sharaftooda.  

Dadka Ajnebiga ahina waa inay dhowraan dhaqankeena, diinteena, iyo sharafta wadankeena ay martida ku yihiin. 

  1. Ilaalinta Degaanka:

Heerka xaalufka iyo waxyeelada degaanku waxuu marayaa meel aad u halisa oo haddii aan si deg dega wax looga qaban keenaysa cawaaqib xumo ku timaada nolosha dadka, xoolaha, iyo duur joogtaba.  

Waxaa si xad-dhaafa u baahay goynta dhirta qoyan ee laga shidayo dhuxusha, gaar ahaana lala beegsanayo dhirta manfaca badan u leh xoolaha iyo dadkaba ee ay ka mid ka yihiin galoolka, qudhaca, iyo gobka.  

Dhuxulaysigu wuxuu si ba’an u kordhiyay wadooyinka faraha badan ee tuulooyinka taga, kuwaas oo marka roobku da’o biyihii soo saari lahaa dooga ay raacaan kuwaas oo iyana isu roga boholo qaada abuurkii baadku ku bixi lahaa.  

Arimahaasi marka laysu geeyo waxay sababeen in dhul badani isu rogo lama degaan aan waxba ka bixin, ama dhul baadku aad ugu yaryahay. 

Waxaa kale oo la ogyahay haddii dhirtu dhulka ka dabar go’do, ciiduna nabaad guurto in roobku  yaraado abaaruhuna  bataan. 

Sidaa darteed waxaanu go’aaminay: 

  • In la joojiyo ka ganacsiga dhuxusha la dhoofinayo, lana helo wax lagu bedalo dhuxusha guryaha lagu isticmaalo sida dhuxul dhagaxda, tamarta cadceeda iwm.

 

  • Waxaanu go’aaminay in la joojiyo ku dhaqanka caadada xun ee baryahan dambe soo korodhay ee ah bacda dhulka lagu aasayo ee biyaha lagu keydinayo, taas oo sabab u noqotay in la xaalufiyo dhul daaqsimeedkii carro sanka ahaa.

  • Waxaanu dadka ugu baaqaynaa in la joojiyo samaynta degaamada, barkadaha, waddooyinka iyo tuulooyinka cusub, gaar ahaan in laga joojiyo meelaha dhul-daaqsimeedka xoolaha.

  •  

  • Waa in la baab’iyaa dhulka xidhmooyinka ah ee sida gaarka ah looga ootey dhulkii xooluhu daaqayeen ama ay marayeen.

 

  • Waxaanu hay’adda DRC, maamulka iyo hayadaha caalamiga ah ka codsanaynaa inay gacan naga siiyaan sidii aanu isaga baabin lahayn dhul daaqsimeedkaa sida gaarka loo ootey, jarista iyo shidida dhirta ee looga jeedo ka ganacsiga dhuxusha, maareynta biyaha qulqulaya, soo celinta seerayaashii hore u jiri jiray ee dadka ka dhexeeyay iyo dhamaan hawlaha kale ee ilaalinta deegaanka.

  • Bulshada degaamada Sool iyo Cayn iyo Cuqaashooduba waxay gacmo furan iyo googol nabadgelyo ku soo dhawaynayaan hayadaha samafalka ee caalamiga ah, kuwa dunida muslimka ah iyo deeqbixiyayaasha kaleba si ay wadanka samafalkiisa, dib u dhiskiisa iyo horumarkiisa qayb uga qaataan.  

  •  

  • Jaaliyadaa debedaha ee Sool iyo Cayn, aqoonyahanka iyo maalqabeenka waxaanu ugu baaqaynaa in ay ka soo qaybgalaan dib u dhiska iyo horumarka dalkooda hooyo.

  1. Ilaalinta hantida guud:

 

    1. Waa in dadwaynaha lagu wacyigeliyaa ilaalinta iyo daryeelka hantida guud sida goobaha adeegyada caafimaadka, waxbarashada, masaajidada, gaadiidka iyo xarumaha dowladda, suuqyada ….iwm.

    2. Waa in bulshado ka qayb qaadataa dib u dhiska iyo horumarka dalka iskoodna ay isugu xilqaamaan.

    3.  Waa in dhan looga soo wada jeestaa sharcigana la horgeeyaa cid kasta oo waxyeello u gaysata hantida ummadda.

 

                                  Gunaanad:   

Haddaanu nahay cuqaasha iyo waxgaradka ka qaygalay aqoon-isweydaarsigan waxaanu u mahadnaqaynaa  hay’adda Danish Refugee Council (DRC) ee fidisay gogosha shirkan, Ururka Wadaniga ah ee Haqsoor oo sahlay, Wasaaradda Daakhiliga, iyo maamulka gobolka Sool iyo degmada Laascaanood. Waxaan mahad gaar ah u jeedinaynaa Issimada Gobolka Sool oo ka gaystay qabanqaabadii iyo qabsoomidii shirwaynahan. 

Allaa mahad leh,

jaamac maxamed nuur jeele

Rlaascaanood1@yaahoo.com

 

 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com