Go,aamadii
kasoo
baxay Aqoon
is weydaarsigii cuqaasha G/sool sanaag iyo cayn
Dowlad Goboleedka Puntland ee Somaaliya
Gobolka Sool, Magaalada Laascaanood.
BAAQ
Hordhac.
Aqoon-is-waydaarsi
ku saabsan adkaynta nabadgelyada, dhawrista xuquuqda aadanaha
iyo ilaalinta degaanka ayaa lagu qabtay magaalo madaxda gobolka
Sool ee Laascaanood. Aqoon-isweydaarsigan oo ay maalgelisay
hay’adda Danish Refugee Coucil (DRC), waxaa ka soo qaybgalay
lixdan xubnood oo ka kala socday cuqaasha,
culimaa-u-diinka,
aqoonyahanka, waxgaradka oo ka kala yimi degmooyinka
Xudun, Boocame, Taleex, Laas Caanood iyo
Buuhoodle. Waxa kale oo ka soo qayb galay xubno ka socday
maamulka degmada Laas Caanood iyo gobolka Sool.
Aqoon isweydaarsigan waxa uu ku qabsoomay Hoolka
shirirka ee Xamdi Hotel muddada u dhexaysay July18-20,2006,
waxaana gacan ka geystay ururka wadaniga ah ee Haqsoor.
-
Waxaa
aqoon-isweydaarsigaa si aada loogu falanqeeyay laguna
lafaguray arrimaha la xidhiidha:
-
Sidii loo toosin lahaa xeerarka qalloocan
ee u dheexaya qabaa’ilka sida dilka badheedhka ah, qarinta,
fakinta iyo garab istaaga gacan ku dhiiglaha.
-
Bixinta, qaadashada iyo qiimeynta magta.
-
Dhawrista xuquuqda aadamaha, gaar ahaan,
xuquuqda haweenka iyo caruurta.
-
Dadka laga tiroda badan yahay iyo dadka
ajanibaga ah ee wadankeenna ku sugan.
-
Ka
hortaga iyo wax ka qabashada xaalufka, jarista dhirta,
dhuxulaysiga, xakameynta deeganada iyo tuulooyinka, baahida
loo qabo soo celintii seerayaashii hore u jiri jiray ee dadka
u dhexeeyay.
-
Wada shaqaynta maamulka, bulshada iyo
cuqaasha, iyo ilaalinta hantida guud.
-
Ka qaybgalka bulshada ee dib u dhiska iyo
horumarinta dalka.
Waxaanu dadkayaga u sheegaynaa in aanu bari’i ka
nahay wax kasta oo xumaan ah oo keeni kara isku dhaca hubaysan
ee beelaha dhexdooda ah.
Waxaanu
ka shaqaynaynaa una hawlgelaynaa isu soo dhawaanshaha beelaha,
wada noolaansha , wax wada qabsiga iyo horumarinta bulshadayada.
Waxaanu sidoo kale cadaynaynaa inaanu barii ka
nahay xeer dhaqameed kasta oo ku jira xeer Soomaaliga kana soo
horjeeda shareecada Islaamka iyo xuquuqal insaanka annaga oo ku
bedelaynna meeshoodii xeerar san oo waafaqsan maslaxadda guud ee
beelaha, shareecada islaamka iyo xuquuqal insaanka.
Haddaanu
nahay cuqaasha iyo waayeelka ka soo qaybgalay aqoon-
iswaydaarsigan kana wada hadlay arrimaha kor ku xusan waxaanu
isku raacnay oo isla qaadannay qodobadan soo socda:
-
Wada
shaqeynta:
-
Cuqaasha waxay xoojinayaan wada
shaqeynta Isimada, cuqaasha, waayeelka, culimaa-u-diinka,
xubnaha maamulka dawladda, ururada bulshada, hayadaha
wadaniga iyo kuwa caalamiga.
-
Waxaanu cadaynaynaa in hawlaha cuqaashu
yihiin socodsiinta, maareynta iyo go’aaminta hawl-maalmeedka
beelaha dhexdooda, taas oo ku salaysan Alle aqoon,
dhexdhexaadnimo, samo jaceyl, dadwadaal, dhaqan-aqoon,
iyagoo u wada gurmanaaya marka ay wax dhacaan gudaha reerka
iyo dibadaba.
-
Waxaanu cadaynaynaa in hawlaha isimadu
yihiin toosinta, talo-siinta, ku ducaynta iyo guddoominta
go’aanada ay ka soo diyaarayaan cuqaashu hawl-maalmeedka
beelaha.
-
Dilka Camdiga ah:
Dilka
camdiga ah, garab-siinta, qarinta, u hiilinta, iyo fakinta gacan
ku dhiigluhu waa gabood fal culus oo liddi ku ah shareecada
islaamka iyo xuquuqda aadamaha in badanna sababta isku dhacyo
beelaha dhexdooda ah oo keenta nabadgelyo darro.
Sidaa awgeed, waxaanu go’aaminay in ninka si
badheedha wax u dila, la dilo (la qisaaso) anaga oo ku
salaynayna sida ay qabto diinta Islaamku. Ninka wax dila ee la
waayo
Haddii, cidda dhiiga lihi saamaxdo gacan ku
dhiiglaha oo ay doorbiddo inay mag ka qaataan qofkoodii la dilay,
waxaa loo mooro-duugayaa hantidii gacan ku dhiiglaha, haddiise
ay kaafiyi weydo, waxaa hadhaaga ka bixin doona eheladiisa dad
ugu xigta iyo ciddii kale ee wax la bixinaysa.iyagoo ula niyoona
si samofal ah.
-
Aanada:
Aanadu
waa dil lala beegsado qof aan dembi gelin inta badanna aan
dareen colaadeed qabin. Aargoosigu waa gaboodfal laga galay
xuquuqdii asaasiga ahayd ee nololeed, taas oo keeni karta nacayb
iyo colaad daba dheraata oo beelaha dhexdooda ah.
Laga bilaabo maanta waxaanu joojinay ku kicista
falalka aanada ah, iyada oo aan cudurdaar looga dhigan karin
in lagu dulmiyo qof aan dembi lahayn.
-
Magta
(Diyada):
Haddii
aanu nahay cuqaasha iyo waxgaradka shirkan ka soo qayb-galay
waxaanu wada qaadaynay in magta labku tahay 100 halaad, halka
magta dhadiguna tahay 50 halaad sida ay qabto shareecada
Islaamku iyada oo aan loo eegayn maqaamka uu qofku ka joogay
bulshada dhexdeeda.
-
Bixinta Magta:
1.
Gacan
ku dhiiglaha camdi wax ku dila haddii ay cafiyaan cidii lahayd dhaxalka
qofkii la dilay, waxaa loo mooro-duugayaa hantida gacan ku dhiiglaha,
laguna bixinayaa magta wixii uu hanti leeyahay oo dhan, haddii ay gaadhi
weydo waxaa baaqiga la bixinaya eheladdiisa iyo cidii kale caawinaysa si
samo-fala. Sidaa awgeed ma jirayso mag ka badan tan sharcigu xadiday ee
kor ku xusan.
2.
Dilka ku yimaada sifo aan badheedh
ahayn sida shilalka gaadiidka waxaa si wada jir ah u bixinaya
qabiilka uu ka dhashay qofka shilka geystay loonana dhaqmi maayo
sida dilka ula kaca ah.
-
Qaadashada Magta:
Magta waxaa la siinayaa oo
qaadanayaa cidda leh dhaxalka qofkii la dilay sida caruurtiisa,
xaaskiisa, hooyadii, aabihii, iyo cidii kale ee ka dhaxal gasha.
-
Xuquuqda Haweenka iyo Caruurta:
Bulsho
waliba waxay ka soo unkantaa qoyska oo ah laf-dhabarta bulshada.
Cuqaasha iyo waxgaradka
shirkan ka soo qayb-galay waxay si wada jira u go’aamiyeen
qodobadan soo socda:
o
In la dhowro
xuquuda haweenka iyo caruurta lana siiyo qaybta ay ku leeyihiin
dhaxalka ha ahaado mag, hanti ma guurta ah, xoolo nool, iwm.
o
Kufsigu waa
denbi aad u culus oo loo gaysto dumarka. Denbiilaha gaysta kufsi
waa in cadaaladda la hor keenaa laguna xukumo wixii uu mutaysto
iyada oo loo eegayo shareecada islaamka.
o
Waa in si siman
loo barbaariyaa, waxna loo baraa caruurta wiil iyo gabadhba.
Haweeynayda uu sayigeedu
geeriyoodo way u madax banaan tahay guurkeeda dambe, mana
banaana in dumaal lagu qasbo hadii aanay raali ka ahayn.
o
Waa in
haweenayda la siiyaa meherkeeda Ilaahay u jideeyay.
o Waa
in aynu joojinaa wax kasta oo keeni kara dayicidda iyo burburka
qoyska isla markaana aabuhu hanto xilka ka saaran qoyskiisa sida
quudinta, barbaarinta iyo waxbarashada carruurta.
-
Xuquuqda dadka laga tirada badan yahay:
Waxaanu
aqoonsanahay in dadku simanyahay oo aan sinaba lagu takoorin cid
ka mid ah bulshada qabiilkooda, jinsiyadooda, diintooda,
midabkooda, iwm.
Waa
in loola dhaqmaa dadka laga tirada badan yahay sida Gabooyaha,
Tumaalaha, Yibraha iwm. si la mid ah sida beelaheenna kale isula
dhaqanno xagga macaamilka iyo Is-dhexgalka bulshada gaar ahaan
xagga guurka.
Waxaanu
bulshada iyo maamulkaba ugu baaqaynaa in loo hawl-galo sidii kor
loogu qaadi lahaa heerka nololeed ee dadyowga laga tirada badan
yahay dhinacyada is-dhexgelka, waxbarashada, caafimaadka,
siyaasada iwm.
|
-
Xuquuqda Dadka Ajnebiga ah iyo
hawl-wadeenada hay’adaha samofalka ah:
Sida la
wada ogsoon yahay diinta Islaamku ma bananayso in la dilo dadka
aan muslinka ahayn ee maganta u ah wadan muslina sida keena oo
kale, kol haddii aanay dagaal kula jirin muslimiinta, gelinna
dembi ay ciqaabtiisu tahay dil.
Waxaanu
ugu baaqaynaa dadkayaga in la dhawro xuquuqda dadka ajnebiga ah
ee martida i noo ah, lana ilaaliyo naftooda, maalkooda iyo
sharaftooda.
Dadka
Ajnebiga ahina waa inay dhowraan dhaqankeena, diinteena, iyo
sharafta wadankeena ay martida ku yihiin.
-
Ilaalinta Degaanka:
Heerka xaalufka iyo waxyeelada degaanku waxuu
marayaa meel aad u halisa oo haddii aan si deg dega wax looga
qaban keenaysa cawaaqib xumo ku timaada nolosha dadka, xoolaha,
iyo duur joogtaba.
Waxaa si xad-dhaafa u baahay goynta dhirta qoyan
ee laga shidayo dhuxusha, gaar ahaana lala beegsanayo dhirta
manfaca badan u leh xoolaha iyo dadkaba ee ay ka mid ka yihiin
galoolka, qudhaca, iyo gobka.
Dhuxulaysigu wuxuu si ba’an u kordhiyay
wadooyinka faraha badan ee tuulooyinka taga, kuwaas oo marka
roobku da’o biyihii soo saari lahaa dooga ay raacaan kuwaas oo
iyana isu roga boholo qaada abuurkii baadku ku bixi lahaa.
Arimahaasi marka laysu geeyo waxay sababeen in
dhul badani isu rogo lama degaan aan waxba ka bixin, ama dhul
baadku aad ugu yaryahay.
Waxaa kale oo la ogyahay haddii dhirtu dhulka ka
dabar go’do, ciiduna nabaad guurto in roobku yaraado abaaruhuna
bataan.
Sidaa darteed waxaanu go’aaminay:
-
Waxaanu go’aaminay in la joojiyo ku
dhaqanka caadada xun ee baryahan dambe soo korodhay ee ah
bacda dhulka lagu aasayo ee biyaha lagu keydinayo, taas oo
sabab u noqotay in la xaalufiyo dhul daaqsimeedkii carro sanka
ahaa.
-
Waxaanu dadka ugu baaqaynaa in la joojiyo
samaynta degaamada, barkadaha, waddooyinka iyo tuulooyinka
cusub, gaar ahaan in laga joojiyo meelaha dhul-daaqsimeedka
xoolaha.
-
-
Waa in la baab’iyaa dhulka xidhmooyinka ah
ee sida gaarka ah looga ootey dhulkii xooluhu daaqayeen ama ay
marayeen.
-
Waxaanu hay’adda DRC, maamulka iyo hayadaha
caalamiga ah ka codsanaynaa inay gacan naga siiyaan sidii aanu
isaga baabin lahayn dhul daaqsimeedkaa sida gaarka loo ootey,
jarista iyo shidida dhirta ee looga jeedo ka ganacsiga
dhuxusha, maareynta biyaha qulqulaya, soo celinta seerayaashii
hore u jiri jiray ee dadka ka dhexeeyay iyo dhamaan hawlaha
kale ee ilaalinta deegaanka.
-
Bulshada degaamada Sool iyo Cayn iyo
Cuqaashooduba waxay gacmo furan iyo googol nabadgelyo ku soo
dhawaynayaan hayadaha samafalka ee caalamiga ah, kuwa dunida
muslimka ah iyo deeqbixiyayaasha kaleba si ay wadanka
samafalkiisa, dib u dhiskiisa iyo horumarkiisa qayb uga
qaataan.
-
-
Jaaliyadaa debedaha ee Sool iyo Cayn,
aqoonyahanka iyo maalqabeenka waxaanu ugu baaqaynaa in ay ka
soo qaybgalaan dib u dhiska iyo horumarka dalkooda hooyo.
-
Ilaalinta hantida guud:
-
Waa in dadwaynaha lagu wacyigeliyaa
ilaalinta iyo daryeelka hantida guud sida goobaha adeegyada
caafimaadka, waxbarashada, masaajidada, gaadiidka iyo
xarumaha dowladda, suuqyada ….iwm.
-
Waa in bulshado ka qayb qaadataa dib u
dhiska iyo horumarka dalka iskoodna ay isugu xilqaamaan.
-
Waa in dhan looga soo wada jeestaa
sharcigana la horgeeyaa cid kasta oo waxyeello u gaysata
hantida ummadda.
Gunaanad:
Haddaanu nahay cuqaasha iyo waxgaradka ka
qaygalay aqoon-isweydaarsigan waxaanu u mahadnaqaynaa hay’adda
Danish Refugee Council (DRC) ee fidisay gogosha shirkan, Ururka
Wadaniga ah ee Haqsoor oo sahlay, Wasaaradda Daakhiliga, iyo
maamulka gobolka Sool iyo degmada Laascaanood. Waxaan mahad gaar
ah u jeedinaynaa Issimada Gobolka Sool oo ka gaystay
qabanqaabadii iyo qabsoomidii shirwaynahan.
Allaa mahad leh,
jaamac maxamed
nuur jeele
Rlaascaanood1@yaahoo.com
|