HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

 

XUSUUSO TAARIIKHDA!

Abwaanku wuxuu tusaaleynayaa sida ay Taariikhda Soomaalidu u aastay oo aysan marna runta uga sheegin ilbaxnimadii ay lahaayeen dadkan ay maanta takooraan. Waxaa uu Abwaanku cadeeyey sida ay suugaanta Soomaalidu uga buuxdo ereyo quudhsi ah iyo sida wixii xunba loogu soo hal qabsado Midgaanka looguna sifeeyo waxaan jirin oo aan bini’aadam ahayn.

Wuxuu yidhi Abwaanku:

Allahahayow  tabaalaha  waqtigu waa is tarayaaye 
Tahdiibtiyo dabaylaaha isrogay taawishii hawda
Waxaysoo taxnaataba  run bay sheekadii timide
Tol nimaan lahayn toron doceed toon iska arkaaya
Tunbul urursan reerkaan lahayn laga tan roonaa
Tirxaan midaan lahaybaa dibi u tooqaaye

Hablaa Tumaal iyo Madhibe toos u weerara
Taraaraa ku dhacay Bucur bacayr taran wuxuu reebay
Tadhaqii hadlaa maansaduu nagu tilmaamaaye
Tol qudhoo nasoo tiigsan kara toonku ma lahayne
Anigaa tiriig iyo ahaa reer la taabaca-e
Waxaa layga taajiray tolkay kala tagiisiiye
Tilmana meel ayuu iga jiraa tiifa noo qaba-e
Tan horeeto Eebow tolkay faraha ii toomi
Tafaraaruq Eebow ka saar toga waw qabay

Ta labaadna Soomaalidaa tacadidee aniga ii taagan  
 Iyagaa tiraabku u socdaa lay tixgalin waa
Tagoogaa Isaaq iyo Hawiye tirada Daaroodka
Tolmada Ciise Gadabuursigiyo toban kaloo jooga
Tol waliba wuxuu I tari jiraa taala qorayaa
Tartan golaa tookhay wadaan wadar Talaamiintu
Todobaadkanaan doonayaa kii wax soo taray

 Tolkii keena wuxuu soo taroo lagu tigad guuray
Tolkii waaya wuxuu soo taroo uumiyaa taabtay
Nin tafiyo mid liitay murtidu idin tusaysaaye
Anoo tabaca Reer Muuse  iyo Hawle tabinaaya
Talaamiinta soo ururso dhaha waxaad ku tookhayso
Tana qoro tiriig baan ahoo kaa tan dheersani

Toolmoonihii Guray markuu toobiyaha qaaday
Tigta leebka anigaa Amxaar toos u weeraray
Tiraa maqashe teeraarka faan tiirka soo muday
Dabcadii dagaalkii waxaan daba tabuujaaba
Tugrigaan dalkiisa u diray tab iyo xeeshay


Tawaawaca markuu Boortaqiis Xabashi taageeray
Tolkay baa la dhigay torogyadaydii
Tigbaago ay tigaan bay dhashiyo taad na mariseen
Taban taabadaydii markaan idinku soo tiirshay
Arday macallinkiisii tafshaa tiinaa lahayaaye 
Abaal daran Talaamiini waa tiir Yuhuudiyahe

 

Waxaa tiriyey Abwaan Ina Muse Gude (Garnayl) abdi_duse@yahoo

Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com