HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

 

GABAY TIIRAANYO

Abwaanku wuxuu guubaabinayaa dadkan la quudhsado inay isu yimaadaan oo ay isku duubnaadaan. Wuxuu gabayga guubaabada ah ku tusaaley nayaa in ay haboon tahay in beesha la quudhsadaa fahanto taariikhdooda iyo meesha ay ka soo jeedaan ee aysan iska qaadan sheeka xariirta uu Ajigu (Talaamiin) isugu sheekeeyo.

Wuxuu yidhi Abwaanku:

Teeroon Tumaal iyo Midgaan tuur isaga keeno
Oo aan Yibraa taar u diro togaga maaxaaya
Teeroon tamuuxaa niman ka badan tiirsho garabkayga

Teeron tol kay ururiyoon talada gaar siiyo
Teeroy tacliin tiyo san cadu kay isukutoosto
Talaa miinta teeroon kabaxo taabka nagu haysta

Teeroon Talaamiin u diro toban kun oo wiila
Taariikhda teeroon hubsado nalaga toodheeyey
Tumunbaa isaarane anaan gees isaga tuurin
Tirin mayo maansooyinkaad igu taqaaniine
Tiiraanyadayda aan qabee hay tagliifina 

Inta ay taraareen ragbaa saada tiigsadaye
Anigana taydu Soomaali bay iigu taalaaye
Inaynu tiir ka soo wada baxniyo turuqyadii Aadam
Ooynu isku tiig nahay jidhkaa laga tilmaamaaye
Ma cirkaydin tegi Eebahay baysku keen tolaye

 

Waxaa tiriyey Abwaan Boobe Cabsiiye 

Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com