HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

 

ALLAHAYOW TALAAMIIN!

Talaamiin waa magac waayadii hore looyaqaanay Soomaalida isla weyn
(Aji). Waayadii hore ayaa la oran jirey dadku waa Tumaalo iyo Talaamiin. Maantana waa Gun iyo Gob, Boon iyo Bilis, Aji iyo Midgaan, Nasab iyo Nasab dhiman iwm.

Abwaanku wuxuu shucuurtiisa ku cabirayaa sida uusan marna uga nabad gelayn Soomalidan isla weyn. Wuxuu la yaabay sida aan naxariista lahayn ee ay ula dhaqmayaan dadkan Islaamka sheeganayaa dad kale oo la jinsi ah oo weliba la diin ah iyo sida ay u ciseeyaan una sharfaan dadyowga kale ee Ajaanibta ah.

Wuxuu ku bilaabay Abwaanku isagoo Alle Baryaya:

Tunka ka fuulay tiir bira kuxidhay toogtayoo  dilaye
Tumudkaan shaqaystana midbaw taagan meelaha-e
Tuxuushkooda xumi aniga way tudh leeyahaye
Waa doqon tolkii igu arkaan tumi karaayaaye
Allahayoow Talaamiin miyaad iiga talin wayday 

Talyaaniga Nasaaraa haddaan yaabaso u gaysto
Ooy meesha ila taaganyiin toogashay qorane
Iblays bay tusoo duulku way igu talaalmeene
Adigoo tabaaleysan oo tuuga gacal mooday
Hadduu nirig mid kuu tuuroo kuguba taageero
Todobaatan sano ayuu waxaad tabacday sheegtaaye
Allahayow Talaamiin miyaad iiga talin wayday 

Haddaan toban kunoo ila talaa toos u garanaayo
Talantaali baan jabin lahaa kii istaagaba-e
Tugriguna ma quudeen halkaan maalintaa tago-e
Allahayow Talaamiin miyaad iiga talin wayday

Meeshaan tagaba waa tuban yihiin igana taagroone
Tabtii aan samaystana baray igaga tuuraane
Haddii dunida meel aanay tegin aan toos ugaranaayo
Toddobaatan baan dhixi lahaa toogadaan qabo-e
Allahayoow Talaamiin miyaad iiga talin wayday

 

Waxaa tiriyey Abwaan Xirsi Samatar Geedi
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com