-
Arrimahan qarada weyn
Qolku raagan soo jirey
Qaadaa dhigeedii
Aqoonyahan qorsheeyiyo
Qalin-buug ha loo maro
Xisaabaha la qaatiyo
Qoraalada ha lagu daro
Qayladhaan la dhiirado
Quudhsiguna ha baaba’o
-
Nabsi qooqay baa yimid
Ina qaaday daadkii
Haddaynaan is daba qaban
Qabyadii la wada tolin
Qaybiyuhu wax soo celin
Dhamaan mayo quudhsigu
-
Qaafil aan wax garaneyn
Yam-yam iyo Qadaad weyn
Isu qodhisadaas baas
Qax iyo boobka lagu dhalay
Qumayadan isu ekadan
Aan qiimaha lahayn
Ma ilaa Qiyaamey kala
qaybsanaan uun
Qayladhaan ha dhiirado
Quudhsiguna ha baaba’o
-
Aqoonyahankii qarankow
Qorax waliba shukul bay
Qaadirkeeda wadataa
Midiyaha inoo qora
Neefkana inoo qala
Oo qawda maqashii
Qorshe kuma hagaagee
Qayladhaan la dhiirado
Quudhsiguna ha baaba’o
-
Culimada quraankiyo
Dhallinyaro qusuusiya
Hooyo qaaliyoo wacan
Odayaal wax qaban kara
Kuligeen qasaarahan
Qadafka weynu leenahay
Qayladhaan la dhiirado
Quudhsiguna ha baaba’o
-
Dhiig lagu qubeystiyo
Boolida la quutiyo
Qaabkii Fircooniga
Kulli qaatil baan nahay
Qabrigii adduunku leeyahay
Oo qabiil laguugu dul xidhay
Qayladhaan la dhiirado
Quudhsiguna ha baaba’o
-
Maskaxda iyo qoortiyo
Quruxda iyo wejigiyo
Indhaha araga qaadiyo
Dhegaha maqalka qaybiya
Afka lagu qaraabtiyo
Carabka qawlka celiyiyo
Hunguri quud mareenkiyo
Gacmaha hawsha qabaniyo
Lugaha socodka qaybshiyo
-
Qunbaha calooshiyo
Qarqaradiyo beerkiyo
Sambabka neefta qaadiyo
Wadnaha qaaligee wacan
Kelyaha qayb mareenka ah
Qayb-qayb jirkeena
Qaarkee baynu tuurnaa
Keebaanse wax qaban
Qaabkaasoo kalaan nahay
Qakhtarada qaliinkaa
Qaabkoodii aan nahay
Haddaad qaadaneysaan