HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

    Abwaan Ayax Dhowre wuxuu yidhi:

Indhowaydba waataanan qirin qaaradii gabaye
Waa ka qatanaa meerkan iyo qabadkii dayreede.
Marka addinka qaarkiin gam'aa laygu soo qubaye
Sida Qawdhan iyo Gooni baan uga qiseeyaaye
Qammaam iyo sidii Weerar baan ugu qurxeeyaaye
Qaraabooy i maqal caawa waan soo qadimayaaye
Qubi waa qormada Reer Xasan ah qawl aan maqashiiyey
Qodob kalena waa duniyadii Qab aan ka faaleeyey

Qubi waa qormada Reer Hasana qawl aan maqashiiyey

Nimanyohow qumaati iyo qalooc kala qiyaas roone
Waxba lama qarshee hadal rag waa la isu qeexaaye
Fardo kala quluub bay nin rag ah qar uga tuuraane
Qoomaari orodkay sidii qumanyo roortaaye
Quluubtii dad oo kala go'daa waysu quruntaaye
Dadse heedhe way qoonsan jiray tan iyo qaabiile
Qooraha waxaa looga simay waysku wada qayre
Qawaaniinku waa inuu nin raggi ahi kula quwoodaaye
Qawaaniinku waa inuu nin raggi ahi kula quwoodaaye
Rabbi labaduu kala qaadayaa qurux ma yeeshaane
Waxse qoonsimaadkeen ka dhacay qaadistii sace
Qarankeen waxuu jabay markii qaali lays badaye
Naftaa laga qalbaday ruux yamiin qoorta loo suraye!
Waa kaa qamuunyada debnaha qooni kaga taal-e
Maxuu qumiyey Maxamuud hadduu qoomamays yahaye

Haddaanse Yuusuf Dhuux i qasbi karin ina qisaasaynin
Oo aan geel la Qaadiyo idiin la iga qaadaynin
Haddaan aniga qool iyo hogaan la igu qabanaynin
Qoloyari ninkii iga damcaa wow quluub xumo-e
Qoloyari ninkii iga damcaa wow quluub xumo-e
Qaalmo iyo geel aanad qabin adigu ii qaabil
Dabadeedna ii kala qorshee waa qiso adduune
Hadaanse talo rag wada qaybsanoo mid iska qoondaysto
Oo qaydka wiil yari dhufsado lagu qasaarowye

Qodob kalena waa duniyadii qab aan ka faaleeyey

Qoonkii Wadaadkaba beryaa Eebe qoonsadaye
Afarta qablood iyo mar bay dunida qaateene
Kuman qoora goo iyo lug bay col u qarqaareene
Rag towxiidka qiraaya bay ka qarjaf-siiyeene
Qorax saacad joogtiyo barqaa qaamadkood galaye
Cirkaa lagaga soo qayey rasaas gaal ku soo qubaye
Dabadeedna qoys lagama arag toban qof mooyaane,
Majeerteen qaraabiyo tol iyo qaraqareyn waaye
Cali-Geri quwiyo xooliyo iyo waayey quruxdiiye
Qaashkii ku dhacay Aadan buu qaaxadii jaraye
Qabaalkii furee bay lahayd waa yar qawlalaye 

Qurrux iyo waxii Cali ka dhacay qabax dharaareede
Salaasiin qur-go'ay lagama simin qayd maraykanahe,
Qarka Ina- Baluun baa lafaha qalax la moodaaye
Waxa Ceel Cadaadi uga jaray qaalin dabadeede
Qab-qab dhaafey bay labo qabiil qaran ku weydaaye
Qaabiilba haabiil markuu qoonsaduu dilaye
Qooqii Suryare loo dilaa qoodha goys dhigaye
Qooqii Suryare loo dilaa qoodha goys dhigaye
Qalbi malahid sheydaan hadduu qaalib kaa yahaye
Waa qowrar low kaaga jabay hadalka qaarkiise
Qardoofo iyo nimaan qaadan bay qaci ka joogtaaye
Qayaad iyo colaad Bah-Hararsame mar isu qoonteene
Gabdhahiina nimankii qabaad kala qatawdeene
Waxaa qiraala inaad uumiyaha kala xorowdeene
Qabkaad Mudug la joogtaan rag waysku qaldamaysaane

Quruun buu awoowgiin lahaa qoon u raaciyahe
Qolqolkiina nimankii fadhiyey qoysna laga waaye
Qaan sheegad buu kaaga tegay qoonkii Reer Amar-e
Gumasoor shalaa laga qur-jaray qalanjahoodiiye
Qardhacna lagama siin kolay ku tahay qaalin moordiyahe
Waxa Wadal-Moggana kaaga qumay waa ku qoonsadaye
Qabkii Ina-Xaliimoo kalaad iga qodaysaane
Ninkii qayrkii loo xiirayoo qoystay baan ahaye
Haddaan qaranka Reer-Diini tagiyo qolo kale u meero
Qallax iyo haddaan Ari-cad dego qaali baan noqone
Xaajada qumaatiga ayaa la igu qaataaye
Mar haddii qalooc hadalku galo waa qaraarahaye
Kolka awrka maan soo qabsado quusashaan ahaye 

Dadkoose kula qasaariyo cidoo kula qaraamaada
Qaalmahatan geela ah iyo dharkoo qaadashiyo hooya
Qaydhiga qardhaasaha leh oo dabin la soo qaato
Diraacdiyo aroortii barnida lagu qaxweeynaayo
Feegaare malab jooga iyo herein lebenkeeda
Qunba subaga baabuur iyo qadow la heenseeyey
Waayeelka taladuu qatalay qodobka loo aaso
Qaatooyda dirireed hadday qaylo kore yeedho
Dhalinyaro qamaam waalan oo qalabka boobaysa
Waxaan adiga kugu quudin jiray qolo kalaan siine
Qalanjaha maroodiga ninkii waayo lagu qaybshay
Oo toban haruub oo qar jaran Eebe kaga quudshay
Tolankiyo qamuunyada ninkii labadaba u quuray
Oo qaar dambeedkiyo candhada feerka kaga qaaday
Qunba subaga baabuur iyo qadow la heenseeyey
Oo caanahuu qubay ilmadu qoysay baad noqone
Qabiltiyo nikaax naagahaa qaata meherkiiye
Qabaanimo ninkii iga damciyo ii qasaal marada
Qadertaa  Illaah iguma qaban qoodhay iyo xeradaye
Waaryaan aniga xaajo aan i qaban la igu soo qaadin!. 

Walleese niman qabaayiil ahaan qoonsi kala waayin
Wallee geel nin laga qaaday baan orod qashlayn waayin
Wallee qodaxi nimay saydhay baan qoombin laga waayin
Wallee nimuu Illaah quudiyaan cidi ka qaadaynin
Wallee nimuu Ilaahay qadshaan qolo wax siinaynin
Wallee naag qab weyn iyo rag baan qiro heshiinaynin
Wallee qoys basari leedahaan waana qurux yeelan
Wallee milicdu nimay qabatay baan dhididku qoyn waayin
Wallee nimaan quraan dhiganin baan qaalli noqon waayin
Wallee qaaxo nimay hayso baan soo qufaci waayin
Wallee reer qorfiyo hawd degaan oonku qaban waayin
Wallee naag qabow kaa heshaan qabasho kaa deynin
Wallee tuug la daba qayliyaan qoobka rogi waayin
Nin qasaare galay baan Wallee qoomamo ilaawin
Wallee nimaan is qabanoow wanaag igama sii qaadid

Waxaa tirirey Abwaan/Halyeey iyo Geesigii Ayax Dhowre Dagaal

 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com

Hit Counter