HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

 

MAXAAD KA TAQAAN MIDGAAN!

Talaamiintu (Aji) way iska hadaaqaan iyagoo wixii ay dhibsadaanba si sahal ah ugu tilmaama Midgaan! Haddaba Abwaanku wuxuu tilmaamayaa meesha ay sartu ka qudhuntay iyo quraafaadka ay Soomaalidu isugu sheekeyso. Wuxuuna barayaa abaalka uu Midgaanku ku leeyahay Soomaalida.

Wuxuuna yidhi Abwaanku:

Aniga oo malkada wayn hurda oon cid u muraad yeelan.
Xalayba mirtii dhexe madfaca miimku ii yimid.
Maqaal qorana wa la ii akhriyay moosin iyo layn.
Mayal wacan anigoo meerisyada maxabo eegaaya
Madarkii nin liitaan maqliyo muusanow doqon. 

Macnana beeshay maansadu haddaan loo mihiin dayine.
Maroodaad liq tidhi maandhe waa kuu macaan yahaye.
Mariid iyo dhunkaal baad liqdeen maalin wayn duhure
Idinkoo margaday cuuc tidhi gole u maageerta.
Midguhuba dad weeyee maxaa magaca loo saaray.
 

Cawaanimada ka muuqataad marag furaysaa-e.
Adaa mariyay mayd bay cuneen laba mataanoode
Waxaan meher ku dhalan ayaa Islaam ceeb u maamula-e
Marse haddaad midkii qaar cunayey maydhaqa iyo uuska
Matagbaa nijaas maydhi kara marinka doodiina
Madhibaan ma qabo xaajada hadal maqaarsaare
Waxaa mudhiyay reeraha midkood mariya geeraarka 

Gamuunkoo mariid leh iyo safkii tumayay miinshaarta
Ninkii magadda cagaha u tolay lagama maarmaanka
Ninkii maagsan shiishkiyo ku baray maylinka afaysan
Maskaxyahan hadduu ceeb noqdoo cay la nagu miisay
Haddii macallin loo rogay Midgaan aan macnaba yeelan
Mas’uul xumada nimankaas gabyow mahadho yeelkeede
Ina mariya meeshaad rabtaan lagu miskiinow-e 

Meegaar aduunyada kolkuu Eebe midabeeyay
Madaxbuu ragaas uga dhigay midigta saareen
Maadeys ninkii yidhi runtuu idin mihiimsiiyay
Idinkaa maqnaadaye khalqigu waa matalayaaye

 Ma raagine waa kicinayaa murugadeedii-e
Ameerikaba shalaa la helay loona mari waaye
Ingiriisku maal wuxuu lahaa qariye maamkii-e
Faransiisku Miiraj wuxuu kiciyay iyo miinooyin
Dad midoobay Ruush baan ciyaar cidi u maagayne
Madfaca kii sameeyay iyo ninkii kabaha miisaamay
Labaduba maqaambay tageen loo mashxaradaaye
Ee magansada baryada gaalku waa meheradiiniiye
Ina mariya malash baad tihiin laga macaashaaye 

Midka adhiga mamuli yaqaan moorada iyo geela
Ama saca maqarka u sidee baadiyaha meera
Maqalraacu Soomaali waa mudaneheediiye
Ina mariya waxay soo taraan mahadin doontee. 

Waxaa Tiriyey Abwaan Garnayl Kude Uurgub
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com