HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

 

Gacal Takoor

Waxaa Maansadan tiriyey Abwaanka da’da yar ee Ahmed Asad. Axmed Asad wuxuu qayb libaax ka qaatay jilida Riwaayadii lagu soo bandhigay Shirkii ka dhacay Magaalada Minneapolis 26 Maarso 2005 ee lagu xusayey Maalinta la dagaalanka Midab kala sooca iyo Takoorka. Waxaa Riwaayadaa si cad oo qayaxan loogu soo bandhigay sheeko xarriirta iyo quraafaadka ay Soomaalidu soo daliishato marka ay takooreyso Tumaalka, Midgaanka, Yibirka, Jareerka, Reer Xamarka iyo dhamaan dadka laga tiro badan yahay. Markii ay Riwaayadii dhamaatay ayaa Axmed asad wuxuu si aad u wanaagsan oo ay dadweynihii jecleysteen ugu luuqeeyey Gabayga hoose iyadoo ay weliba dadku la hoorinayeen!

Wuxuuna Abwaanku ku bilaabay sidan:  

Gobanimadu Soomaliyeey garasho weeyaane
Waxaan gocanayaa oo hurdada gama’ ii diiday
Ama goon socodka iga dhigay gaabis la imooday
Guul-guulka iyo waxaan arkaa gacal takoor baase
Gaajada waxay noogu wacan ways gumeysiga-e
Geerida horteed toobad keen, gaabis baad tahaye! 

Gar Illaahay waa loo Islaam godobi waa ceebe
Kuwaad gaabinaysiyo kuwaad gawrac marinayso
Gun kuwaad ku sheegtiyo kuwaad gudub u riixayso
Gabooyaada walaalkaa aheed ganaf ku taagayso
Gabayooxa waxay noogu wacan godobta weeyaane
Geerida horteed toobad keen, gaabis baad tahaye! 

Gidigood Jareerta iyo Boon waad garbinaysaane
Gayaan maaha baad odhan markay gole fariistaane
Garta uma naqdaan odayadii guurtida ahaaye
Guhaada iyo ereyada guracan waad ku ganaysaane
Gurya-beelka waxay noogu wacan waa gar eexada-e
Geerida horteed toobad keen, gaabis baad tahaye! 

Gumeysiga Illaah baa xarimay gabi ahaantiise
Gacalkaad takoorteena waa laysku gubayaaye
Godka naarta baa lagu galaa Guule caasiga-e
Gidigiinba Soomaaliyeey garasha dheer yeesha
Gal-dalooladiinana astura goor iyo ayaanba
Guuleytayaaloow samaha gaagax ka ilaasha
Oo gumeysi dhaqan yaanu noqon wayna gubayaaye! 

Haddaan gebi-dhac jirin uumiyuhu nagama gawdheene
Inagoo garwaaqsi leh ayuu goolku dhalan laaye
Gudcurkaan ka bixilayn sidii geel inoo dhalaye
Gacmaha is qabsada oo wanaag geliya maankiina
Oo gumeysi dhaqan yaanu noqon wayna gubayaaye!
 

Is-gumeysi dhaqan yaanu noqon wayna gubayaaye!
Is-gumeysi dhaqan yaanu noqon wayna gubayaaye!
Is-gumeysi dhaqan yaanu noqon wayna gubayaaye!

 Waxaa tiriyey Abwaan Axmed Asad ahmedy98@yahoo.com

Waxaa soo gudbiyey C/Rahman Eelaay eediran@yahoo.com

 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com