HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

 

GACALKII I GOOYOW!

Abwaan C/Weli Shiine wuxuu gabaygan hoose ku tusaaleynayaa Godobta soo jireenka ah ee ay Talaamiintu(Aji) ku hayaan dadka walaalahood ah ee ay quudhsadaan. Wuxuu gabayga ku bidhaaminayaa sida Eebe hortii ay daku u siman yihiin ee aan loogu kala sareyn. Wuxuu ku guubaabinayaa Qowmiyaha la Takooro in ay iskaashadaan, midoobaan iskuna kalsoonaadaan. Wuxuu kaloo ku boorinayaa inay ogaadaan oo ku faanaan Beelaha ay yihiin oo aysan marna ogolaan inay noqdaan Reer la yaal ama Reer ka tirsane haddana kuma jire(Abaan)

Wuxuu yidhi Abwaanku:

Indhawayd gaddii gabay lahaa waanigaan geline
Waataan ka gaabsaday ilaa dhawr gu’ oo hore-e
Caawana wuxuun baan gocdee galow masiiyeene
Mar haddaan giraantiisa rogo waan gadiyeyaaye
U goleeya guurtaay naxwaan soo gudbinayaaye
Hayeeshee Gabooyow qabiil gaara baa tahaye
Gafka aan tirsanaynaa ka wayn badaha guudkoode


Maantana gashiga layga galay waa gun iyo baare
Gumaysiga nahaystiyo waqtiga guudka naga saaran
Iyo gees garaaca aan ku jiro aniga way gaare
Geed laygu xidhay baa laygu gees maraye
Godobtayda niman bayska jecel Gu’ iyo Jiilaale
Gardariyo isyeel yeelna way nagu gumaadaane
Godkii Aakhiray nagu wadaan inay nageeyaane


Afartaa gaddii maansadiyo gola ka haasow dheh
Geeraaro waan marin jiree gabayo waayeel dheh
Gantaalooyin baan ridi jiree maw guntaday maanta
U goleeya maantana tix baan soo gudbinayaaye
Ilaa garashadii Aadan iyo gacaladii Xaawo
Gawsaha danbay igu hayaan iguna guuxaane

Ganba gambariyo mogwane igama dayn tan iyo goorta-e
Coloowaa ka gees iyo gibilba gees aaday
Ee kala gadoomee u degay nin iyo gaarkiisa
Ee iniba gabi raacsan tahay halista loo geystay
Ee lagu gomoday xumaan gaar isaga taagan
Gacalkii igooyow Illaah waw gudboonahaye


Mar uun Eebeheen wayga rogi gibisha lay saaray
Waligay guhaad baan ku jiray laygu gaardiyaye
Gudiyada caalamkiyo dawladuhu ima gar-gaaraane
Gallad Eeba mooyee cid kale garab imay siine
Maantana murtida inaan gudbaa way iigudboon tahaye  
Gacalkii igooyow Illaah waw gudboonahaye


Ma ruun Eebe wayga rogi gibisha lay saaray
Gaaliyo islaam nabadu waw gogol nasteexaade
Waxaase Geeska Soomaaliyeed aniga iigaara
Oo odayadaydii gabiyay gabagabyn jaane
Garowshana ma helo  oo xumay igula goohaane
Gacalkii igooyow Illaah waw gud boonahaye

Waxaa tiriyey: C/Weli  A/llahi Aadan (Shiine) abdi_duse@yahoo.fr

 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com