HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

   

waxaan halkaan idiinka soo tabinayaa gabaygii axya eelabaxay quudhsi diid waagabaygii uu ayax
markuu u adkaysan waayay waxyaali hii ayku dhaq maysay beeshii uuladaganaa ee ahaa
quudhsiga iyo kibirka iyo dhaca joogtada ah ee uu  uga guuray ugu dan bays tiina ayaxoo ahaa abaan duule aad loo wada yaqaan waaku calaa caleen katagi diisii walaalayaal waa qaybtii koowaad


Indhowaydba waataanan qirin qaaradii gabaye,

waa ka qatanaa meesha iyo qubadkii dayreede.

Qamaam iyo sidii gooni baan ugu qurxeeyaaye,

sida Qawdhan iyo weerar baan uga qiseeyaaye.

Marka adinka qaarkiin gam'aa laygu soo qubaye ,

qaraabooy i maqal caawa waan soo qadimayaaye

Qobi waa qormada reer -xasan ah qawlaan maqashiiyey;

qodob kalena waa duniyadii qabaan ka faaleeyey,

Qiso kalena waa aniga iyo qun-iska sheegayga.

Qubi waa qormada reer hasana qawlaan maqashiiyey,

Nimanyohow qumaati iyo qalooc kala qiyaas roone,

waxba lama qarshee hadal rag waa la isu qeexaaye.

Waa qaydar low kaaga jabay hadalka qaarkiise,

qardoofo iyo nimaan qaadan bay qaci ka joogtaaye,

Qalbi malahid sheydaan hadduu qaalib kaa yahaye,

dadse heedhe way qoonsan jiray tan iyo qaabiile,

Qawaaniinku waa inuu nin rag ahi kula quwoodaaye,

qooraha waxaa looga simay waysku wada qayre,

Qabiltiyo nikaax naagahaa qaata meherkiiye

Qabaanimo ninkii iga damciyo ii qasaal marada

Qadertaa ILaah iguma qaban qoodhay iyo xeradaye

Waaryaan aniga xaajo aan i qaban la igu soo qaadin.

Waxse qoonsimaadkeen ka dhacay qaadistii sace,

qarankeen waxuu jabay markii qaali lays badaye,

Naftaa laga qatalay ruux yamiin qoorta loo suraye!,

haddaan geela qaawiyo idiin la iga qaadaynin,

Amaan Yuusuf dhuux i qasbi karin ina qisaasaynin,

aan xaashi qool igu ridayn qaadirow mahade,

Qolo yari ninkii iga damcaa wow quluub xumo e!

qaalmo iyo geel aanad qabin adigu ii qaabil,

Dabadeedna ii kala qorshee waa qiso adduune,

hadaanse talo rag wada qaybsanoo mid iska qoondaysto,

Oo qaydka wiil yari dhufsado lagu qasaarowye,

waa kaa qamuunyada debnaha qooni kaga taale,

Maxuu qumiyey maxamuud haduu qoomamays yahaye!.

Quruun buu awoowgiin lahaa qoon u raaciyahe,

Qolqolkiina nimankii ku jiray qoysna laga waaye,

Qaan ku sheegashuu kaaga tegay qoonkii reer Amare!

Waxa wadalmoggana kaaga qumay waa ku qoonsadaye,

Qayaad iyo Bah-hararsame horaad mar isu qoonteene,

Gabdhahiina nimankii qabaad kala qatawdeene,

qabkaad mudug la joogtaan rag waysku qaldamaysaane,


Qodob kalena waa duniyadii qabaan ka faaleeyey,

Majeerteen qaraabiyo tol iyo qiimi kala waaye',

Cali-gerina xooliyo qab iyo waaye quruxdiiye,

qaashkii ku dhacay Aadan buu qaaxadii jaraye,

Qabaalkii furee bay lahayd waa yar qawraraye,

Gumasoor shalaa laga qur-jaray qalanjahoodiiye,

Qardhacna lagama siin kolay ku tahay qaalin moordiyahe,

qooqii suryare loo dilaa qooragoys dhigaye,

Qurux iyo waxii cali ka dhacay qabax dharaareede,

salaatiin qur-go'ay lagama simin qayd maraykanahe,

Qarka ina- baluun baa lafaha qarax la moodaaye,

qoonkii wadaadkaba beyaa Eebe qooqsadaye,

Afartaa qiblood iyo mar bay dunida qaateene,

kuam qooraggoo iyo lug bay col u qalqaaleene,

Rag towxiidka qirayaaymagliga ku qarjaf-siiyeene,

qorax saacad joogtiyo barqaa qoomadkood galaye,

Cirkaa lagaga soo qamey rasaas gaal ku soo qubaye,

dabadeedna qoys lagama arag toban qof mooyaane,


Qiso kalena waa aniga iyo qun-iska- sheegayga,

fardo kala quluub bay nin rag ah qar uga tuuraane,

qoomaali orodkay sidii qumanyo roortaaye,

quluubtii dad oo kala go'daa waysu quruntaaye,

Labadii la kala qaadayaa qurux ma yeeshaane,

Qabkii Ina-Xaliimoo kalaa layga qodayaaye,

Ninkii qayrkii loo xiiray oo qoystay baan ahaye,

Qalax iyo haddaan Ari-cad dego la ima qoomeene,

Hadaan qolada Reer-Diini tago qaali baan noqone,

xaajada qumaatiga ayaa la igu qaataaye,

Mar haddii qalooc hadalku galo waa qaraarahaye,

kolka awrka maan soo qabsado quusashaan ahaye,

Degmo kul qajaariyo cidoo kula qaraamaada,

xeeryahaa qusaarta leh barnida lagu qadeynaayo,

Waayeelka taladuu qasharay geedka lagu qaybsho,

qaatooyda dirireed haday qaylo soo dhigato,

Dhalinyaro qammaan waalan oo qalabka boobaaya,

Arigoo quruuraxa dharkoo qaadashiyo hooya ,

Waxaan adiga kugu quudin jiray qolo kalaan siine.

Qalanjaha maroodiga ninkii waayo lagu qaybshay,

Oo toban haruub oo qar jaran Eebe kaga quudshay

tolankiyo qamuunyada ninkii labadaba u quuray,

Oo qaar dambeedkiyo candhada feerka kaga qaaday,

oo caanahuu qubay ilmadu qoysay baad noqone!


Walleese niman qabaayiilahaan qoonsi kala waayin

Wallee geel nin laga qaaday baan orod qashlayn waayin

Wallee qodaxi nimay saydhay baan qoombin laga waayin

Wallee nimuu Ilaah quudiyaan cidi ka qaadaynin

Wallee nimuu Ilaahay qadshaan qolo wax siinaynin

Wallee naag qab weyn iyo rag baan qiro heshiinaynin

Wallee qoys basari leedahaan waana qurux yeelan

Wallee milicdu nimay qabatay baan dhididku qoyn waayin

Wallee nimaan quraan dhiganin baan qaalli noqon waayin

wallee reer qorfiyo hawd degaan oon ku qaban waayin

Wallee naag qabow kaa heshaan qabasho kaa deynin

Walee tuug la daba qayliyaan qoobka rogi waayin

Wallee nimaan is qabanoow wanaag igama sii qaadid



Qadertaa ILaah iguma qaban qoodhay iyo xeradaye

Waaryaan aniga xaajo aan i qaban la igu soo qaadin.

 
 
abdiduse@gmail.com 




Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com

Hit Counter