HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

   

waagabaygii ayax oon idiin soodiray isagoodhan  anagu gabaygaanu soodiraynaa idina waa hordhaca kashaqaysa saaxiibayaal waxan lahadlayaa bahda farsamada

Cigaalow dirkeediyo ergadu waa wax iidarane

Dabuubtaad ileedaa qal biga laydamqinayaaye

Dacwadayda maqal hadalyarbaan kaadajinayaaye

Jirkey  duubmay diiftiyo cirada deebta ka cadaatay

Wax digniin dabaad iigufilan oo  da'baan ahye

Ninkiidilaya inu dayni bay doqoni moodaaye

Deerada ugaadhaba hadii xadhiga loo daadsho

Waxay dalaq tidhaah daba haday dayrka kala khoofto

Sideeloodagiijaa haday dabin taqaanowdo

Aniguna dulmiga wawarkaa daayadii shamise

Maantoon duqoobiyo anoo duluq ah oodhoorle

Waxaan dagalka kula joogi jiray dalan dalkaykiiye

Cigaalow dadkii wada ogaa saad ka damacdeene

Waa kaa gudboon yahay nafluhu Dir iyo Daaroode

Nin ladubay hadalkiisu waaduugmo aan hadhine

Waadawgii uuyuusuf cali iiga soodigaye

Dirham niman aan kuu quurahayn dahab haddaad siiso

Deriskooda nacay Reerihii damaca waalnaaye

Duufaani haday idin gashoo ladin daba duugo

Dumarkiyo caruuraba hadaan ruxna laga daynin

Dubku iima naxo nimaan kalgacal iiga sooduxine

Dabku yusuf shiday faarax baan daaya odhanayne

Maxamuudna gaas iyo kudaar dogobo waawayne

Ana diiday waligay inaan dawga soomaroe

Caawana waxaad iigu dudi waan ku diir garane

Waxdhan baandagaal iyo afxumo dirir utaag naaye

Waxdhan baan waxaan iidan hayn aan daf soo idhiye

Iska diida reer hagar hadaad cid udiraysaane

War oodii dulwayn baa dhurwaa dawka xoogsadaye

Buraaleba halkaad iga dirtu kaaga soodagaye

Dabaylahakan caylkaa waxaan loogu dacasoobin

Wartantaada raac goortaan damcaan qoloku dufaaye

Waxba gabaygu yu ila durkine dulucdu waameele

Dabac iyo wanaag baan ka helay daris mareexaane

Reer diini oo idili waa iidabaal dagaye

Dig intaan idhaah daan hurdada daayinku ahaane

Darintiyo barkimada isii laydakana reebye


waxaa tiriyay xirsi samatar geedi waxaa kakeenay gabayga xirsi sida lasheegay
xirsi oo ahaa halgamaa aad looyaqaan oodiidi jiray xaqiraada iyo quudhsiga 
oy arintaas rag badan isku maan dhaafee ayaa waxaala yidhi waxaa ladooranayaa 

baarlamaankii lixdankii markaasaalayidhi waar beesha gabooye waa inaynu lashirnaa
 oo cod bixinta waa inayka qaybgalaan xirsi waxaa uyimid maalintii labalamay 
odayaal beeshiisa ah oo is uruur sanaayay si ay ulakulmaan gudiga ololaha

waxaalayidhi  xirsow naraac ninlayaqaan baad  tahaye xirsi wuxuuku jawaabay
hadaydaan hadalka iidaynayn idin raaci maayo waa laga ogolaaday 
markii meeshiila tagay intii hadashayba waxay ku halqabsatay xirsi

nin waliba wuxuuyidhi xirsi waareerkayagii aanu waligaywada dagaynay
xirsi wuuhadla oowuxuu yidhi waryaa sowninreer hebelamatihid ooka ah reer hebel 
wuxuu gaadh siiya ilaa awogii sadex nin buu u abtiriyay  markaa wuxuu waydiiyay

ninyaqaan isaga siduu uyaqaan waxaalayidhi walaahi xirsi uun baanu kuunaqaanaaye 
iyo inaad reerkaatahay  markaasuu bilaabay geeraarkan soosocda waana lagukalatagay 
meeshiii


ninkiikuu anafooda 


aduunkaaga dhacaaya 
illaahii na abuuriyo
udgoonow nabigii
haduu eega helaayo  
albaabkaaga gudbaaya 
waxla eegtamiyaa
 
somalaay idilkaa 
idinkay adyadeeyay 
hadii aan ashkatoodana
xafiiskiina yar aadana

inkalayga horaysoo
indhahayga ridaysa 
amaankii rabi sheegay 
hadaan eega helaayo 
iminkaan idiyeeli
hadii aad ururteenoo 
arikiinu ahaaday 
sideebaad ajashooda
aayaruun ujartaan 
ilah bayna abuuray
waysku keen arkayaaye
ana waanku aqaanoo
ka ayaan ka ayaanbaan
asxaanfalkiina ahaayoo 
abaalkaaheli waayay
 
 
abdiduse@gmail.com 




Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com

Hit Counter