HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

  

Digniin!

 

Abwaan Cabaas Dheere


1) Dacwadeyda u horeyso,
dood waxaan ka qabaa,
iyadoo dadka aan ka dhashay
diyaaradaha duula iyo
dabaabaad aysan laheyno,
hubka darandooriga u dhaca, iyo
dabalaabka wax gumaada, aan damacooda gelin.
Dakane aygoon galin, oon
derisna dhibin, baa
dadka loogu darnaaday
oo dulmi lagu sameeyey,
Dagane Digil iyo Mirifle
dulmi iguma sameynin.
Dowlad u dood rer Direedkana
deegaan nagama dhaxeeyo.
Dagisbadane Daarood Ismaaciil
dowladii ay lahayd, oo
Digtaatoorka u talinaayey,
dulmigey nagu bilaabeen baa
haatan nalagu digtaayow,
dareenkeena aadaminimo
ku abuuray daciifnimo
iyo dad aan wax qabsankarinoo
noo diiday dowladiisa inaan
dubitaati ku yeesho,
2) Dirir u joog dadka Hawiyaa
dalka ayaan aga soo cararoo,
dawarsiga shisheey
dambigeeda lahaaday.
Dalka intaan ku laheen
wabiyada dacaladooda
ee deegaanka noo aheyd,
maanta nooga heysta dirqi
iyo dabalaaab caaradiisa iyo
dabaabaad uu na dul keenay,
diidayna dowalad iyo kala dambeyn,
daarihii Muqdisahana
u diyaarshay maxkamad
daacad aan aheyn, ee 
dambiyada ku oogta danyarta,
dibada uga saarta daarahoodii,
Diintana ka yeeshaan
sidey iyaga doonaan,
3) Waxaa iigu daran taas;
Diinteena Islaamka oo dibada noolaga saaro
u dulqaadanmeyno taas,
iyagoo damacooda yahay duudsiga
deegaanadeena.
4) Daliil cad waxaan u haystaa
Dugsiyada Dhexe Muqdisho
daruusta laga dhigo
dadka Jareerweyne inaysan
dalka wax ku laheyn, ay
dulsaar ku yihiin
da'da soo koreyso ee jileecda ah
dersi loogu baxshaa,
dadkuba ay arkaan,
5) Dulmiyada isdawa jooga iyo
danman aan ku sabraayey
waxa iigu darnaatay
daawacaada buugan
dadkii ka danbeeyey
danaha ay wataan iyo
damacooda dheeraa!
Dulmi inta samaysa iyo
iyo inta lagu digtaba
diiwaanada dunidaa lagu qore
oo aan Dayniile aheyne,
dib waxaan ugu laabtay
Daanyeeradii ka danbeyey
diinta iney naga saaraan
u dulqaadameyne taasi
oo digniin weyee ogaada!

WAXAA SOO QORAY. L/H. ANKARA . TURKİ
CABAAS MAXAMED CABDİ MOBİLE. 0095555529261
(CABAAS DHERE) ABBASDHERE@HOTMAİL.COM

 

 

 

 
 
 




Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com

Hit Counter