HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

  

Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza].
 
Gabay: Bil Ramadaan.
8/10/2005 [M].
5/9/1926   [H].
 
Inkastoon bariyo sheekh aheyn, boorte laga yaabay.
Hayeeshee burhaan baa jirtiyo, Eebbe bixintiiye.
Gabyaa baarisaan ahay haddaan, lay bakhshiisheyne.
Ha barteen ninkaan ahay bulshadu, hana bacleeleene.
 
Bulshooy soon barbaartaay tukada, waa bil Ramadaane.
Baryadiyo Quraankana badshaay, baababkaa furane.
Baaddilkiyo xummaha beylahaay, baliyo waa jaane.
Masaajiidda buuxshaay dadyahow, baratan weeyaane.
 
Bishan waa bishuu Eebbe qiray, barakadeediiye.
Waa bisheey Baqriyo soo dageen, Bariyo Yaasiine.
Habeen baaxad weyn baa jiree, badiya soo jeedka.
Boqolaal bilood iyo uluuf, bari wax sii dheere.
 
Birlab weeye diinteennu bilic, bad iyo miisaane.
Ballantaan Ilaah kula galniyo, badiya Qowlkiisa.
Anaa badan anaa beel u wacan, biyo Shariifeed'a.
Haku jabin baliidnimo adduun, birimo sheydaane.
 
Bulshooy soon barbaartaay tukada, waa bil Ramadaane.
Beytullaahigaa weyn tagoo, boorka ka afuufa.
Taraawiixda beegsado camira, baraha liibaanta.
Xanta buusa beentiyo laqwigoo, fura burhaantiinna.
 
Bismillaahi baan leennihiyo, Eebboow nagu beege.
Barya oo Ilaah caabudoo, baraka weydiista.
U bislaada diinteennan bilan, een barxamin jeerne.
Balwaddana illaawoo ka taga, baal isaga tuura.
 
Bilaash laguma hela kheyr ninkii, baafinahayoowe.
Waa inaad Bukhaariga cabtood, diinta barataaye.
Waa inaad kun baal iyo kun beyd, beerka galisaaye.
Waa inaad buxuur iyo ku tahay, baraha diiwaane.
 
Bilaash diintu nooguma imaan, bagiyo dheeldheele.
Balaayiin shihiid baa jiroo, loo bud-dhigay jeere.
Beerkii rag baa loo cunoo, bari u moodeene.
Badar iyo wixii Uxud ka dhacay, barate shaalleeye.
 
Barqo kulul markii lays helee, balawgu yoohaamay.
Bir cartami yagoor baalan iyo, waramo boobaa'a.
Gammaan booda seef baaxad weyn, laysku beerqaadye.
Boorrintii Rasuulkaba markii, kuman la baandheeyay. [NNKH].
 
Kun bireysan kumanyaal baqdiyo, kuman la soo boobay.
Iyo qaar bartii lagu qabtoo, beerka laga laaday.
Birjeex iyo nin geesiya markuu, boqol nin shaandheeyay.
Ma baqeyn asxaabtuye, markey bari ku ruux-weyday.
 
Markuu baratankii weerarkaba, baraha maansheeyay.
Goortuu rag badan dhiig-bexee, biyo ku eedaaday.
Beynaadku goortuu qoslee, laysku wada boobay.
Billaawaha markii lays daree, beyda lays gooyay.
 
Ka baal iyo ka baal iyo ka baal, boorku ka habaasye.
Naftii-hure bareeriyo shihiid, biri-ma-laabteen'a.
Goortuu kufriga baangad iyo, burar ku liishaamay.
Inta baal ku duushiyo markuu, Galow baroordiiqay.
 
Kuwi buurta joogeen markuu, faraxu baasheeyay.
Oo ay butaacaha jabsheen, qanimo baal-raaca.
Barti shuhaddadeey kaga tageen, baabah laga yeelye.
Baladaa khilaafkaa dhigiyo, ballanbaxoodiiye.
 
Birmadkii markuu soo mirkecee, baarka lays taabtay.
Bir haliili booddiyo fallaar, laysku beerdooxye.
Bayuur bey kufrigu laaqimeen, oo la baabi'ie.
Waa key bastood wada noqdeen, ee la baacsaday'e.
 
Hadba bari wixii lagu hardamo, gooba barakeysan.
Dagaal lagu baduuqmiyo, waxeey geeri badataaba.
Hadba guluf wuxuu soo boxoo, lababogleeyaaba.
Faltankii Wallaan lagaga badin, binu-xammaastiie.
 
Intaa kuu bayaanshaye ku baro, budulka taariikhda.
Baroosimaha suugaantu waa, been la dirirkeede.
Barrin weeye gabaygoo war waa, biyo xariireede.
Ma bisleeyay maansada xaqaa, lagu bacriinshaae.
 
Gaaladoo balaayiin ohoo, joogta baladkoo dhan.
Bagaan iyo nimaan diin laheyn, uu arligu booxo.
Ayeey geesiyaal soo bexeen, beylahtirayaale.
Addin yaa Bilaal baa la yidhi, barigi kheyraade. [AKR].
 
Bilaash diintu nooguma imaan, bagiyo dheeldheele.
Bir afkeed ayaa lagu alkumay, bilic wanaageeye.
Kun baa boqonta loo heeray, iyo geesiyaal badane.
Sumayaa bareer loogu dilay, baratankeediie.   [AKR].
 
Sayid Cali markuu soo bexee, loogu bogay diinta. [AKR].
Wajigiisa baas lama tusoo, nuur ha buuxiyoe.
Soodhkiisi goortuu la baxay, looga kala beydhye.
Balaw buu fuley oo dhan yidhi, binu-ibliiskiie.
 
Birmadkiyo dhibkuba wuu badnaa, lays barruujaae.
Asxaabtuba marbey beegsadeen, balad Xabuushaade.
Boqranoow Rasuulkiyo Saddiiq, bohol ku dhuunteene. [AKR-L].
Rabbi baa badbaadshee kufrigu, biri ma seejeene.
 
Nabigii Ilaah uu boqree, boorrin jiray diinta. [NNKH].
Wadku baaqan maayee haddii, uu bud galay maanta.
Inaan baranna diintaa habboon, oon ka boganaaye.
Waa inaan bartuu maray waqeen, beegsannaa abide.
 
 
 




Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com

Hit Counter