HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

 

GABAY EED SHEEGAD

Soomaalidu waxay isugu sheekeysaa quraafaadka ay ka dhaxleen awoowa yaashood. Waxaa la yaableh sida maanta ay weli ugu dhegan yihiin caadada foosha xun oo u sheegeysa inuu Ajigu (Talaamiin) marna u ogolaan bulshadan uu hayb soocay xoolo, dhul, maal, tacliin, sharaf, nolo iyo waxkastoo oo uu isleeyahay way kuugula soo simi karaan. Abwaanku wuxuu ka qisoonayaa siyaabaha kala duwan ee kor ku xusan ee lagu bahdilo Midgaanka. Wuxuu kaloo tilmaamayaa beer laxawsiga Ajiga marka ay xaajadu adkaato: Sownagii isku jilib ahayn? Waar nin reerka ah baad tahaye wax nala qabo! Laakiin markii dantii la lahaa laga gaaro xaajadu waa: Waar yaad is mooday Midgaanyahow! Ma iska hadalkii baad run mooday! Is hubso Xaaji!

Wuxuu yidhi Abwaanku:

Abwaan weeye wanaagsan aynigii u sareeya
Urursha ah oo layaqaano Illaahay xigmad siiyay
Aragtidiisa tilmaamay eraygiisana dhiibtay
Illaah baan baryaa inusiiyo abaalgud
Intaasi wa arartiiye anbaqaadka warkayga aan ujeedo udhaafo
Soomaalay idilkaa aag kastood naga joogto
Inantaa iyo wiilba adyad baan ku qabnaa 

Ehelkayga dhamaan inta aan ku arooro
Illaahay iga beeray aafooyin aad u dhib wayn
Ibtilooyin xanuun leh intoodii ku samaysay
Ayaa aad ugu baahay eelkan yaala dhaxdeena
Idinba aad aragtaanee abadee abka reebay
Hadii aan wada aasno abaal baan ku qabaa 

Anficii dhulka hooyo Illaahay kugu siiyo
Eed amaan ku helayso aayihiisu wacnaaday
Ufo meel ka hilaacday adigoo aan ag joogin
Oonka kaama baabiiso
Afartaa isugeeyay idhi oo iska dhaafay
Waxa uurka gubaaya intaydiina irdheeyay
Inyar aan ka idhaahdo

Arligeena dhamaan intiinoo matalaysay
Askarigeena amaanka ka albaabka ilaasha
Intii kalee ka saraysay idinkaa isku koobay
Intii aad iska diiday naftaadii ku adkaatay
Ana aan ku samraayay ubadkii ku sabaayay
Ajnabaad egmateenoo arla dheer laga keenay
Ayaa iridii iga buuxshay 

Islaantaydi udgoonee oridii dhaliwayda
Ee sadkeedi adkaaday dhir ay aad u taqaano
Adhaxdaa marinaysay Illaahay u sahlaayay
Idaacadahaa ka hadlaaya iyaduun lagu haysto
Idinkaa u sameeyay 

Inantaydii sabool ee
Iftiinkiisa aroorta irsaaq doonka ahayd
Ololaa lagu qaaday adin meel dhigi wayday
Ardaygaygii iskuulka aayar soo dhigan waa
Aflagaado darteed idinkaa ka eryaaya 

Oontii Eeba na siiyay inyar laygama siinin
Agtiinaan ku dhamaaday
Aqalkaan ka kiraysto adduun buuran mahaysto
Amaahdii igu diid albaabkii iga ooday

Ardaa meelan ka taago oryihii ku xaraysto

Ordayoo heli waayay 

Idinkaa iiga horeeyay awowgaa baa yar il duufay
Ehel baynu ahayn inagaa isku ooda
Aaminoo dhulka hooyo shisheeyaa ka ilaasho
Meel kaleeto ha aadin afkaa yaad waxba saarin
Adduunyada ha u qayshan cidi yay ku ogaanin
Amakaag iyo yaab iyo erkeg baanu ka qaadnay 

Haddii aan Alla weyne allaylkii intaan tooso
Arjigayga u dhiibto inkaara ay ku dhacaana  Ana way i asiibi
Haddaan kii usha qaata iyagii u daraayay
Ayaama aan u shaqeeyana kaga eed bixi waayay 

Wax danboo aan ku eegto safarkayga ku oosho
Meesha iimaba yaalee eraymaal idilkii
Kan ka aaminayoow heedhe Yuusuf Abwaan
Afkeenu waysu amaane
Maahmaahbaa odhanaysay wadaad oomane jooga
Injirtii lama taabto arinkay u ekaaye 

Gobanimo aad u macaan uumiyuu ku qaboobay
Guryaa aad u sareeyiyo baabuur aad u qurxoon
Diyaaraad laga iibshay indhahayga ma saarin
Ayaan aan idin raacee ma isoo tusaysaan 

Waxaa tiriyey Abwaan C/Raxmaan Duse abdi_duse@yahoo.fr
 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com