Soomaali baa caam ahaan saartay cududeede
Cuqubooyin baa laga galoo loo cadiig sadaye
Maantana cidlaa loo baxshoo ciriqii loo laabye
Carruur iyo ciroolaba dhamaan way cartamayaane
Cidla jiif intay wada yihiin caabuq baa jira-e
Irirkii kolkaan faaliyeen caawa kor u eegay
Kol hadday cadaaladi luntoo qolo ciyaarayso
Boqortooyo caynkeed haddii ciida lagu qaybshay
Cadkii ay lahaayeen hadduu reer kastaba cunay dhamaantiiba
Caynkaa intaad nagu tihiin cidhib xumaantiina
Inaad horumar caadiya heshaan waa cad soo go’aye
Allahayoow
Coloowaa sidaa loo cadibay maanta
Sida caam ahaan loo tashaday ee laysu celinaayo
Caraday lahaayeen sidaa looga celinaayo
Carruur iyo ciroolaba sidaa cunaha loo taabay
Cilmigaaga weeyaan waxaa caawa guud sudhane
Qof cadaab mutaystaad janada caadi gelisaa-e
Ciqaabtani Allow naga dul qaad caadil baa tahaye
Waxaa tiriyey Abwaan CigeYusuf Ibraahim
abdi_duse@yahoo.fr