GABAY Ayax Teg Eelna Reeb
Gabaygan oo ay taariikhdiisa iyo sababtii loo tireyba ay
la socoto gabaygii hore ee Guudhsi Diid ayaa waxaa isna tiriyey
Halyey Ayax Mohamed Dhowre dagaal. Ayax markii uu guuray ee uu Ceel
Mareexaan aaday ayaa waxaa loosoo diray nin ay aad saaxiibo u ahaayeen
oo la oran jirey Cigaal Caymo. Waxaa la soo weriyey in markii lagu
xadgudbayey Ayax uusan Cigaal joogin degaankaas oo uu ka maqnaa. Cigaal
oo aad uga xun guuritaanka saaxiibkiis Ayax ayaa wuxuu u baqoolay
Goboladaas Galgaduud iyo carro Mareexaan si uu ula soo hadlo Ayax una
soo celiyo. Ayax tolnimada iyo la degida Beesha Reer Khalaf ka sokow
wuxuu ahaa nin Dagaal yahan ah, Deeqsi ah oo aftahan ah. Wuxuu Ayax ahaa
ninka keliya ee haddii Beeshaa Reer Khalaf gabay loosoo mariyo ka
jawaaba oo gabayo jawaab celin ah oo uu ku difaacayo Beeshaas tiriya.
Wuxuu ahaa nin kaalin lama ilaawaan ah kaga jirey Beeshaas iyo
Deegaankeeda. Waxaa jirtay in niman ka mid ah Beesha Reer Hagar ee
Dhulbahante ay gabay usoo tirisay Beesha Reer Khalf oo markaa wax ka
jawaaba la waayey. Sidaa daraadeed waxaa laga fursan waayey in Ayax
Dhowre lasoo sasabo si loosoo celiyo iyo weliba in gefkii laga galay
laga xaalsiiyo oo ay Beeshu ceebtii ay gashay iska maydho.
Markii uu Cigaal Caymo la kulmay Ayax Dhowre ee uu u
sheegay ujeedadii uu u socday ayuu Ayax bareerihiisii cadaystay:”
Saaxiib Cigaal nin qaali ah oo aan qaderiyo ayaad tahay, laakiin waa
habeenkii xalay ahaa inaan dib danbe ugu noqdo meeshii laygu dulmiyey”.
Cabasho, mana sheegasho iyo catow badan ka dib Cigaal isagoo fara maran
ayuu tolkii ku soo noqday. Markii la weydiiyey Ayax Dhowre iyo waxay ku
soo wada xaajoodeen wuxuu hadalkii kusoo gabagabeeyey oraahda maahmaahda
noqotay ee ah: “ Ayax teg Eelna reeb”. Maahmaahdan oo Soomaali
badani u adeegsadaan Ayaxa Xasharaadka ah iyo dhibaatada uu ka tago
marka uu meel ku habsado ayaa waxaa loo adeegsaday Minguurinta lagu
sameeyo Suugaantii, Gabayadii iyo Maansooyinkii ay lahaayeen dadkan la
gumeystay ee la takooray. Waa quudhi waa ku jirta maskaxda Isla Weynta
in uu Yibir ama Midgaan wax macna leh tiraabi karo!
Haddaba diidmadii uu Ayax diiday inuu dib ugu noqdo
Beeshii uu ka soo qaxay ee Reer Hussein samatar ayaa wuxuu halkaa ka
tiriyey Gabay dheer oo uu bareerihiisa ku cadeynayo. Gabaygaas maanta
waxaa laga hayaa inyar oo aan sidaa u badnayn. Maadaama Maansooyinkan
iyo Suugaantan ay leeyihiin dad ay Soomaalidu u taqaano Dad u eke ayaan
wax xil ah oo badan layska saarin, haddii la doonana Abwaan kale ayaaba
la siiyaa magaciisa. Gabaygii uu ku diiday Cigaal raacidiisa iyo ku
noqoshada Beeshaas intii laga helayna waa kan.
Wuxuu yidhi Abwaan Ayax Dhowre:
Jirkey I duubmay diiftiyo cirada deebta ka cadaatay
Wax digniin ka badani waa da’daan ahye
Cigaalow dadkii wada ogaa saad ka damacdeene
Waa kaa gudboon yahay nafluhu Dir iyo Daaroode
Dirham niman aan kuu quurahayn dahab haddaad siiso
Deriskooda nacay Reerihii damaca waalnaaye
Aniguna dulmiga wow arkaa daahir iyo sharefe
Nin la duubay hadalkiisii waa duug aan hareyne
Waa dowgii uu Yusuf Cali iiga soo digaye
Debec iyo wanaag baan ka helay deris Mareexaane
Reer Diini oo idili waa ii dabaaldegaye
Dirham niman aan kuu quurahayn dahab haddaad siiso
Deriskooda nacay Reerihii damaca waalnaaye
Duufaani hadday idin gashoo laydin degel duugo
Dumarkiyo carruurtaha haddaan ruuxna laga deymin
Dubku uma naxo nimaan gacal iiga duxahayne
Ana diidey weligey inaan dow lasoo maro-e
Caawana waxaad iigu dudi waan duur garane
Wax dhan baan dagaal iyo afxumo dirir ku taagnaaye
Wax dhan baan waxaan ii dan hayn daf soo idhiye
Iska diidey Reer Hagar haddaad cid u direysaane
Dabeylahakan cellka ah waxaan loogu dacasoobin
War dantaa raaco goortaan damcaan qolo ku duufaaye
Waxaa
tiryey Abwaan Ayax Dhowre Dagaal