|
Abwaan Bacadle oo gabay dheer ka
tiriyay beelaha Nasabkooda la dulmiyay
(INA AKRAMAKUM CIN
DALLAAH ATQAAKUM MA INKIRTEEN.?)
Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle oo aad uga
barateen gabayada iyo shiribyada ka tarjumaya xaaladdaha taagan ee
uu dalka Soomaaliya marayo iyo weliba dhacdooyinka kale ee u baahan
in laga hadlo ayaa waxa uu gabay dheer ka tiriyay waxa loo yaqaano
Nasab dhimanka iyo dadka la liido oo uu ku sifeeyey Abwaanku in
aysan sal iyo raad toona ku laheyn Diinta Islaamka isla markaana ay
tahay caado laga soo minguuriyay Hindida, wuxuuna u dhacayaa sidatan:-
Ibliis wuxuu noo laqinay Alliyo Nebina ogoleyn
Aqligana aan geli kareyn asal iyo farac laheyn
Adduunkana laga aqoon sideebaad ku aqbasheen.?
Ma weydnaan islaam aheyn aqliga ku xisaabtamoo
Ibliis ha u hiilinina ALLENA yow idiin caroon
Walaalahaad aaminteen inay eed weyn galeen
Ummaddaney ka xunyihiin qof iyo camal kiisa iyo
(INA AKRAMA KUM CIN DALLAAH, ATQAAKUM WAXAAN AHEYN)
oo ay iiga duwanyihiin WALLAAHI inaan la arag
BILLAAHI inaaney jirin TALLAAHI inaanan ogeyn
Waa iftaro iyo been abuur dadkuna weyska aqbaleen
Umuurtaa jaahiligaa Indiyaa laga soo xigtaye
Shaqoba kuma laha islaam aqliga ku xisaabtamoo
ILLAAHIINANA ka baqa ibliis ha u hiilinina
Walaalo islaam ahoon innaba eed geysanoo
Iftaro iyo been abuur aan asal iyo farac laheyn
In badan geed ugu xiraa ayaan iloleynayaa
Inaan istaqlaal u helo INSHA ALLAH idan rabigey
Ummadda Soomaaliyeed oday iyo culumaa'udiin
Aqoonyahan iyo qoraa indheer garad iyo Abwaan
Abukaate iyo madax iyo ururada bulshada
Waa inay sidaa aaminaan abuunaa aadam iyo
Waxay umul xaawo tiri qofkii gabaygaa arkoo
Asmaca amase aqriyoo aan igu taageeronoow
Inkaarbaad mudantahaye dibaan ka asqeynayaa
If iyo aaqiro ka hoog AIDS iyo Kaankar qaad
Indhaha nuurkooda waa ilmiyo arad eber ka joog
Adduunka faqiir ahaaw aakhiro jahanamo ku waar
ILLAAHEY-baan baryaye INSHA ALLAH wuu aqbali
Ilmihii Nebig aadamoo wax aanaan kala aheyn
Isku aabiyo hooyo nahay abtiriskeenuna mid yahay
Oo aan nala kala aqoon asalkiyo faraca nagu
Isleeyahayoon ognahay abuurkayagaa islohoo
Wallaan nala kala aqoon odaybaan biyihi nahay
Abuunaa aadam iyo umul xaawaa ina dhalay
Idina weyla ogtihiin sideebaa loo inkiri
Aabaheenbaa qaadi jiroo beerkiisaa laga unkoo
Inbadan buu soo dhunkaday udgoonsadayoo uu jeclaa
Umul xaawaa dhashoo uurbaan wada jiifanoo
Ibnaasbaan wada nuugnayoo udgoonaa hooyo tiri
Beerkeedina aan aheyn indheheedey naga jecleyd
Dhabteeduna noo aheyd arkaa iyo aqal dugsoon
Ilmaheedaan wada aheyn anaga iyo iyaga
Wallaaney kala aqoon sidaan hadalkaa u iri
Aamina oo iga aqbala haddii iimaan jiroo
Aqligu uu saaxi yahay aabaheen iyo hooyadeen
Inagama astaahilaan owlaadiinaan fongoray
Ihaaneystoon dulmiyay anaa ka awood badnaa
Gumeeyoo ilama dhalan haddeey eraygaa maqlaan
Aabaheen iyo hooyadeen inkaarbey ridahayaan
ALLEY inagu ashtakeyn anugu waa yaabanahay
Umuurtaa jaahiligaa miyaad ookeey dhahdeen
Soomaaliyeey.?
INA AKRAMAKUM CIN DALLAAH ATQAAKUM-NA INKIRTEEN.?
Aabaheen iyo hooyadeen owlaadii ay dhaleen
Islaam ahoon Gaal aheyn ILLAAHOODANA waxiday
Rasuulkoodana adecay Towxiidkooduna ansaxay
Arkaanul islaamka iyo Iimaankooduna dhab yahay
Afar iyo toban fac waxaan walaalaheey ku eryayaa
Ma ogin weyska aqbalnaye ma aha aayado quraan
Axaadiis lagama helin Ibliis-baa noo laqinay
Ilmihii Nebig aadam iyo umul xaawaan nahoo
Aabiyo hooyaa ina dhalay walaalahaan ka ordayaa
Wax iin ahoo lagu fongoro oo aan qof iyo camalkii
aheyn
WALLAAHI inaan la arag anigu waa yaabanahay
Walaalahaan ka ordayaa ma waaney islaam aheyn.?
Ma abuurkoodaa bedelan ma ILLAAH kaley leeyihiin.?
Ma asnaam-bey caabudaan ma waan nebi aadam dhalin.?
Ma umul xaawaan anqarin ma faalbaa idinku diray
Kuhaanbaad ka aqbasheen oo waxaasaad aaminteen
Ma heysiin aayad iyo xadiis iga oodayoo
Aniga iyo iyaga aan nikaaxeenu ansaxeyn
INA AKRAMA KUM CIN DALLAAH ATQAAKUM MA INKIRTEEN.?
Walaalo islaam ahoon isku aabiyo hooyo nahay
Abuurkeenuna mid yahay indhuhu ay labo yihiin
Afkeenuna uu hal yahay wejiga aad kala aqoon
Ilkuhu ay simanyihiin anfigu uu labo dul yahay
Timuhuna anqaas madow foolkuna weysada aqbaloo
Wax tin ah aan lagu ogeyn gacmaha aan isaga egnahooy
Afar iyo suul wataan adimadayadaa is lohoo
Maqaarka yagaa isku eg oo aan cidi kala aqoon
Abuurka yagaa islohoo aabiyo hooyaa ina dhalay
Ibliis wuxuu noo laqinay miyaan ookeey dhahnaa
INA AKRAMA KUM CIN DALLAAH ATQAAKUM-NA INKIRNAA.?
Umuurtaa Jaahiligaa Alliyo Nebi ma ogolee
Waxani waa talo ibliis aqoonyahankeena iyo
Abwaankiyo culumadiyo indheer-garad keena iyo
Ilbaxa kuwa sheegta iyo asxaabul cuquulka yaga
Iyo urarada bulshada oday dhaqameedyadiyo
Intii iimaanku solay umuurtaa jaahiligaa
Sideebaad ku aqbasheen.? Misena uga aamusteen
Weliba taariikh ifkiya umadda u meeriseen
Iyana weyska aqbaleen aabahaa iyo hooyadaa
Owlaadoodii ha fongorin akhaa hilibkii ha cunin
Alliyo Nebina ha ka furan aba-weynkii na dhalay
Ilmohoodii gun ha ka dhigin aakhiro naartii ha ku
gelin
Axad uu Nebig aadan dhalay islaam ahoon Gaal aheyn
Abuurkeenii horiyo asalka yagii mid yahay
Umul xaawana dhashoo uur aan wada jiifanoo
Ib naas wada nuugyahoo udgoonaa hooyo tiri
Ihaanada lagu fongoray ma ogin weyska aqbalnaye
Asal iyo faracna ma leh aqliga ku xisaabtamoo
Illaahiinana ka baqoo owlaadii aada dhashoo
Illaaheey kugu arzuqay abraar ahoon caasi noqon
Wax iin ahoon lagu fongoro inaba aan lagu ogeyn
Qofkeebaa oran lahaa intani waa asharaaf
Abtiriskeygey wataan iqyaarnimaa lagu ogyahay
Oo waa owlaad nasaba kuwona waa uusmadow
Isim gunah bey wataan nikaaxuna kuma ansoxo
Adigaa dhalay yaan la oran ma aha owlaad nasaba
Qofkeebaa oran lahaa.? In hadal kani aafo yahay
Hadaad saa u ogtihiin ilmihii aba-weynku dhalay
Maxaa loo oranayaa ma ihid owlaad nasaba.?
Kanina waa ina suldaan kanina waa inan gumeed
Ibliis hadalkiis ahaa labo qofoo islaam ohoon
Nikaaxu isugu ansixin nasabkooda ajligii
Oo aan mawaaniicdii aheyn nikaax albaabi jiray
Indiya uunbaa taqaan (An tachble) iyo islaam
LLAAH waa kala suntaday
(INA AKRAMAKUM CINDALAAH ATQAAKUM-BUU AQBALAY)
dameer la uleynayaa aqligu wuxuu keenayaa
inaad ka xanuunsatoo ALLE abaal uga sugtee
ma ruux aadami ahoo islaam ahaad leedihiin
umadahaad ka xuntihiin ma ahid owlaad nasaba
umuurtani waa shirkiye Illaahey u soo noqdoo
waxdaaniyada aqbaloo ALLIYO Nebina ha ka furan
Akhaa hilkina ha cunin umuurtan kafaaradeedu
Waa inaanu isguursanaa wax kaloo ay ku ansaxeyso
WALLAAHI inaan la arag ogaalkeedana lahoow
Haatana wuxuu Abwaanku tirinayaa shirib
Nasabkii nuuxya aadamoo
Halnaas wada nuugayaad tihiin
Ina akramakum cindallaah
Atqaakum xaad u inkirteen.?
Asleynkiyo ijmaaciyoo
Waxaan athar cilmiya aheyn
Ogaadha weyska iftaree
Ugu dambeyntiina Abwaan Bacadle wuxuu baaq u
jeediyay culumaa'udiinka Salafiyiinta ah oo dadka ka xoreeyey
qabyaaladii, qabuuro tuugii, kuhaanadii, iyo shirkiyaadkii isagoo
yiri “Waa inay xooga saaraan culimadu dulmiga lagu hayo dadka
muslimiinta ah oo la leeyahay ILLAAHEY si xunbuu adiga kuu abuuray
anigana si wanaagsabuu ii abuuray, sidaa darteedna isma geyno,
arrinkaasna waxaa laga soo minguuriyay Hindida dabka caabuda oo
dadkeeda u kala soocda qolo fiican iyo qolo kale oo ay u yaqaanaan
lama taabtaan (An tachble).
Kala xiriir Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle)
Mobile: 5595970

Cabdifitaax Aweys (C/fitaax qoslaaye), Nairobi-Kenya.
E-mail: diinle66@hotmail.com
|