Home

Contact

SUGAANTA GUEST BOOK

Isagii oo dhan


Warbixintii Amnesty iyo Jawaabteeda

 

Amnesty waxay sheegtay in Somaliland lagu xadgudbo dadka laga badan yahay

 

 

War ay soo saartay hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxay ku sheegtay in mudaaharaad si nabad ah uga dhacayey gudaha magaalada Hargeysa oo ay ka qeybgaleen ilaa boqol qof oo beesha gabooyaha ka soo wada jeeda, ay dowladdu qab-qabatay oo lagu xiray xabsiga dhexe ee Hargeysa, amaba lagu hayo meelo qarsoodi oo aan sharci ahayn iyo xarumaha qeybta dembi baarista ee booliska,kuwaasoo hadda khatar ugu jira sida ay sheegtay Amnesty International, in la jir-dilo.

Dadka banaan baxaas dhigayey ayaa la sheegay in ay ka cabanayeen dilkii nin la oran jiray Khadar Cismaan Dhabar oo nin boolis ihi dilay.

Bishan May 13-keedii, ayuu Khadar Cismaan Dhabar, ku geeriyooday magaalada Hargeysa isagoo u dhintay dhaawacii ka soo gaaray dhowr xabbadood oo ku dhacay habeennimadii 11-kii bishan.

Tafaasiil kooban

Amnesty waxay sheegtay in aan la wada hayn tafaasiisha warkan, hase yeeshee ay u muuqato in dilku uu dhacay kaddib markii labo nin oo boolis ah ay ku soo dhowaadeen Khadar Cismaan Dhabar iyo labo qof oo saxaabadi ah oo joogay xaafadda Hawl-wadaag ee magaalada Hargeysa, kaddina uu mid ka mid ah labadii nin ee booliska ahaa uu toogtay Khadar, isagoo ogsoon beesha ay u dhasheen raggaasi ee ah beesha gabooyaha in ay tahay beel lagaga tiro badan yahay magaalada Hargeysa, waxayna Amnesty sheegtay in beeshan inta badan tacaddiyada loo geysto aan cidna loo ciqaabin.

Dawladda la baxday Somaliland ayaa ku gacan-sayrtay eedda uu ururka xuquuqda bani aadanka u dooda ee Amnesty International ugu soo jeediyey in lagu xad-gudbo xuquuqda dadka u dhashay beesha Gabooyaha.

Jawaabta Jamhuuriyadda la baxday Somaliland

Warbixintaasi Amnesty International kaddib ayaa BBC-da wareysi ay la yeelatay wasiirka arrimaha gudaha ee jamhuuriyadda la baxday Somaliland, Ismaaciil Adan Cismaan, waxa uu sheegay in uu ka xun yahay in Amnesty International ay jawaab ka bixiso arrin aanay xaqiiqadeeda haynin sida uu hadalka u dhigay, waxana uu intaasi ku daray in eedeynta Amnesty International aanay waxba ka jirin.

Si kastaba ha ahaatee, Ismaaciil Adan Cismaan waxa uu sheegay in uu dhici karo khalad, laakin haddana amuurtani ay dhacday iyadoo ay habeen saqdhexe tahay oo markaas iyadoo ay boolisku roondo ku jiraan oo ay ilaalinayaan ammaanka waddooyinka ay soo weerareen niman sakhraansan, dabadeedna markii ay askartu u baqeen in raggaasi sida uu hadalka u dhigay sakhraansani ay qoryohooda ku qabsadaan uu nin askarta ka mid ahi uu rasaas riday taasoo ku dhacday nin ka mid ah raggaasi.

Wasiirku waxa uu sheegay in intaasi kaddib, ninkaasi isagoo dhaawac ah la soo qaaday oo la geeyey isbitaalka guud ee Hargeysa, halkaasoo uu ku dhintay.

Ma hubaysnayn ninka la dilay

Wasiirku waxaa kaloo uu sheegay in ninkaasi uusan hubaysnayn, laakin haddana aanay makaxdiisu dhammayn, intaasi dabadeedna ay boolisku soo xireen askarigii xabbadda ku riday ninkaasi oo uu ilaa haddana xiran yahay oo xaaladdiisa la baarayo.

Wasiirku waxa kaloo uu sheegay in ninkaasi dhintay raggii la socday aanan la qaban oo markii ay xabbaddu dhacday ay baxsadeen.

Beenin mudaaharaad

Wasiirka arrimaha gudaha ee jamhuuriyadda la baxday Somaliland, Ismaaciil Adan Cismaan, waxa uu sidoo kale beeniyey in uu dhacay wax mudaaharaad ah oo sameeyeen dad ka caraysan falkaasi booliska sida ay sheegtay Amnesty International, waxana uu wasiirku sheegay in aanay CID-du lahayn meelo gaar ah oo ay wax ku xirtaan, balse haddii ay wax soo xiraanna ay keenaan oo keliya saldhigyada booliska.

Wasiirku dhinaca kalena waxa uu qiray in ay jireen dad isu soo baxay oo taayerro waddooyinka Hargsysa ku gubay oo dukaamo je-jebiyey, oo xarun isgaarsiin wax gaarsiiyey oo meelo kalena dhagxaan la dhacay.

Askar dhaawacantay

Wasiirku waxa kaloo uu sheegay in dadkaasi ay dhaawaceen ilaa afar nin oo booliska ka tirsan, kuwaasoo sida uu sheegay ay weli labo ka mid ahi isbitaalka yaallaan oo dhaawac xoog leh ay dadkaasi gaarsiiyeen.

Wasiirku wuxuu kaloo intaasi ku daray in dadkaasi la soo qab-qabtay, laakin uu madaxweynaha jamhuuriyadda la baxday Somaliland amray in aanu sii xirnaana karin qof ka mid ah dadkaasi.

Maxaa laga yeeli doonaa haddi askariga lagu helo dembiga?

Ismaaciil Adan Cismaan wuxuu kaloo sheegay in Somaliland aanan dadka laga tirada badan yahay waxba loogu dhimin oo ay xuquuqdooda leeyihiin kuna jiraan hay'adaha dowladda isla markaana aanay jirin cid la cadaadiyo.

Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in uu weli socdo baaritaanka lagu hayo ninkii booliska ee dilay ninka oo haddii lagu helana sharciga la hor geyn doono oo la toogan doono haddii aanay ciddii uu ninka ka dilay saamixin.

 

Copyright © 2005 Dulmane.com   All rights reserved.