Ku-Garaadada
Degaanka Buuhoodle.
Ku-Cuqaasha Degaanka
Buuhoodle.
Ku-Culimaa-udiinka
Degaanka Buuhoodle.
Ku-Maamulka Degmadda
Buuhoodle.
Ku-Gudoonka Gobolka
Ceyn.
Ujeedo- Codsi Sii
Diinta Baabuurka Xamuulka Ah ee Halkaas Lagu
Heeysto.
Mudanayaasha Xurmadda iyo Sharafta Weyn
leh ee Kor ku Xusan Marka Horre Iga Gudooma Salaan
Wacan oo Maqaamkiina u Qalanta Iyo Tixgelin Gaar
ah, Anigoo ka Duulaaya Hab Dhaqameedka Wanaagsan
ee Nabadgelyada, Xasiloonida Iyo Amaan Gelin
Musaafirka ee Sharaceeda Islaamku Dhigeeyso iyo
Hab Dhaqmeedka Suuban ee Dadkeena Leeyahay,
Xeerarka Hufan oo Dadka u Dhexeeya,Iyadoo La
Ilaalinaayo Habka Socodka Gaadiidka iyo Dadka
Rayidka ahba, Waan Garan Karaa in eey Jirri
Karaan Dad Wax Tabanaaya iyo
Dhaliilo Jiiraba, Hadana Waxaan Marna la Qaadan
Kareen in Khaladka Khalad Lagu Saxo, in Xumaan
Dhacay ama Jira lagu Gudo Mid Kalle oo Xumaan ah,
Iyo in Muwaadin Caadi ah Loo Afduubo, Hantidiisana
Loo Qabsado Arrin ama Ficil aan Masuul ka aheyn.
Anigoo Kalsooni Weyn ku
Qaba Garashadda, Dareenka,Masuuliyadda Iyo Xeel
Dheeridda Hogaanka Dhaqameedka, Culimaa.udiinka
Iyo Waxgaradka Degaankaas Iyo Hab Dhaqameedka
Milgo Gobeedka ku Saleeysan Soo Jireenka,Isla
Markaana Xeerinaaya Xiriirka Dadka ka Dhexeeya iyo
Ahamiyadiisa, Waxaan Soo Jeedinayaa in Sidda ugu
Dhakhsa badan loo Sii Daayo Baabuurkaas Muuska
Sidda iyo Dadka Wataba, Dhinaca Wanaagsan,
Sharafta leh, Dadnimo Wanaagsan ah iyadoo laga
Eegaayo Arrinta Iyo Illaalinta
Xurmadda Safarka Iyo Musaafarka iyo Magaca iyo
Maqaamka Degaanka Buuhoodle Iyo Ehelkiisa
Taariikhda Dheer leh, Wadaniyiinta Ku Caan Baxay
Jihaadka iyo Xornimo Jaceylka, Taariikhda
Somaaliyeed Bogaga Dahabka ka Qoran eey ka
Dhasheen Shahiidyadii Waaweynaa, Anigoo Og Arrin
Horre oo eey Sidii Ku Habooneyd u Xaliyeen Amaan
Iyo Bogaadina ku Mudan Yihiin.
Waxaan ku Rajo Weynahay
in Codsiganu La Kulmi Doono Aqbilaad Iyo Soo
Dhoweeynta ku Haboon Hadii Alle Idmo Lana Sii Deyn
doono Baabuurka iyo Dadka Wataba, Dhinaca Fiican
Iyo Aragtidda Toosan Dadka reer Buuhoodle Raacaan
oo Dadkan aan Wax Galin Loo Sii Daayo Hantidooda,
Lana Illaaliyo Habka Wanaagsan ee Diinteena
Islaamku ina Fareeyso Xurmadda Masaafurka iyo in
Hantidiisaba la Dhoowro.
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England- 17/01/2006-