HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

Baaq ay soo saareen odoyaasha ama cuqaasha beesha gabooye oo ku saabsan abaaraha ba,an ee sameeyey reer miiga beesha gabooye

 

Waxaa aan salaamaynaa dhamaan websetdada ay leeyihiin beesha gabooye gaar ahaan oo ay kamid yihiin , sida midgaan.com ,iyo dulmane ,ururka sima Anooga oo ah Odeyaasha ama cuqaaasha wax garadka iyo dhalinyarada  beesha gabooye ee dagta somaaliland iyo goboldiisa , waxaanu baaq kaalmo udiraynaa jaaliyada beesha gabooye e ku kunool dunida iyo daafe heeda  in ay soo caawiyaan walaalahood dhibaattaysan ee abaaruhu ay sida xun usaameeysay ,taasoo ay uugu daran tahay biyo la,aanta macaluusha haysata walaaalahiina ku dhibaataysan miiga oo kukala baahsan gobolada woqooyi ee xaladaha abaareed ku sugan kuwaas ubaahan in loo gurmado sida uugu dhaqsiyaha badan , maahmaah soomaaliyeed baa tidhaahda , ceelna uuma qodna cidna uuma maqna , dadkan, walaalayaal dadkan cid wax uqabanayssa majirto waxay sugayaan illaahay kasoko waa idinka Mushtamac nala dagani waa in ay ogaadaan in ay cid umaqantahay dadkan dhibaataysan, walaalahayaga jooga qurbaha sanadkani waa sanadkii uugu xumaa , gaar ahaan reermiiga ay sida uugu xun ay usilceen , maadaamoo reer reer laysugu gurmanayo ama beel beel , maxaad idinkuna ku ilawdeen iyagoo aan helin mid dawladeed iyo mid haayadeedba ama laga qayb galinin amaba la qadiyey , markaa idinkuna ku ilowdeen dadkiinii , idinkuun uun bay caawimaad idinka sugayaan  nin ka mid raga dagan reer miiga oo nooga waramay oo magaciisa la yidhaahdo cabdi khayre faarax Ayaa nooga waramay dhibaatada haysta  oo ka mid dadkan dulmane ee beesha.

 

Waxaa baaqan ka Hadley cuqasha ,Odeyaasha , sulaadiinta iyo dhalinyarada iyo wax garadka beesha ee dagan magaalada hargeysa oo magacyadoodu ay kala yihiin sidan hoos ku qoran  Suldaanka guud ee beesha gabooye  oo ah  

  1.   Suldaan muxumed cisman buuri

  2.   Suldaan sarxdiid faarax budeeye (together)

  3.   Odey  xusen maxamed cabdilaahi

  4.   Odey  biixi cabdi gab

  5.   Odey maxamed dhabaney

  6.   Odeyf  xusen cilmi madar (raan)

  7.   Odey  cabdi jamac ( cabdi warabe)

  8.   Caaqilaxmed shide muxumed (berbera)

  9.   Odey cabdi cabdilaahi  cali

  10.   Odey ismaaciil cali cismaan

  11.   Sheikh iid salaam kaariye

  12.   aqoonyaanada sida cabdiqaadir muxumed jamac

  13.   muxiyadin maxamed cabdi

waxaa nagal soo xidhiidh kartaan tel  moble 406939 ama 408390 sidaa iyo waxtar wanagsan sidaa iyo jawaab dag daga ah

 
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com