Asalaamu Calaykum waraxmatulaah wabarakaatuhu
Ururka kaalmeeya agoonta ee Horn African Orphan Relief Inc.
Ujeedadda Ururka: Waa urur samafal oo u adeega agoonta soomaaliyeed,
kaas oo ka caawiya xaga waxbarashada, kuwas oon awoodi karin iney
dhaqaale ahaan iska bixiyaan iskuulaadka iyo dugsiyada waxbarasho ee
haatan kajira dakla soomaaliya. Waxaa la aasaasay Ururkan markey
taariiqdu aheyd April 2008. Waan urur ka diwaan gashan wadanka
maraykanka haystana ogolaanshaha waaxda canshuuraha dowlada dhexe iyo
tan gobolkaba. Ururkani waa mid sharci ah lana siin karo canshuuraha lehna
501 (c) (3). Ururkan waxaa sameeyey dad Soomali ah oo khayrka jecel,
go’aan sadayna inay u gargaaraan dhamaanba agoonta Soomaliyeed ee ku dhibaataysan dhulalka ay Soomaalidu degtooo
dhan.
Halkee Buu ka shaqeeyaa Ururkani ?
Dhamaan Dhulka ay Soomaalidu degto,
Hada ma bilaabey wax
shaqo ah?
Haa hadana
wuxuu ka bilaabey shaqooyin sadex magaalo oo kala ah: Burco, Buuhoodle
iyo Boosaaso.
Yaa Caawiya ururkan?
Jaaliyadaha Soomaliyeed ee Aduunka oo dhan gaar
ahaan kuwa dagan USA.
Maxaad U qaban kartaa agoonta soomaaliyeed Somaaley?
Walaal maxaa u qaban kartaa agoonta soomaaliyeed ee sugaya Illahay iyo
adiga oo ah
walaalkooda Islaamka iyo kan soomaaliyeedba?
Masawiradan dhinacyada ka muuqda waa
qaar ka mid ah ardayda laga caawiyo ama wax ku barata sadex magaalo oo
ka mid ah magaalooyinka soomaaliyeed.
Waxaanu waxii faahfaahin ah ku soo
gudbin doona web bage aanu dhismo ku wadno oo u qaas ah agoonta iyo
danyarta somaaliyeed kuwaas oo ku kale nool gobolada ama magaalooyinka
dalka soomaali oo dhan.
Ma doonaysaa in aad
ifka iyo aakhriba liibaanto ?
Ma doonaysaa in ILLAHAY ku siiyo ajar fara
badan ?
Ma doonaysaa in ILLAHAY guri kaaga dhiso Jannada ?
Ma doonaysaa in ILLAHAY Kaa xijaabo Dhibaatooyinka ?
Hadii jawaabtaadu "HAA" Tahay Fadlan ka qeeyb Qaado kafaalo qaadka
agoonta:
Yaan la Xidhiidhaa ?.
Sh. Maxamed Adam
P.O.Box 24824
Denver, Co 80224
303-523-5510
Hirey1@msn.com
|